Halkeed dhoof ku joogteen markuu dhaxanta meeraayay? (W.Q: Ismaaciil Shirwac)

Halkeed dhoof ku joogteen markuu dhaxanta meeraayay

Dhulkeed tuugsanayseen markuu dhidibka taagaayay

Bissinka iyo tiirka saw laguma bilaabi jirin , Salliga nebiga iyo suuradaha quraanka.
Markaan taag yarayneen

Taageerada dhallaankiyo

Taakulayn u baahnayn

Ruuxii wax noo taray

Iyo kaan na tebi jirin

Taariikhday ku qorantahay.

Waa dareenka bulsho silic iyo surbacaad usoo dhammaaday, oo sebeno meehanaabaysay, oo dabeetana taariikhdeeda ku dhigatay kuwii gaadhsiiyay guulahay maanta tirsanayso Ilaahay ka sokow, iska yimidka dhoofka ku maqnaana u laqintay in Qarankani halyeeyo lahaa markii baahidiisa iyo baylahdiisuba badnayd.

Somaliland waa Qaran ayaan badan misna ayaan daran. Qoobaddan yaree Geeska Afrika qoomiyadda ku abuurani sideedaba way iska ayaan daran tahay balse in halyeeyo qiimo badan oo baxarashoonka xiliyada adag kaala dabaasha ay isla mandaqadani dihatana waa ayaan badnaan iyo in yarooy dadka dheer tahay.

Taariikhdu iyadaa is dhigta oo sina uma tiranto e, laga soo bilaabo 1884 xilligii gumaysigu Afrika ku soo duulay ummaddani halyeeyo badan ayay ku abtirsataa oo danaheeda guud iyo mid keeda gaarka ahba u heelanaa hadh iyo habeen. Dab nin ragi daaray ayuunbaa ninba dogob kor dhigayay ilaa gumaysigii iska qanco 1960kii isla markaana ummaddu la muusooto xorriyad iyo rajadii midnimada shan Soomaaliyeed.

Ku hungowday oo 1969kii dawladdii milatariga ahaydee dhalatay ayaa ummadda rajadeedii xabaashay. Halkaasuu halgan kale bilawday. Hooyooyinkeen waa wax san dhala oo halyeey diran mid dihata lama waayee, door roonayaal diran oo tiro badnaa ayaa wagaas dalka u kacay oo qaaday xilka ummad dhan oo dulmi halakeeyey.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye duuliye sare iyo derejaale dalal shisheeye wax ku soo bartay ayuu ahaa waagaas, wuxuuse dirayskii u dhigay oo duurka u galay soo noolaynta rajada Hooyo goblantay iyo abuuritaankii mustaqbalka ilmo agoomoobay. Dhamacda iyo dhaxantu laabtiisa may karayn inta Hooyo rajo beel ahi dulcad qamadiga ku dubanaysay, indhaha keliya ee isaga iyo magabadayaashii halganku ay lahaayeena waxay ahayd in ay rumeeyaan riyada shacbigaas ku bayhoofsanaa dhul shisheeye.

Rabbi guulee oo galaddii iyo gobanimadii soo dhiciye ka dib sannado badan oo soo jeed iyo seef la orod ahaa. Sida laga soo weriyo mid ka mida Jaalayaashaa soo dhicinta gobanimada ummadda u silcayay waxa la sheegaa inay gaajada iyo gabo-danada walaaloobeen. May ahayn masuuliyad cidi ku qasbaysay shakhsi dhul shisheeye nolol wacan ku haystay, balse damiir xalan, dareen nool iyo muruq diran ayaaa dabada ka riixayay Muuse iyo inta ay xinjirta wadaagayeen.

Dedaal dheer ka dib magaalooyinkii Somaliland waxay shacbigoodii qaabileen iyagoo dunsan oo dambaska ah xilli ku siman 1991, waxaanay hoggaamiyayaashi dhaqanka iyo siyaasiyiintu isugu yimaaddeen shirkii nabaday beelaha Somaliland ee Buyrco oo uu marti geliyay badhasaabkii Gobolka Togdheer ee waqtigaas immikana ah Wasiirka Duulista iyo Hawada horena usoo noqday xubin firfircoon oo Baarlamaan Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanay shacbigu gaadheen go’aan daba socday shirweynihii 6aad ee halgamayaasha ee ka dhacay Baligubadle.

Shirweynahaas 6aad waxa hagayay oo hoggaaminaayay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi si ummaddan loogu yagleelo dawladnimo sidii maandeeq darafyada la taabtoo la dalaalimeeyo, laga soo bilaabo maalintaasna wuxuu guntiga u gaabsaday in ummadda la gaadhsiiyo badhaadhe iyo Horumar.

