Hambalyo aqoonyahan Axmed Ismaaciil Maxamed, oo dhowaan daah-furay cilmi-baadhis cusub 

Waxaan dhowaan akhriyey, daraasad cilmi-baadhis cusub, oo la xidhiidha saamaynta togan, ee uu soonku ku leeyahay, badqabka ama fayo-dhawrka Beerka iyo Kelyaha.

Daraasadan waxa lagu daabacay, bishan November 2023, warsidaha caafimaad ee loo yaqaan Human Nutrition and Metabolism (Elsevier), kaas oo kasoo baxa cariga Maraykanka.

Daraasadani waxay ahayd mid xambaarsan xogo iyo xaqiiqo muujinaya, xidhiidhka tooska ah, ee ka dhexeeya soonka iyo saamaynta uu ku leeyahay, beerka iyo kelyaha.

Marka laga tago aragtida cilmiyeed ee ay cilmi-baadhistan cusubi, caadka ka qaadday, waxaa si xad-dhaaf ah xiiso iyo xamaasad iigu beertay, in aqoonyahanka daah-furay daraasadan cusubi, uu u dhashay Somaliland, kaas oo degan, waxna ku bartay magaalada Hargeysa, magaciisana la dhaho Axmed Ismaaciil Maxamed.

Haddaba, waxaan si weyn u bogaadinayaa, aqoonyahankan caafimaad ee da’da yar, kaas oo muujiyay dedaal iyo in uu dunida aqoonteeda wax ku soo daro.

Axmed, wuxuu ku guuleystay in uu caqligiisa iyo cilmigiisa u adeegsado si togan, oo uu wax curiyo.

Axmed, wuxuu caadka inooga qaaday, in caqabadaha culus ee bulsho ahaan ina haysta aanay ahayn, caqli xumo iyo cilmi la’aan midna. Balse, caqabaduhu in ay yihiin, caajisnimo iyo wax curin la’aan.

Axmed wuxuu qaaday dhabo cusub, oo dhallinyarada kale ee dhigiisa ahi ku dhiiran karaan, ama ka dhinbiil qaadan karaan.

 

Ugu dambayn, waxaan leeyahay, ma aha dhaqan fiican, in aynu mar walba is dhaliilno, ama is dhaleecayno. Balse, dhaqanka fiicani waa in aynu mar walba is dhiiri-gelino, oo niyada isu dhisno.

 

Alle ayaa mahad leh.

 

https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S2666149723000440?ref=pdf_download&fr=RR-2&rr=82db00bd5e2988b9

 

X.com/MohamudHAbdi