Hala badbaadiyo da’yarta iyo daadka roobka ee baddaha galay (WQ: Maxamed Cumar Jibriil “MOJ” )

Sannad  kasta, bil kasta,  todobaadkasta iyo  maalintii timaadba waxa si xawli ah ku socda qulqulka tahriibta ee da’yarta Soomaaliyeed ay ku qubanayaan baddaha kala duwan iyaga oo  ujeedkoodu yahay sidii ay nolol ka horumarsan tan dalka taala uga raadsan lahaayeen waddamada shisheeye.

Inta la ogyahay bulsho kastaa waxay horumar ku gaadhaa ama ku hiigsataa nolol heerkeedu sareeyo oo lagaga baxo rafaadka iyo duruufaha nololeed ee soo mara marka ay ku guulaysato dhismaha jiilka cusub ee u soo barbaaraya, adduunkuna wuxu ku kala tagay sida loo maareeyo ama loo maamulo awooda da’yarta iyaga oo loo sameynayo aqoon iyo xirfado kaaba awoodooda shakhsiyeed.

Bulshada Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka lagu tilmaamo in ay xaga aqoonta ku hooseeyaan inkasta oo ay tahay bulsho dhammaanteed Muslim ah aqoonta diiniga ah Alle ku karaameeyay.

Haddana waxaad moodaa in ay bulshadu sida lagu tilmaamo ay ka madhantay aqoonta maadiga ah, waana bulsho waxbarata laakiin ilaa haada aanay waxbarashadeedu gaadhin meel la manaafacaadsado ama heer aqoonta wax lagu samaysan karo.

Aqoon yaraanta iyo maamul xumo dishootay guud ahaan bulshada Soomaalida ayaa horseed u ah in da’yartii jiilka cusub laga filayay is badal horumar leh oo ay dalka ku sameeyaan  in sidii xaydha-waynta ay dab  isku guraan, oo looga taag laayahay ha Tahriibin iyo ha is-qarxin.

Ceebaha ka dhashay burburka bulshada Soomaalida ku yimid waxa ka mid ah iyada oo   laga faa’iidaysan waayo amaba la dareemi waayo nimcooyinka kala duwan ee Alle ku manaystay deegaanka Soomaalidu degto oo Juquraafi ahaan dhaca meelaha ugu mihiimsan uguna   meel-dhac fiican (strategy) aduuka. Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxa bulshadii dhulka lahayd ku dhacay  xanuun aan daawo lahayn oo la yidhaa TAHRIIB, oo  aad ugu sifo dhow cudurka kale ee baryahan isna Soomaalida ku dhacay ee la yidhaa  IS-MIIDAAMINTA, oo ay wadaagaan toban qodob:

  1. Tahriibuhu waxa uu xaga naf hurka kala siman yahay qofka is miidaaminaya.
  2. Tahriibuhu xaga go’aan adayga waxa uu shabahaa is-miidaamiyaha.
  3. Tahriibuhu waxa uu xaga dhiiranida kala mid yahay qofka is qarxinaya
  4. Tahriibaha waxa maan badalay qof dal kale jooga sida uu qofka is qarxinaya u doorsaday qof magac diimeed wataa.
  5. Tahriibaha iyo is-miidaamiyuhu waxay ka siman yihiin in kaar kaga dhacda waalidkooda.
  6. Qofka Tahriiba waxa looga naxaa sida looga naxo qofka is qarxiya.
  7. Tahriibahu hadii uu geeriyoodo mudada uu safarka ku gudo jiro waxa uu naf haliga kala siman yahay qofka is miidaamiyay.
  8. Tahriibayaasha iyo dadka is-miidaamiyaaba inta badan waxay ka soo jeedaan wadamada aan dowladda lahayn ama aan dowlad adagi ka jirin.
  9. Tahriibuhu waxa uu wado qaldan ku baadidoonayaa nolol aduun oo wanaagsan, halka qofka is miidaaminayaa isna dhabe qaldan uu u marayo raadcada janada.
  10. Tahriibeyaasha iyo dadka is-miidaamiyaa waxay ka siman yihiin dhaliisha iyo cayda wadamada ay ku nool yihiin inta aanay ka dareerin ka hor.

Haddaba qorshe la’aanta ummadda soomaaliyeed ku dhacday ee ay ka wada siman yihiin ayaa ah in la waayo qaab loo mareeyoo da’yarta soo koraysa si loogu hanuunniyo  looguna diyaariyo in ay shaqo u diyaar garoobaan iyaga oo ku qanacsan kuna kalsoon dhulkooda hooyo.

Dhibaatooyinka ka dhashay qorshe la’aanta maamuladda Soomaalida ee ku kala abtirsada shantii waxood ee gumaystuhu bulshada midka ah u kala qaybiyay  waxa laga dhaxlay dhibaatooyinka uu Tahriibku ka mid yahay ee faraha baas ku haya bulshada.

