Halyey la hilmaamay: Dilkii saxaabigii weynaa ee Xuseen Bin Cali, Q.6aad (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Waxa soo baxay Macqil basaaskii la odhan jiray ee u shaqayn jiray Cubeydullaahi binu Siyaad. Kolkii uu Haanii binu Curwa indhaha ku dhuftay Macqil ba waxa uu ogaaday xaqiiqada dhabta ah, wadnihiisii ayaa garaacii badiyay, diihaalkii iyo diiqaddii ayaa ku soo baxday. Cubeydullaahi oo sidii awr u doobyaya ayaa yidhi:

 “Ninkan ma taqaannaa, Haaniiyaw?”

Haanii binu Curwa oo yaabban ayaa ku warceliyay:

“Haa, haseyeeshee wuxuu sheegay in Muslim binu Caqiil aanu isagu gurigiisa keenin isla markaana aanu ahayn dhib-wade.”

Haanii binu Curwa wuxuu ku ballan qaaday in uu iska eryayo Muslim isagoo sidoo kale u sheegay Cubeydullaahi in uu ku soo noqon doono.

Nasiib darro, Cubeydullaahi wuu ka diiday Haanii binu Curwa. “Wallee in aanad halkaas ka baxayn illaa aad cid u direyso Muslim, halkaana keenayso.”

Sida lagu yiqiinnay dhaqankii suubbanaa ee Carabta, martidu magan ayay ahaayeen oo lama taaban jirin. Sidaas daraaddeed, Haanii ayaa degdeg ugu halceliyay Cubeydullaahi oo yidhi:

“Ma ninka martida ii ah ayaan halkan keena si loo dilo?”

Cubeydullaahi oo aad u cadhaysan ayaa ul uu haystay wejiga si xun ugaga dhuftay Haanii, dhiigna kaga keenay. Xabsigii qasriga ku dhex-yiillay ayaana lagu tuuray odaygii Haanii.

Magaaladii waxa ku faafay war ah in odaygii Haanii binu Curwa oo ugaaska qabiilkiisa ahaa la dilay. Qabiilkii uu ka soo jeeday Haanii binu Curwa ayaa isa soo abaabulay si ay ula dagaallamaan Cubeydullaahi binu Siyaad. Qasrigii madaxtooyadda ayay ciidankoodii hor tubeen. Si xaaladda loo dejiyo, waxa u yimid ciidankii nin ka socday qasriga oo u sheegay in Haanii binu Curwa uu noolyahay aan se la dilin iyo sidoo kalena nabar ka soo gaadhay wejiga. Kolkii ay hubsadeen in Haanii noolyahay ayay iska tageen.

Cubeydullaahi binu Siyaad oo hoggaaminayay ciidan xooggan ayaa ciidankiisii dul keenay gurigii Haanii binu Curwa. Sidaan hore u soo sheegnayna waxa gurigaas ku jiray Muslim binu Caqiil oo kolkaas ay la joogeen dad badan oo kumannaan gaadhaya. Cubeydullaahi waxa kale oo uu soo kaxeeyay odayaashii uu xidhay ee madax-dhaqameeedka ahaa. Kolba hormo ayuu darka keenayay sidii xoolaha, waxa uu kolba soo kicinayay oday. Odaygaas ayuu amar siinayay. Oday kasta oo soo kaca waxa amar lagu siiyay in uu qabiilkiisa u yeedho una sheego in wax waliba deggan yihiin xaaladduna saxsan tahay.

Sidoo kale waxa ay odayaashu u sheegayeen qabiilkooda in haddii ay soo bixi waayaan odayaashooda la dilayo.  Sidii la faraya ayuu oday kastaaba yeelay waxaana dhacday in dad aad u tiro yar oo taariikhyahannadu ku sheegaan boqol iyo konton qof (150) ay ku soo hadheen Muslim binu Caqiil.

Cubeydullaahi waxa kale oo uu madasha keenay dumarkii oo iyaguna door weyn ka ciyaaray in ay ka saaraan dhallinyaradii ay dhaleen. Taasina waxay dhabar jab weyn ku sii noqotay Muslim binu Caqiil. Intii gudaha ku hadhayna waxa baa’biiyay ciidan beeleed dibedda kaga yimid oo Cubeydullaahi u soo diray. Taariikhyahannadu waxa sheegaan in habeennimadiiba uu Cubeydullaahi keligii ahaa cidina aanay la joogin.

Muslim binu Caqiil isagoo naftiisii la baxsanaya ayuu habeennimadii guureeyay. Goor danbe, ayuu guri ku soo gataati dhacay. Gabadh ayaa irridda hore ee guriga ka furtay. Cabbaar ka dib, waxa uu iska dangiigsaday meel u dhaw ardaaga guriga. Gabadhii ayuu u sheegay in uu yahay Muslim binu Caqiil isla markaana uu doonayo meel uu ku nabad galo. Waxay u oggolaatay in uu guriga hore u soo galo, iyadoo siisay gogoshii uu seexan lahaa.

Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani
Dhammaan kutubka siirada waa laga helayaa qisada oo faahfaahsan
Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”