Haddaan fahmay waxa ay ka siman yihiin doorashada iyo imtixaanku (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

 

Haddii aad arday tahay amaba bare, doorasho kuu dhuuman mayso. Maxaa wacay:

Ujeeddeeyinka casharku waa siyaasadda xisbiga

Casharku waa ololaha doorashada

Guddida limtixaanaadku waa Guddida Doorashada

Ilaaliyaasha imtixaanku waa muraaqubiinta

Goobaha imtixaanka lagu qaadayaa waa goobaha codaynta

Shaqaalaha imtixaanku waa ka doorshada oo kale

Qishka ama bixidda imtixaanku waa ku shubasho

Sixidda imtixaanku waa tirinta codka

Isku gaynta dhibcuhu waa isku gaynta codadka

Maadddooyinku waa gobollada

Cabashadu labadaba way u bannaantahay

Dib-u-sixiddu waa dib-u-tirinta

Ku dhawaaqidda natiijadu waa isku mid.

Ka guulaysta imtixaanka waan dedaalay ayuu yidhaa

Kan dhaca imtixaanku waa la i riday ayuu yidhaa.

Xafladaha way wadaagaan

Labadaba inta u sarraysaa fursado kooban ayay helaan inta kalena ninwalba tiro ayaa ku soo hadha u nafta ku sabirsiiyo iyo hebelbaa i hoday.

Ka dhacaa isku day ayaa u furan labadaba.

Haddad doonto dugsiga badallo ama xisbi kale ku biir ama labadaba iskaga tag.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Si kasta oo ay ahaataba, noloshu way socotaa..

Sabraa sadkii ma waayo.

Jidhka-is-gali akhii

Ha wareegto giraantu