Bismilaahi Raxmaani Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Sideynu ogsoonnahay ama aynu ka war qabno waxaa innagu soo foodleh wakhtigii xisbul xaakimka Kulmiye uu qabsan lahaa shirweynihii Golihiisa Dhexe ay ku dooran lahaayeen musharraxa uga qayb gali lahaa tartanka doorashada 2017ka. Haddaba siyaasadda dalkeenna ama qarankeena gebi ahaanba waxay ummaddu hadal haysaa ama saxaafaddu qoreysaa musharraxiinta u tartameya musharraxnimada taas oo ah mid dimuqraadiyadda ku dhisan in xisbigu u saamaxayo in qof waloo ku jira xisbiga ama golaha dhex uu u tartami karo. Hadal haynta shirka iyo saamaynta dalka uu ku hayo waxaan aaminsanahay iney xisbigu iskugu biyo shubtey haldoorkii ama baarqabkii siyaasadda Soomalilaand waana sababtu u saameyn ku hayo dalka oodhan loo hadal hayo.
Markaynu Xaqiiqada taabanno waxaa xisbigu guulo horl eh ka soo hooyey doorashooyinkii ina soo dhaafay oo hormoodka ahaa madaxweynahay talada dalka haya mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xisbiga marxaladkasta uu soo maray ka soo gudbey iyo Waliba intii ku nafweyday marka laga yimaaddo odeyga xisbiga waxaan ogsoonahay in mujaahid Muuse Biixi Cabdi yahay shaqsiga labaad ee guulo hor leh xisbiga u soo hooyay oo ay ugu danbaysay doorashadii Golaha Deegaanka.
Muj Muuse Biixi wuxuu ahaa mujaahid wakhtigii dalka Somaaliya la isku odhan jirey oo ay hoggaamineyeen daaquudkii kaliya taliye ahaa Siyaad Barre wuxuu Muuse ahaa shaqsiyaadkii dalka ka baxey ee ururkii snm ka mid noqdey oo dhaxanta iyo rafaadka u marey inuu dalkii dadkiisa xoreeyo Alxamdulilaah way rumowdey markii dalka lagu soo laabtey wuxuu noqdey inuu qayb weyn ka qaato dib u dhiska dalka ama salka u dhigo qarnimada maanta aynu hadhsaneyno dawladdii Ina Cigaal wuxuu ahaa wasiirkii khaarajiga waxaanu qayb weynka qaatey dhismaha dawladnimo. Tusaale ahaan ciidanka boosilka wuxuuna marwalba Ka shaqeyn jirey maslaxda dalka aynu maanta hadhsaneyno markii han qaadey qarnimada dalkeenna ee ay bilaameen xisbiyadii wuxuu ahaa shaqsiga kaliyee aan raacin xisbi uu reerkiisu leeyahay waana mujaahid ku abtirsada qarnimada dalka Soomalilaan.
Haddaba Muuse Biixi markii uu guuleystey xisbiga Kulmiye
madaxweyne waxa ka noqdey Siilaanyo. Muu noqon shakhsiga doona xil ama wax qabso wuxuu ku hadhey xisbigii Kulmiye wuxuuna u dhabar adeegay inuu xisbigu sii joogo oo uu dhiso oo an halkaa lagu illaabin wuuuna ku guuleystey inuu xisbigii awooddiisii uu lahaa sii jiro. Waxaan aaminsanahay inuu yahay shaqsi han leh oo ah inuu dalka hoggaamiye ka noqdo dalkiisa, dadkiisana wax u qabto. Markaynu eegno maanta siyaasadda dalka waxaan aaminsanahay inuu maanta Muuse u baahan yahay dalku dadka min bari illaa galbeed. Waa nin ogsoon dhammaan marxaladaha waddanka ka taagan geesna aan uga bixin waddanka illaa uu ka soo gaadhsiiyay halka uu maanta taagan yahay. Waa nin geesi ah, aqooni u dheertahay deeqsinnimo u raacday oo waddanka hanan kara. Dacaayadaha suuqa lagu hayo ee Muuse waa askari oo nin adadag waa hadal aan meel gaadhsiisnayn. Waxa ummaddu la yaabtay habeenkii dhawaa ee weydiimaha badan la weydiiyay sida fudud ee dadka oo dhan u qanciyay. Taasi waxay muujinaysaa bisaylkiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay oo aanu jirin maanta nin la dhigi kara, xitaa xisbiyada kale ee saaxadda ku jira.
Hadaanan hadaanan
Gebigoodba hanqaltaagga
Intaan wada hiifo
Halyeyga ka raacin
Oon hoggaanka u dooran
Halgamaaga haldoorka
Noo huray naftiisa
Hadaanan hadaanan
Haldoorka u dhiibin
Hoggaanka dalka
Saw himiladii dalku
Horar iyo haaco iyo
Hog madaw gali mayso
Guuleed Cabdi Aadan “Gabas”
Emailka: Abbas.maax@gmail.com
Tell: 0634761200