Hal bay ragga dheer yihiin (W.Q. Hibo Ciise Maxamed “basbaaso”)

Bulsho waliba dhaqankeed, baro waliba bilicdeed, balli waliba biyihii. Bulsho kastaa waxey leedahay dhaqamo lagu majeerto oo ay kaga gadisan tahay bulshooyinka kale iyagoo ku qanacsan kuna hanweyn in uu yahay kan ugu wanaagsan dhaqamada jira, lagana yaabo in ay ummaddaha kale dhaliilaan oo dhaleeceeyaan.

Haddaba geyiga Soomaalidu dagto oo baaxad ahaan aad u balaadhan deegaan ahaan kala jaad ba ha ahaadee, waxa aalaaba lagu dabaqaa dhaqankeena diinta Islaamka oo ah meesha ugu horeysa uguna danbeysa ee aynu ficiladeena iyo odhaahdeenaba ugu noqono, taasoo jirta haddana iyadoo Muslin lawada yahay haddana dhaqankii ayaa lagu kala tagsan yahay waynu ka duwan nahay dhaqamada kale sida kuwa lagaga dhaqmo Afrikada Galbeed ta Bari, Aasiya iyo Carabtaba oo aynu in badan wadaagno diinta Islaamka.

Aan hoos u daadago waayadan danbe waxa dhacda in la soo qaadqaado oo Carabka lagu soo celceliyo in jiilashan danbe ay ka tayo yar yihin kana tiro badan yihiin kuwii hore guud ahaanba gaar ahaana waxa farta lagusii godaa ragga oo xataa maahmaaho iyo murtiyaba lagu sheegayo:

“Ragna waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.”

Wax kale maahe waa noloshii aynu ku nooleyn oo isbadashey iyo iyadoo ay ummadda Nabi Maxamed (NNKH) ay sidan u jihaysan tahay oo jiilba jiilkii uu ka horeeyay ka karti badan yahay.

Siday doontaba ha ahaatee ragga Soomaliyeed waxey ku sifaysan yihiin dhaqamo tolmoon oo iyaga u gaar ah amaba ay yar tahay cidda la wadaagta, waxa maskaxdaada ku soo dhacaya tolow maxey noqon karaan?. Waxa aan marnaba ka suurtoobin nin sharaf, wanaag iyo cisi is bidaya in aanu marnaba gacantiisa u qaadin ruux dumara xataa hadday erayo deelqaafa oon loo dulqaadan karin ku tuurtuurto aadna ay iskaga dhawraan, waxa kaloo iyaduna mid aan marnaba la hilmaami karin ah wakhtiyada la joogo goobaha laga adeegto iyo suuqyada oo ah meelaha ugu saxmada badan kumanaan dad ahina isku waydaaranayaan in dumarka ixtiraam badan la siiyo oo ay raggu uga tanaasulaan in ay marwalba wax qabadka ama adeega la siinayo ay ka hormaraan.

Intaaso kaliya maahee waxa iyaduna jirta in goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha (basaska) wakhtiyada qaar ay aad u mashquul badan yihiin dadka oo dhana is maqiiqaan si aaney u seegin hadba baska wakhtigaa taagen, halkaa iyada ah raggu door muhiimay ka qaatan suuro galinta in ay dumarka, caruurta iyo waayeelkuba ahaadaan kuwa u horeeya halka ay iyaguna iska sugaan inta ay fursad fiican u soo baxeyso oo ay dhacdoba in ay dhawr bas sidaa kaga buuxsamaan.

Waxa iyaduna aalaaba dhacda marka jidadka la marayo in dumarka aad loo dhawro oo hadday wataan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, xataa ciidanka wado marista ayaa u fududeeya hawlaha wado marista isla markaana aan baadhitaan aad ah ku sameyn.

Badiyaana ma suurtowdo in gabadh Soomaaliyeed la liido sharafteeda iyadoo ay meesha ka agdhaw yihiin goobtaa rag Soomaaliyeed, waa haybad iyo hu’ sharafeed ay ku tilmaaman yihiin oo aan marnaba duugoobin, ab ka abna ay soo kala dhaxleen.

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

W.Q: Hibo Ciise Maxamed “basbaaso”