Haldoorkii somaliland ee ka hawl-gali jiray Bbc-da iyo yuusaaga makarafoonkii ugu dambeeyay (WQ: Maxamed Cumar Jibriil)

Tan iyo markii la waayay halayadii codka toolmoonaa ee ka hawlgali jiray idaacada guunka ah BBC, oo ay ugu magac dheeraayeen xidigihii saxaafada Somaliland oo kala ahaa Axmed Xasan Cawke, Siciid Cali Muuse, C/slaan Ibraahim Hereri, Aadan Nuux Dhuule iyo tiro kale oo aan magacooda madal lagu wada xusi Karin oo dhamaantood shaqadan ka tagay mudooyin kala danbeeyay ee lasoo dhaafay, waxa hada idaacadii la wareegay duul aan u kala garan waayay wariyaal aan wadiiqada saxaafada meelna ka soo marin iyo duul dantu gaysan meesha oo habar wacasho cudurkii soomaali sidan u galay ee qabyaalada iyo nin jeclaysiga ku qabsaday makarafoonka.

Si kasta oo ay tahay tan iyo markii la waayay raggii qiimaha lahaa ee idaacadan soo maray waxay guud ahaan bulshada soomaaliyeed tabaysaa wararkii qiimaha lahaa ee ka bixi jiray idaacada iyo barnaamij yadii qiimaha lahaa ee sida dhibaca roobka dhagaha dadka soomaaliyeed oo aan kala sooc lahayn u saamayn jiray. Intaa waxa dheer idaacadii oo ay bulshadii sida guud loogu adeegi jiray kala saartay oo qolona garabka saartay qolana dhabarka u jeedisay, iyada oo wax aan qiimo lahayn ku kala dooranaysa. Ceebaasha dul hogana idaacadan BBC-da ee dhiigeeda kontonaadkii la qaaday RADIO HARGESA, waxa kamid ah iyada oo af lagaado joogto ah kula kacda bulshada soomaaliyeed ee ay kala qaybinayso tusaale hadii aad dhagaysatay, xayaysiika idaacada loo sameeyay ee subaxdii ka baxa ee yidhaa โ€œ BBC WAXAD KA HELAYSAA WARARKII U DANBEEYAY EE SOOMAALIYA IYO CAALAMKA OO DHAN, taas maanay micneheedu ahayn idaacadii dadka soomaaliyeed la hadli jirtay maanta waxay la hadashaa Soomaaliya oo kaliya oo dhagaysigeeda looguma talo galin Somaliland, Djibouti Kenya iyo Ethiopia oo dhamaantood dad Soomaaliyeed ku nool yihiin. Dowladahan ay ku dhaqan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee kor ku xusani waa bulshadii maadaama oo aan magacooda xayaysiiska lagu xusin ma waxay ku jiraan Caalamka kale ee xayaysiiku sheegay.

Ceebaasha kale ee Somaliland u gaarka ah waxa ka mid ah iyada oo muran la galiyo magaca JAMHUURIYADA SOMALILAND, oo laga horeysiiyo Jamhuuriyadda iskeed madax banaaninada ugu dhawaaqday. Tolow aduunka ma jiraa wadan aan magaca isagu samaysay oo loo sameeyay bal adba.

Wariyeyaasha xiligan ee Idaacada waxan leeyahay โ€œHADAL HORTII WAX HUBSADAโ€ Xubnaha tirayada ee reer Somaliland waxan leeyahay โ€œGEEL JIRE GEELA WUU WADA JIRTAA WUUNA KALA JIRTAAโ€