Halkee ayay dunidu maraysaa? (WQ: Cabdirisaaq Baraag)

Halkee ayay dunidu maraysaa?

Warbaahinta Business Insider waxa ay qortay in shalay uu madaxweynaha Brazil, mudane Jair Bolsonaro, dadkiisa ka codsaday in ay wax yar cunaan si ay u dhimmaan saxarooda faraha badan maxaa yeelay dalka ayay dhib weyn ku haysaa. Waxa uu u sheegay hab fudud oo ay saxarada ku dhimi karaan isaga oo u soo jeediyay in ay cunto yar cunaan oo kali ah!

In cunto yar la cuno si saxarada loo dhimo waa ay deedifeeyeen saynisyahanada reer Galbeedku. Waxa ay sheegeen in ay wax aad u yar cuntadu ka ka tahay dhimidda ama badinta saxarada.

Waxa ay yiraahdeen saddex walax oo aad u saameeya waa jiineetikska, dheelliga/dheellitirka cuntada iyo jimicsiga.

Hadda ba, u jeedddadaydo waxaa weeye in aan sheego inta soo socota.

Bill Gates oo ah ninka labaad ee dunida ugu lacagta badan ayaa barayaal sare oo jaamacadeed u diray khasaarada iyo faa’iidada ay saxaradu dunida u hayso. Waxa ay soo heleen in ay saxaradu dunida ku sababto 1) fayoobi xumo, 2) nafaqadarro, 3) cudurro, iyo 4) dhimasho.

Tusaale, dad ka badan 500,000 oo qof ayay sannadkii dishaa. Dunidu waxa ay ku kharshisaa $223 bilyan si loola tacaalo xanuunada ay sababto.

Waxaa kale oo ay soo heleen in ayan iyada lafteedu ka go’in dunida oo ay khasaare ku tagay in waxii la cunaba la iska tuuro! Sidaas darteed baa ay yiraahdeen aynu u baddalano 1) bacrimiyeyaal, 2) enarji (sida koronto), iyo 3) biyo nadiif ah oo la cabbi karo.

Hadda ba, sannadii 2011 ayaa uu meel u dhigay $200 milyan si hawshaas loo galo. 7 sano ka dib, Nofeembar 2018 ayaa laga guulgaaray markaas oo uu Bill Gates $200 milyan oo kale ku daray lacagtii hore si shaqada dunida oo dhan loo gaarsiiyo.

Isaga laftiisa ayaa biyo macaan oo saxaro la baddalay ah dadka hortooda ku dhadhamiyay oo yiri ”Aad baa ay u macaan yihiin”.

Inagu halkee ayaynu maraynaa? Sannadkii tagay ee 2018 Puntland iyo Soomaaliya midna ma naqaano inta qof oo inaga dhimatay. Ma naqaano inta qof oo innaga oo aan ka faa’iidaysan yaraan inooga khasaaray xitaa.

Ma halkaas ayaynu joogaynaa?

Image may contain: 1 person, smilingImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person