Halkuu ka yimid Magaca Qasaam? W/X: (Sheekh Rakuub)

Al-Qasaam waa magac waayadan dhagaheenna ku badan, se asalkiisa dad badani aanay garanayn. Unugga gudaha u galay daanta Yuhuuddu xoogga ku haysato horraantii bishii hore ayaa magacan la yidhaa se waa xus iyo maamuusid lagu sharfayo magacan halgamaagii, caalimkii iyo kacaanyahankii Maxamed Ciisaddiin Al-Qasaam (1883-1935) oo ahaa aragtiyahan muslim ah oo ka koray xad iyo xuduud gumaysi dhigay.

Qasaam wuxu ahaa codkar saamayn ku dhex leh deegaankiisa, isagoo Quraanka iyo shareecada tuuladiisa ka dhiga ayuu haddana gumaysi ladirirkii Liibiya qayb ka ahaa. Isagoo xertiisa dhexjooga ayuu halmar ku kacay gumaysigii dalkiisa ee Faransiiska, isagoo ardaydiisii askar ka wada dhigay gumaysiga iska caabbisa. Laakiin kacdoonkiisii abaabul ayaa dadkiisii gumaystaha la jiray dhabarka ka jabiyeen, deeto waxa lagu xukumay dil toogasho, isaguna firdhadkii ayuu Falastiin galay.

Falastiin ayuu ka noqday sheekh diinta dhiga oo dad badan guryaha Quraanka iyo shareecada ugu dhiga, codkarnimadiisii iyo aqoontiisii balaadhnayd ayaa sabab u ahayd inuu shacabka Falastiin quluubtooda dego oo hadalladiisu samayn ku yeeshaan. Wuxu aasaasay naadi dhallinyaro isagoo guddoomiye u noqday. Naadigaa inta badan waxa lagu lafaguri jiray Yuhuudda dhulkooda lagu deegaamaynayo iyo ujeeddada durugsan ee Ingiriis.

Halgamaa Qasaam waxyaallaha taariikhda ugu jirta waxa ugu weyn inuu aad uga hor yimid deegaamayntii Yuhuudda ee dhulka Falastiin, isagoo cambaarayn, ceebayn iyo maagid ku hayey Falastiiniintii dhulkooda ka iibin jiray Yuhuudda isagoo aaminsanaa kuwa guryaha ka iibinayaa inay dhulkoodii iibiyeen dadkoodiina khiyaameen.

Wuxu bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo Qasaamiyiin la yidhaa oo iska caabbin kaga hortaga isbalaadhinta Yuhuudda iyo taageeridda gumaystaha Ingiriis. Wuxu abbaaray Falastiiniintii u shaqaynaysay ee guryaha u iibinaysay laakiin iyagii oo gumaystihii Ingiriis kaashanaya ayaa iska hor imaad ku dilay Maxamed Ciisaddiin Al-Qasaam Ilaahay ha janneeyee.

Kooxdani waxa ay magacaa siddeetan sannadoo ka hor geeriyooday u sitaan waa maamusid halgamaagii ugu horreeyey ee qaddiyadda Falastiin qori u qaata inuu ahaa, sidoo kale carrooggii arrintan maanta taaggan ka digay ee la dhagaysan waayeyna inu ahaa.

Xigasho:sheekh Rakuub

Bandhige@gmail.com