Somaliland 1960-kii intii ka dambaysay waxay soo martay saddex marxaladood oo Siyaasi ah:

  1. Dib u xorayntii dalka iyo dagaalkii naf hurka ahaa ee ummadda lagaga kicinaayay gunnimadii keli taliska, mana garanayo shay qof bini aadan ah u huro dalkiisa iyo dadkiisa oo naf ka qiimo badan. Muuse isagoo qaba dareen keeno diidnimo iyo damiir waddaniyadeed ayuu dhiig iyo dheecaanba huray waxaanu dhimashada ka door biday, dhaca iyo boobka lagu hayay shacbigan reer Somaliland.
  2. Yagleelkii haykal dawladnimo oo ummaddani hadhsato, ka dib markii dalka laga saaray keliteliskii macangaga ahaa. Waxaana marag ma doon ah in Guddoomiye Muuse isagoo weli garwaaqsan in ummaddiisu adeeg iyo shaqo u baahan tahay wuxuu door laxaad leh ka soo qaatay dawladahaas.
  3. Xilliyo xasaasi ahaa ayuu soo qabtay xilal kala dambeeyey, waxaana ugu muhiimsanaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ummad hubaysnayd oo haybo u kala daadsanayd, isla markaana badhkood aan dawladnimada dan iyo muraad ka lahayn. Go’aamo samaa oo saxnaa, sabaalayn marka loo baaahdo iyo hal adayg hoggaamineed ayuu kaga soo dabaashay waxaana loo tiriyaa guulihii aasaaska ciidanka booliska, iyo in uu irifaha u laabay isbaarooyinki adduunka lagaga dhici jiray ummadda, waxa kale oo xusid mudan dedaalkii dawladii waqtigaasi u gashay in ummadda maskaxdeeda lagu sawiro humaagga dawladnimo si ay mustaqbalka u ahaadaan kuwo bisil oo la jaan qaadi kara nidaamka dunida casriga ah.
  4. Marka laga yimaado waqtiyadaa halganka iyo habaynta nidaamka dawladnimo , Guddoomiyuhu wuxuu sidii caadada ahayd door laxaad leh ka ciyaaray hirgelinta nidaamkii xisbiyada iyo taaba galki xisbiga uu hadda majarihiisa hayo ee Kulmiye waxaana loo tiriyaa guulo badan oo xisbigani ka gaadhay tartano siyaasadeed oo si dimuqraadi ah uga dhacay geyigay xoreeyeen isaga iyo saaxibadii.

Maanta Kulmiye waxa uu u tafa xaydanayaa in uu soo xulo hoggaamiyihi kasban lahaa dareenka shacbiga isla markaana lagu aamini lahaa masiirkooda. Iyadoo ummaddu maskaxda ku haysa taariikhda guunka ah, kuwii wax taray iyo timaadadeeda mustaqbalka kuwa rajo la bidi karona waxa hubaal ah in barashada hebelo cusub oo aan habeen danta Qaranka u dibjirin ay ka doorbidayaan siyaasiyiintii ruug caddaaga ahaa ee xaalad walba oo adag kala soo dabaalanayey isla markaana taaba gelinta Qaranimada aan habeen qudha ka gam’in, maantana u diyaara badhaadhaha iyo barwaaqada ay bulshadooda la damacsanaayeen muddo ku siman 30 sannadood in ay horseed ka noqdaan.

Ilaahay Subxaana watacaalaa miyaanu odhanin ;

“” لايستوي منكم من أنفق من قبل الفتح وقاتل, أولئك أعظم درجة من الذين أنفقوا من بعد وقاتلوا وكلا وعد الله الحسنى”””

Miyay simanyihiin geesiyaasha horaysona dhamacda iyo dhaxanta, dhabarka u dhiganaayay, dambaysana aan habeen qudha ka seexan dhismaha qaranimada iyo In umaddu hore u dhaqaado Iyo waddaadka iska dhoofay ee dhawaanta iska soo laabtay ama wiilka maxasta iskaga daba dhuumanaayey ee aan habeen u dhafrin danta qaranka ee weliba marti soor iyo siyaado la isugi daray taagga.

Rabbiga warkiisu sidaa u cad yahay, saw Somaliland na isagu muu abuuran?

Waxaan ku soo gebogebaynayaaa su’aal hal xidhaale ku noqon doonta dhadhamo raac badan oo berri haddi hawsha Qaranku yara dheelido dib uga dhoofi doona ;

Halkeed dhoof ku joogteen markuu dhaxanta meeraayay ?

dhulkeed tuugsanayseen markuu dhidibka taagaayay?

 

Ismaaciil Shirwac

Medical Student, Social Work student, and Political Activist

DrIsmail.yusuf@gmail.com.

00252-63-4411133