Halyey la hilmaamay: Dilkii saxaabigii weynaa ee Xuseen Bin Cali, Q.9aad- dhammaad (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Cubedullaahi binu Siyaad wuxuu ku adkaystay go’aankiisii. Kolkii labada dhinac ba ku adkaysteen mawqifkooda, waxa bilaababmay dagaalkii. Aroor Jimce ah bisha Muxarram ku beegnayd 10 sannadkii 61 dii Hijriyada.

Dagaalkii wuu kululaaday waxaana la wiiqay awooddii ciidanka Xuseen oo kolka hore ba koobnayd. Ciidankiisa fardoolayda ahaa wuxuu tiro ahaan dhammaa 30 halka ciidanka lugtuna ahaa 40 nin. Guud ahaan ciidanka dagaal diyaar u ahaa intaas ayuu ahaa. Hadhaagu wuxuu ahaa maati, dumar iyo caruur u badan oo aan dagaal geli karin.

Ugu danbeyn ciidankii uu hoggaaminayay Xuseen binu Cali waa la wada laayay illaa isagii oo keliyi ka soo hadhay. Dagaalyahannada Cubeydullaahi waxay aad uga wareegaysteen inay Xuseen dilaan; mid kastaaba seefta wuu kala wareegay walow ay heleen fursado ay ku dilaan, haddana nin ku dhiirada in Xuseen binu Cali binu abii Daalib oo suubbanuhu awow u ahaa waa la waayay. Kolkii danbe Shimbri ibnu dil Jawsa oo ahaa nin inkaar oo dhammi ku idishahay ayaa amar siiyay ciidanka kuna amray in ay Xuseen dilaan. Kolkii hore cidina ma dhagaysan oo sidii hore ayaa looga meeraystay dilka Xuseen. Si kasta oo ay ahaataba Xuseen waa la dilay. Goobtaas lagu dilay waxa la odhan jiray Karbala. Guud ahaan waxa ciidankiisa laga dilay toddobaatan laba nin oo uu isagu ku jiro.

Kolkii Xuseen la dilay kaddib, waxa laga soo jaray madaxiisii, waxaana loo keenay Cubeydullaahi binu Siyaad. Isla markii albaabka looga soo geliyay ayuu dacaayad bilaabay. “Ninku (Xuseen) waxaan moodayay inuu intaas ka qurux badnaa.” Saxaabigii weynaa ee Anas binu Maalik oo madasha joogay ayaasi kulul ula hadlay Cubeydullaahi, “Ninkaad sidaas ku leedahay wuxuu ahaa kii Nebiga SCW ugu eekaa!”

Maatidii waxa si weyn u soo dhaweeyay Cubeydullaahi binu Siyaad oo u diyaariyay hoy iyo hu’ ba. Wax kasta oo ay u baahdaan wuu siiyay si weynna wuu ula dhaqmay. Geesta kale madaxii Xuseen waxa loo diray Yasiid binu Mucaawiye oo Shaam joogay. Ugu danbeyntiina waxa lagu soo celiyay laguna aasay Madiina(Halka uu ku aasan yahay madaxa Xuseen khilaaf xooggan ayaa ka taagan, sida se loo badan yahay waa Madiina lagu aasay).

Cubeydullaahi binu Siyaad iyo taliyayaashiisii yagana markii danbe waa la dilay oo ciidammoXuseen u hiilinayay ayaa isaga, Xuseen binu Tamiim, iyo shar wadeenkii weynaa ee Shimra dilay madaxa na ka soo gooyay. Sidaas wuxuu Cubeydullaahi ku noqday kii khalgiga ugu shar badnaa waayo wuxuu dilay Xuseen oo inantii Nebigu SCW dhashay. SHeekhul Islaam ibnu Taymiya al Xarraani wuxuu yidhi, “Kuwa Xuseen dilay waxay ka mid yihiin kuwa Ilaahay agtiisa ugu sharka badan.”

Dhammaad

Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani

Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”