Hambalyo iyo hoga-tusaalayn ku socota Wasiirka cusub ee Waxbarashada Q.2aad (WQ: Aaden Haybe Faarax)

Isku shaandayn

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka soo bilow Wasiirka, Ku-xigeenkiisa, Agaasimaha Guud, dhammaan Agaasime-waaxeedyada iyo dhamaan ku-xigeenadeedu waxaa la magacaabay wixii ka danbeeyey bilowgii sannadkii 2018ka.  Muddadaas, waxaa kale oo badankoodii la beddelay madaxdii gobolada ee wasaaradda. Sawir sidan oo kale ah wuxuu ka muuqdaa wasaarado badan.  Intaas waxa dheer in badan oo madaxdan ka mid ahi, waxay ka yimaadeen wasaaradda dibadeeda (kuma ay jirin payrollka wasaaradda). Dadkii xilalkaa laga beddelay marka laga reebo wasiiradii iyo Agaasimayaashii Guud, inta kale badankoodu aroor kasta  waxay u soo kalahaan Wasaaradda oo ay marka muddo la kaftamaan saaxiibadood, koob bun ahna ku dhuftaan, ay iskaga huleelaan iyaga oo aan wax shaqo ah qaban. Dadkaasi wasaaradda mushahar bay ka qaataan, waxaana qurux badnaan lahayd in xooggooda iyo aqoonta waddanka looga faa’iido. Sidan oo kale waxa ka siman wasaarado badan oo ay ku jirto wasaaraddaadu.

Waxaan kuu soo jeedinayaa inaanad ku degdegin isku shaandaynta shaqaalaha ee aad isku daydo inaad dhisto qofkii aad dareento inuu gaabis yahay. Markii aad ku qanacdo inaanu qof Meesha uu joogo ku habbooneyn, isku day inaad beddelkiisa wasaaradda gudaheeda ka raadiso ee aanad dibadda ka keenin. Iyadoo shaqaalihii hore shaqo aanay qabaneyn oo xataa aanay wada haysan xafiis ay fadhiistaan, dadkale qoridooda uma arko wanaag. Taas waxaa ka duwan markii aad ogtahay qof aad looga baahan yahay xirfaddiisa wasaaradda gudaheeda balse aan shaqaale ka ahayn, ma filayo inuu jiro wax kuu diidayaa. Allah ha kula garab gelo.