Halkuu salka ku hayaa xidhiidhka cusub ee Maraykanka iyo Somaalilaan (WQ: Cabdifataax Faarax Suubane)

Muddoyinkan danbe waxaa aad u sii xoogaysanayey xidhiidhka cusub ee udhaxeeya Maraykanka iyo Soomaalilaan.
Waftiyo kala duwan oo ka kalasocda dowladda Maraykan ayaa safaro kala duwan kuyid Soomaalilaan.
Siddoo kale waxaa jiray wafti ka socda dhinaca Soomaalilaan oo dhawaan booqasho kutagay waddanka Maraykan,kaasoo gogol xaadh u ahaa safarka madaxweyne Biixi uu shalay ugu kacatimay waddanka Maraykanka.
Ilaa iyo hadda sicad loogama warqabo ujeedooyinka rasmiga ah ee kullanadaasi salka kuhayayaan maadaama aanay labbada dhinac  kasoo saarin warar rasmiya oo laxidhiidha waxyaabihii ayka wadda hadleen.
Faaladan kooban waxaan ku faaqiddi doonaa xidhiidhaddan cusub ee indhawaalabba isasoo-tarayey,gaar ahaan waxaan diiradda saaridoonaa siyaasadda cusub ee Maraykanku kaleeyahay Soomaaliya iyo Soomaalilan.
Xidhiidhka Soomaliya iyo Maraykanka.
Markii ay dhacday xukuumaddii militariga ahayd, beesha caalamka oo  Maraykanku kamidyahay waxay Soomaaliya ku sifeeyeen inay noqotay qarran fashilmey waxayna kala noqdeeb aqoonsigii.
 Xukuumaddihii ka hirgaley Soomaaliya burburkii kadib laga soobilaabo xukuumaddii Cabdiqasin  ilaa xukuumaddii Sheekh Sharif waxaa caalamku u aqoonsanaa xukuumaddo ku meelgaadha.
 Maraykanku wuxuu Soomaaliya dib u aqoonsadey sannadkii 2012kii xiligaas oo uu madaxweyne Soomaaliya ka ahaa Xasan Sheekh.
 Waxaa iyaguna aqoonsadey Qaramadda midoobey oo usoo magacowday wakiilkeegii ugu horeeyey Soomaaliya muddo labbaata-taneeyo sanno lagajoogo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa ku xiggay iyaguna haayaddaha caalamiga ah sidda Baanka aduunka iyo haayadda lacagta aduunka oo iyana dib u aqoonsadey Soomaaliya.
 Maraykanku wuxuu bilaabay dardar galinta dib udhiska dowladda Soomaaliyeed isagoo  kaashanaya saaxiibaddiisa beesha caalamka iyo haayaddaha caalamiga ah.
Waxaana xusid muddan dardar galinta la dardar-galiyey siddii Soomaaliya deynta looga dhaafilahaa.
Dowladda Maraykanku waxay marar baddan sheegtay inay aqoonsantahay hal dal oo layidhaa Soomaaliya taas oo aanay jecleysan Soomaalilaan.
Maraykanka  iyo waddamada Yurub waxay xoog uga shaqeeyeen siddii ay dib ugu bilaabmi lahaayeen wadda hadaladii Soomaaliya iyo Soomaalilan waxaanay marar badan caddaadis xooga kusaareen siddii ay uga qaybgalilahayd.
Reer galbeedku waxay u wakiisheen qabsoomidda wadda hadalka Soomaaliya iyo Soomaalilan Abiy Ahmed halka Maraykan iyo middowga Yurubna hoosta ay ka riixayeen.
 Bishii siddeedaad 2020kii ayuu shirkii wadda haddalka Soomaaliya iyo Soomaalilan ayaa ka qabsoomey waddanka Jabuuti.
