Badanaa heesaha ma dhagaysto laakiin hadii aan mararka qaar wax xikmad ah ama hal ku dhag aan kla kulmo ma dhaafo oo waan dhuuxaa gaara ahaan kuwii hore, wadani ha ahaadaan ama jaceyl ama Alla bari ama nabi amaanba.
Waxaa maalin dhaweyd aan idhaahdo habeen hore I soo jiitay aniga oo sariirta jiifa badanaana waxaa caado u leeyahay xiligaa in aan Raadiyow yar oo jajaban aan dhagaysto ilaa 11:30PM hadii uu xikmad sheegaayo hadii kalena waan bakhtiiyaa, hadaba habeen hore waxaa qaybta BBC carabiga igaga soo baxay sheego aan aad uga helay cidii doodaa ka qayb qaadanayso oo dhana ka wada heleen kolay dhagaysyaasha oo dhana sidaysa uun bay malaha ahaayeen.
Doodu waa haabeen leh badanaa waxa ay idaacada ka maqan tahay kaliya habeenka Khamiista ah waxaana barnaamijka la yidhaahdaa ( dardasha Layliyah) waxaa dooda hogaamiyaha Khaliil fahmi iyo Hibo Cabdulbaaqi oo talantaali u wada siyaasad dhaqaale iyo dagaal halkani shaqo kuma laha waxaa laga hadlaa kaliya arimaha bulshada jaceyl, caafimaad iyo meelaha badanaa aanay warbaahintu xooga saarin ee dadka aan dhibkooda ama horumarkooda warba laga hayn.
Habeen hore waa 10/03/2016 waxaa dooda weyni ay ahayd laba qof wiil iyo gabadh la kala yidhaado Ridaa, iyo Manaar dhalasho ahaana waxa ay ka soo jeedaan wadanka Masar oo jaceylku ka gaadhay in ay beerkooda kala qaybsadaan, yaabay markaan hordhaca dooda maqalay runtana way igala fogaatey laakiin aakhirkii waan liqay oo beerka way kala qaybsadeen.
Waxen hees waayo hore ku maqli jirey taasi oo Sahra Axmed iyo Maxamed Axmed Dhabarlow wada qaadi jireen erayadan heestana waxa leh midhaheeda Abwaan Sangub, markaa baydadka u horeeya ayaan idiin soo qaadi inta aanan sheegin sida Manaar iyo Ridaa beerka u kala qaysabdeen.
Sahra Axmed
Haduu beerku qaybsamo
Badh baan adi ku siin lahaa
Wadnahayga bidixdana
Waan kuu bedeli lahaa
Kaagana waan la bixi lahaa
Waa booli dhiiguye
Kaalamaan bakhayleen
Nafta laba bahood noqon
Badhkaagaan ku siin lahaa
Biyo haddaad cabaysana
Bisinkaan ku dari lahaa
Bedenkaago faatoxo
Bawd baan uga dhigi lahaa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku baridaa
Dhabarlow
“Indhahayga baalkiyo
Budu daan ku dhigi lahaa
Sanbabkayga bilan baan
Badhtankiis ku gelin lahaa
Bacda dhegaha maqalkaan
Xubka kuugu qarin lahaa
Waxan beeri lahaa ubax
Soo bixiyay caashaqa
Habeenkii bogaygaan
Iigu beri ku odhan lahaa
Kolkaan soo baraarugo
Bishaaraan ku siin lahaa
Bidhaantaada araagaa
Bil khayr ugu ducayn lahaa
Illaah waxan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida.”
Sidaas bay Sahra iyo Maxamed heestooda ku sheegayaan markii ay qaadayeen badhtamihii sideetamadii, oo malaha ay riwaayadna jelayeen laakiin labadani waa ka duwan yihiin jaceylkoodu waxa uu keenay in ay beerka qaybsadaan oo side u qaybsadeen bal aan idiinka dhaadhaco sheekadaas.
Ridaa waa wiilka Manaarna waa gabadha waa laba qof oo is jeclaaday mudo hadii ay wada sheekaysteen reerhoodiina faatxo iyo duco ayey ugu dareen in ay is gursadaan markii hawshii guurkii iyo arooskii dhamaaday oo mudo wada noolaayeen ayaa Manaar caafimaadkeeda iyada oo baadhaysa dhakhtar tagtay.
Waxaa lagu sheegay gabadhii Manaar ahayd in beerkeedii dhamaaday oo xanuun (cudur) dhameeyey nolosheeduna halis ku jirto laakiin hadii ay hesho beer loogu tabaruco lagu beeri karo, sidaas ayaa saygeedii jeclaa ee Ridaa ahaa waxa uu yidhi aniga ayaa diyaar ah ee beerkayga qayb ha loo jaro oo ha lagu beero saaxiibaday.
Waa la is garab jiifiyey waxaanu Ridaa ku tabarucay boqolkiiba lixdan beerkiisii in gacalisatiisa Manaar lagu beero sidaas ayaa isagana afartan kaliya ugu soo hadheen maanta ay ku yihiin reer dhisan oo sugaya caruuri in ay u dhalato, inkasata oo dhakhaatiirtu sheegeen inta ay gabadhu daawooyinka qaadanayso in aanay uuraysan oo ilamaha loo baqayo in ay daawadu wax yeesho.
Waxaa iga yaabiyey naf hurida iyo deeqsimanada iyo bani aadamnimada uu sameeyey Ridaa ka sakow sida ay wali isku jecel yihiin!!
Ridaa iyo Manaar
W/ Q: Xasan Ciise