Haddii aad Buug Ka Qorto Adeerkaa Ma Qabyaalad baa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sideedaba dad badani waxa isaga khaldan Qabyaaladda iyo Qabiilka, waa kala laba, haddana dhinac iska soo gala marka si qalloocan loo adeegsado. Dhaqankeennii ay bulshadu ku noolayd ee miyiga ka jiray, markii dambe ee magaalooyinka la soo galay ayaa u dhignaa qaab tolnimo iyo ilmaadeer dhib iyo dheefba wadaagta. Taasina waa tolnimo ama qabiil. Qofba qofka uu uga dhaw yahay ayaa wixii ka dhexeeyaa ay fududaan jirtay. Haddii ay xumaani dhexmarto, qaabkii tolnimo ee reerku u kala garqaadan jiray ayaa loo xallin jiray, iyada wixii la isku hayo marna laga garnaqi jiray marna dhexdhexaadin lagu dhammeyn jiray. Taasi waa dhaqankeenna rasmiga ah, sidaasi darteed dhammaan qorayaasha adeeradood buugta ka qoray dhaqankaasi ayaa keenay in cidda u dhow ay u fududahay ururinta macluumaadka iyo haddii ay dhibi timaado in reerku uu xallin karo. Way se jiraan qorayaal buugaag ka qoray dad ay reer ahaan aad u kala fog yihiin, mase badna.

= Anigu waxa aan buug ka qoray Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan, waa adeerkay.

= Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu buug ka qoray Abwaan Timacadde, waa adeerkii.

= C/raxmaan Guri Barwaaqo, wuxuu buug ka qoray Abwaan Gaariye, waa adeerkii.

= Abwaan Axmed Aw Geeddi, wuxuu buug ka qoray Abwaan Cali Jaamac Haabiil, waa adeerkii.

= Maxamed Baashi X. Xasan ‘AHN’, wuxuu buug ka qoray Abwaan Hadraawi, waa adeerkii.

= Abwaan Yuusuf Shaacir, wuxuu buug ka qoray Abwaan Saalan Carrabay, waa adeerkii.

= C/raxmaan Yuusuf Cartan, wuxuu buug ka qoray Madaxweyne Siillaanyo waa adeerkii.

= Siciid Maxamed Gahayr,w uxuu buug ka qoray Xaaji Cabdi Waraabe, waa adeerkii.

= Cabdikariin Xikmaawi, wuxuu buug ka qoray Mujaahid Maxamed Mooge, waa adeerkii.

= Cabdibashiir iyo Aadan Cadde waxa ay buug ka qoreen Abwaan Dheeg, waa adeerkood.

= Cabdiqani C/laahi Aadan, wuxuu buug ka qoray Madaxweyne C/raxmaan Tuur, waa adeerkii.

= Maxamed Cali Cabdilaahi (Saxardiid), wuxuu buug ka qoray Abwaan Faarax Nuur, waa adeerkii.

= Khadar Xuseen Daahir ( Hayl), wuxuu buug ka qoray Abwaan Cismaan Askari, waa adeerkii.

= Axmed Faarax Idaajaa, wuxuu buug ka qoray Abwaan Ismaaciil Mire, waa adeerkii.

= Aw Jaamac Cumar Ciise ‘AHN’, wuxuu buug ka qoray Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waa adeerkii.

Sii wad uun ka bixi maysid.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com