Somaliland wakhtiyadii dawladihii kala danbeeyey ee Daahir Riyaale iyo Axmed Siilaanyo waxaa ay siyaasadooda arimaha dibada ay xooga saari jireen iibinta qadiyada Somaliland ay u iib geyn jireen wadamada reer galbeedka ee ay ugu horeeyo wadanka Ingiriis si mar uun ay uga soo helaan ictiraaf.
Inkasto oo uu Daahir Rayaale ay isaga xukuumadisii ugu waxqabad wanaagsanayd dhanka arimaha dibada iyo ictiraaf raadinta, hadana se Axmed Siilaanyo isaga qudhiisu meel fiican ayuu gaadhsiiyay iibinta qadiyada iyo Ictiraaf raadinta isagoo ku guuleystay inuu albaab kasta hordhigo ka hadalka qadiyada Soomaalilayn, waxaana taasi tusaale cad inoogu filnaa la kulanka wuu wakhtigaasi la kulmay madaxdii u kala ariminaysay wadmada kala ah Ingiriis, Turki, Sucuudi iyo imaaratba sidoo kale waxaa uu socdaalo dublamasiyaadeed ku tagi jiray wadamada reer galbeedka iyo afkrikada madoowba.
Wakhitagan imika la joogo iyo xukuumada uu Madaxweyne Biixi uu hoogaanka wali lagama arag qorshayaal cad cad oo uu ku raadinayo kuna iib gaynayo qadiyada Somaliland, Iska dhaaf inuu qadiyad Somaliland iib geeye waxaa burburay xidhiidhadii aynu la lahayn wadamada reer galbeedka ee uu Ingiriis ka midka ahaa waxaana cadeyn iyo tusaale kugu filan wakhtigii Magaalada Londhon ee ku taal Ingiriis siduu Somaliland qadiyadeeda loogu iibin jiray imikana ay u tahay meel aan Laguba soo hadal qaadin qadiyada Soomaalilayn.
Sidoo kale xidhiidhadii inaga baabay ee aynu sida weyn uga faa,ideysan jirnay ee aynu waliba qadiyadeedana kusoo bandhigi jirnay waxaa ka mid ah xidhiidhkii inaga dhexeyey Itoobiya iyo Midowga Afrika oo imika xidhiidhkoodii uu god madoow ku dhacay waxaanay tani tusaale cad oo marag fura u tahay guuldarooyinka imika wakhtigan xaadirka ah ay inoo keentay Xuukuumadani uu Biixi hogaaminayo isagoo ku fashilmay inuu siyaasado cad cad ka yeesho arimaha dibada, waxaanad mooda in imika siyaasadii arimaha dibadu at kusoo koobnaatay uun dawlada Jabuuti oo aan iyaduna abaal ku hayne boqolaal dan ka dhex leh xidhiidhka inaga dhaxeeya iyaga.
Hadaba maxay yihiin caqabadaha ka hortagan xukuumadan inay qadiyada ay u iib geyso wadamadii aynu xidhiidhada la lahayn ee inaga huleelay intii ay iyadu talada dalka heysay.
– Madaxweyne Biixi waxaad mooda intuu xilka hayay inuu siyaasadii arimaha dibada kaga mashquulay tii arimaha guusha oo iyada qudhedoodu ay foolxumooyin badani ka jiraan haday tahay kala qeybsananta bulsheed ee jirta iyo dagaal beeleedada soo noqnoqday ee aan wali xalka waara loo helin.
– Sidoo kale Xukuumadu waxay kaga mashquushay siyaasadii arimaha gudaha la hadalka Dawlada Soomaaliya, Martiqaadka ay ka heleyso Dawlada Jabuuti iyo sidoo kale khilaafadka dooroshooyin ee dalka kusoo noqnoqday.
– waxa iyaduna caqbad kale ah inay maanta Wasaaraada Arimaha Dibada aanay joogin dad ehel u ah maamulka arimaha dibada iyo la macaamilka dawladaha kale ee dunida, taas oo iyaduna keentay in kuwii inoogu dhawaa ee aynu xidhiidhka la lahayn ay inaga huleelaan.
– Qurbajoogta ku sugan daafaha dunida oo igaga qudhoodu door muhiima ka qaadan jiray ictiraaf raadinta waxaad mooda in iyaga qudhoodii ay kaalintoodii maqantay iyadoo ay sabab u tahay Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 2017 taas oo keentay kala qeybsanaan baahsan, doorkasi aad baa loo tabay maanta waana dhibaatada qudha ee manta xuukumadani hortaagan.
Saddexdaasi qodob waa saddexda qodob ee u waaweyn ee manta ka hortagaan xukuumada dhanka siyaasada arimaha dibada inay waxqabad ka sameeyso.