 Waxa goob joog ka ahaa waddamada Maraykanka iyo middowga Yurub oo mowqif ahaan ka middeysnaa siddii ay Soomaalilaan ugu qancin lahaayeen in aylaheshiiso Soomaaliya ,hase ahaatee wax midhodhal ah kamaysoo bixin shirkaa kulan
Waxaa cad oo aad umuuqata saamaynta ay dowladda Maraykanku kuleedahay arimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadda doorashooyinka, siddaa darteed waxaa iska cad in aanay waxba iska baddalin siyaasaddii Maraykanka ee ku aadaneyd Soomaaliya.
    Maraykanka iyo Soomaalilan.
Soomaalilan waxay ku dhawaaqdey in ay tahay dal gooniya oo maddaxbanaan 1991hase-yeeshee dowladdaha caalamku waxay u aqoon sanyihiin gobol kamidda Soomaaliya.
Soomaalilan laga bilaabo maalintaa ayku dhawaaqdey gooni isku taaga iyo maanta oo ah muddo 30don sanno   kor udhaaftey, waxay dadaal baddan ugu jirtay sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi taama laakiinse madhicin.
Muddadaa dheer ee Soomaalilan baadidoonka ugu jirtay qaddiyaddeeda aqoonsi raadinta ah, Maraykanku marna murraad kama yeelan Soomaalilaan siddaa darteed waxaa xusid muddan waxa isbaddaley xilligan aan joogno.
Waxyaabaha isbaddalka kernay waxaa ugu weyn tartanka xooggan ee udhexeeya quwaddaha aduunka sidda Maraykan,Yurub,Ruushka iyo Shiinaha ee ee qaaradda Afrika khaas ahaan gobolka geeska.
Soomaalilan xilligan waxa xiisaha iyo xammaasadda  galiyey meesha aykutaalo oo ah meel aad iyo aad u mihiima,taasoo dhinacyadda loolamayaayi midkastaa uu aad udaneynayo.
Soomaalilan markasta diyaar bay utahay in ay soo dhawayso cidkasta oo iyadda danaynaysa waayo iyadda marwalba waxay utahay fursad waxku oola.
Maadaama  Soomaalilan cidkastaa danaynayso iyadduna ay diyaar utahay cidkastoo danaynaysa Maraykanku wuxuu  ka baqay in waddamadda loolanka adag  udhexeeyo sidda Shiinaha iyo Ruushku  ay  Soomaalilan soodagi karaan taasina khatar weyn aykutahay danaha Maraykanka.
 Maraykanku si uuga hortago khatarkasta oo dhaawici karta danihiisa gaar ahaan Shiinaha,wuxuu aad uga howlgaley siddii xidhiidh iskaashi oo dhinnaca diblomaasiyadda ahi uyeelan lahaayeen Soomaalilan iyo Teywan.
Waanay shaqaysay oo hirgashay tallaabadaasi.
Maraykanku wuxuu hadda qaaddey talaabaddii labbaad ee uu ugu quusgeyn lahaa cidda uu loolanku ka dhaxeeyo,taasoo lasaa daaliyano in Maraykanku saldhig milatari ka furan doono Soomaalilaan.
Safarka madaxweyne Biixina waxay ilatahay inay bundhig utahay siddii labbada dhinac ukala saxeexan lahaayeen waxyaabo labbadda darif isku afgarteen muddooyinkan ay kulmayeen.
Marka laga yimaado danaha iyo ujeedooyinka Maraykanku kaleeyahay Soomaalilan oo ah iyagu kuwaa aan kor kusoo xusney, waxaa is weydiintu tahay Soomaalilaan dhankeeda dheefta ugu jirtaayi waxatahay.
Soomaalilan waxay ku dhiiratay anay xidhiidh diblomaasi layeelato Teywan oo aan ognahay in aanu Maraykanka qudhiisu in aanulalahayn lanayeelan karin xidhiidh diblamaasi Teywan.
Maxay tahay ujeedada rasmiga ah ee Soomaalilan ku dhaliyey in ay ku dhiirato inay qaado talaabadaa halista baddani ay uga iman karto?. Ilaa iyo hadda macadda Faa’iidada Soomaalilan ugu jirta amuurahan soo kordhay.