Hanadkii hilloobay! Qaybtii 2 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Sheekadii Sufyaan al-Sawrii

Qaybta labaad

Dheegasho: Siyar Aclaam Annubalaa; Dahabi

Sufyaan oo amakaagsan ayaa yidhi:

“Hagaag, haddii ay sidaas tahay, berri aan soo diyaar garoobo.” “Haye, ee ha soo habsaamin.”ayuu boqorkii ugu hal celiyay.

Intaas ka dib, Sufyan degdeg ayuu uga huleelay madashii lagu jirrabay isagoo u anba-baxay dhankaas iyo gurigiisii. Aminkii is-beddel. Kolkii mugdigii soo kordhay, qiyaastii habeen badh ay ku beegan tahay, Sufyan inta uu alaabtiisii soo urursaday ayuu fuulay baqal. Sufyaan goor habeen ah ayaa ka guureeyay Kuufa iyo Ciraaqba isagoo la baxsanaya diintiisa. Kolkii uu waagu baryay, boqorkii Abuu Jacfar al Maansuur wuxuu ka dhursugayay Sufyaan.

Muddo haddii uu sugay, Sufyaanna la laayahay weli, ayaa boqorkii dhawr jeer yidhi, “Sufyaan mee, Sufyaan mee?” Kolkii uu iman waayay ayuu diray koox Sufyaan gurigiisii ugu tagta. Markii ay soo gaadheen gurigii Sufyaan, waxa ay waayeen isagii; dadkii jaarkuna waxay u sheegeen in xalay saqdii dhexe uu Sufyaan guureeyay kana baxay gurigiisa.

Boqorkii aad ayuu u cadhooday. Waxa uu bilaabay in uu warqado u diro dhammaan badhasaabyadii u joogay Masar, Shaam, Yaman, Xijaas, Najdi. Waxa uu ugu ballan qaaday in haddii ay keenaan Sufyaan oo nool la siin doono abaal marin fiican oo ay ku farxi doonaan.

Sufyaan weli waxa uu ku sii jiraa safarkiisii. Bar-tilmaameedkiisu wuxuu ahaa Yaman si halkaas uu muddo ugu negaado. Intii uu dhexda ku sii jiray, waxa ka go’ay saadkii ka dibna wuxuu u tagay nin beer leh. Wuxuu u sheegay in uu beerta uga shaqaynayo kana qaadanayo mushahar yar si uu uga helo kharashka sahay ah. Waxa lagu heshiiyay in Sufyaan muddo bil ah ka shaqeeyo beerta.

Ninkan beerta lehi wuu ogaa in Sufyaan madaxiisa lacag la dul dhigay laakiin ma oga in ninkani Sufyaan yahay. Sufyaan shaqadii ayuu guda galay wuxuuna muddo ka shaqaynayay beertii. Maalin ayaa ninkii beerta lahaa ku yidhi, “Adeege, ii keen xabbad cinab ah oo macaan.” Sufyaan ayaa u geeyay xabbaddii cinabka ahayd. Mise waa qadhaadh! Mar labaad ayuu ka codsaday xabbad cinab ah oo macaan. Haddana wuxuu u keenay midh qadhaadh! Ninkii beerta lahaa ayaa aad u cadhooday oo yidhi, “War cinabka  macaan iyo ka aan bislaan miyaanad kala garanayn?” Sufyaan ayaa durbadiiba ku hal celiyay, “Maan dhadhamin ba.” “Bil baad joogtay hadda welina maad dhadhamin?” “Kaamaan helin oggolaansho aan ku dhadhamiyo sababtaas ayaa keentay in aan baran waayo, waxaanan ka baqay in Maalinta Qiyaame Eebbe ii xisaabiyo.”

Ninkii beerta lahaa oo ka yaabban xalaal-miirashada Sufyaan ayaa yidhi, “Xitaa haddii aad tahay Sufyaan al-Sawrii ayaanad sidan samayseen.” Ma garanayo in uu isagiiba yahay, laakiin wuxuu u sheegayaa in xalaal-miirashadiisu qoto dheer tahay. Ninkii iska bax oo xaggaas iyo suuqii tag, Sufyaanna shaqadiisii ku hadh. Ninkii beerta lahaa oo la fadhiya nin ay saaxiib ahaayeen ayay sheekaysteen. Wuxuu uga sheekeeyey in nin xalaal-miirasho badan la joogo. “Hagaag, bal ninka ii sifee,” waxa yidhi saaxiibkii. Kolkii uu tilmaamihiisii bixiyay ayuu yidhi:

“Wallee ninka tilmaamahaas lehi waa Sufyan ee inna kici aan soo qabannee si boqorku innoo siiyo abaal-gudkii.”

Meeshii ayay ka ordeen iyagoo u kacay geestii beertu ka xigtay. Sufyaan wuu iska sii baxay isagoo xakamaha ku xidhay baqashiisii, Yamanna u jihaystay. Labadii nin way ku hungoobeen Sufyaan gacmo madhanna way la soo noqdeen.

Sufyaan wuxuu gaadhay waddankii Yaman. Dadka ayuu u adeegi jiray si nolol-maalmeedkiisa uu ku kafeeyo. Dadkii ayaa ku tuhmay tuugannimo. Sufyaan la xidh, waxaana loo geeyay badhasaabkii Yaman. “Ka fura xadhkaha, “boqorkii ayaa ku yidhi ciidankii. Kolkii laga furay ayuu ku jalbeebiyay dhawr weydiimood oo daran-doorri ah. “Qiro inaad wax xadday.?” “Mey, wallaahi waxba ma xadin.”

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Ma sidaasaa u danbaysay?

Hanadkii hilloobay! Qaybtii 1 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 3 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 2 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797