Dhibaatooyinka kale ee qorshe la’aanta bulshada Soomaaliyeed  haysta ka dhashay waxa ka mid ah ilduufka khayraadka kala duwan ee ceegaaga degmada oo dhan, haba ugu sii darnaato ka faa’iidaysi la’aanta biyaha roobka oo sida ay u dulundulcaynayaan dhibic waliba halka kaga beegan bada kaga darsanto.

Ummaddii Soomaaliyeed waxa mar qudha  baddaha ka wada galay  Da’yartii iyo Daadkii roobka oo hadii labadooda la is waafajiyo qorshena loo dajiyo keeni lahaa horumar wax soosaar oo lagaga maarmo maraakiib raashin sida oo  dekeddaha ku so xidha, abaaraha joogtadaha ah ee inala darsay, gaajada aan dhamaanayn iyo macaluusha bulshadeenu la liidato iyo baryada iyo baahida aan u qabno dar inala mid ah oo ka faa’iidaystay da’yartoodii iyo daadkii baddaha ku shubmi lahaa.

Aanoon kala qaadayn ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada geeska Africa ee gumaystuhu shanta qaybood u kala jaray waxan ku boorinayaa madaxda xiligan hogaanka u ah ummadda walaalaha ah in ay la yimaadaan qorshe ka duwan midka xiligan isla markaana ay ku fikiraan wax ka duwan waxa uu gumaystuhu u qoondeeyay ee ah in aan madaxda Soomaaliyeed midna mid la hadal mid kastaana fuliyo qorshaha gaarka ah ee ay u dirteed nimanka ku fadhiya kuraasta  cadwogii awoowyaasheen gumaystay.

Hogaamiyeyaasha ummadda Soomaaliyeed ee xiligan waxa la gudbood in ay si wada jir ah uga hawl galaan badbaada ummaddooda iyaga oo samaysanaya  qorshe wax tar leh oo ummadda lagu badbaadiyo.

Madaxda Waxay mas’uuliyadi ka saaratay in ay da’yarta baddaha ka badbaadiyaan oo u sameeyaan qorshe horumarineed oo qanciya kuna dhiiri galiya waddan jacayl waxsoosaar.

Madaxda Waxa ay mas’uuliyadi ka saarantahay in ay da’yarta ka badbaadiyaan dabka ay isku gurayso iyo qaraxyada ay dadkooda  la beegsanayaan, si ay taas uga waantoobaana waa in la dajiyaa manhaj diin iyo waddaniyad leh oo lagu soo barbaariyo ileen geedku hadii uu yari ku qaloocsamo waynida laguma toosin karee.

Madaxda  waxa ay mas’uuliyadi ka saarantahay in ay maaro u helaan biyaha roobka ee badaha ku qubanaya si looga baxo baahida aan kala go’a lahayn  ee bulshada ay madaxda u yihiin faraha baas ku haysa hadii wax kale la qaban kari waayana waa in bulshada la baraa sidii biyaha looga faa’iidaysan lahaa miyi iyo magaalaba.

Hadaba hadii la helo qorshe lagu jiheeyo Da’yarta,  biyaha baddaha galayanaya lagu joojiyo, waxa hubaal ah in dadkan iyo dalkaniba horumar gaadhi doono, waxa kale oo hubaal ah in laga maarmi doono gacmo shisheeye oo wax la waydiisto iyada  oo aan marna lagu baahi beelin gacan kale wax ay kuu qadhiidho. soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa:

“Sacabadaada ayaa biyo lagaga dhargaa.”

Waakii abwaankeenii waynaa  (AHN) Cabdilaahi Suldaan Timo Cade lahaa:

“Manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sido eh, Maraykanka iyo waaka ay baxshaan madaxda NATO.” 

Hogaamiye adaa ummada ummada ka mas’uul ah ee waxad ogaataa in ay aanad ummadda u dulayn cid kula mid ah oo aanad baahideeda hoos gayn.

Hogaamiye ama madaxweyen qurubka aad doonto ee ka mid ha shanta degmo ee Soomaalidu degto madax ka noqo laakin ogow in mas’uuliyadi kaa saarantahay guud ahaan  ummadda aad ka dhalatay ee Soomaaliyeed, hogaamiye ogow in aan Soomaalidu  ku kalatagay magacaan ay  inagu kala magacaabeen gumaysteyaashii oo xagooda ka ah sumaddo ay ku kala qayteen dad ay ka cudud iyo caqli badiyeen oo ay sidii xoolaha calaamado u kala samaysteen si ay khayraadkooda u xalaashadaaan.

Ugu danbayn waxan bulshada Soomaaliyeed kula dardaamayaa in  hadalka hawl lagu daro oo la badbaadiyo  Da’yarta iyo Daadadka badaha ku dhamaaday, oo hadii la is waafajiyo laga dhaxli doono horumarka aan ka raadinayno in reer galbeed ama carabi inoogu deeqo.

Inaga oo laabta ku hayna in aan hadaiyad la isku siin horumarka laakiin uu yahay wax tacab badan u baahan oo loo dhibtoodo sidii loo gaadhi lahaa.

Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil “MOJ”

Mx7lee@gmail.com

Hargeisa Somaliland