Hanadkii hilloobay! Qaybtii 3 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Sheekadii Sufyaan al-Sawrii

Qaybta saddexaad

Dheegasho: Siyar Aclaam Annubalaa; Dahabi

Turjumaaddii: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

Boqorkii: Ii sheeg magacaaga. Sufyaan oo ka warwareegaya inuu magaciisa u sheego boqorka ayaa yidhi, “Magacaygu waa Cabdullahi – addoonkii Ilaahay. Boqorkii ayaa degdeg ugu warceliyay Sufyaan, “Dhammaanteen  waxaan nahay addoomadii Ilaahay ee sheeg magacaaga, Ilaahay baan kugu dhaariyee.” Sufyaan haatan waxa lagu riday dhabbo ay adag tahay ka soo noqodkeedu. Waxa uu yidhi, “Magacaygu waa Sufyaan.” Boqorkii ayaa haddana weydiiyay, “Sufyaan ayo.” “Sufyaan Cabdullahi.” “Dhammaanteen waan wada nahay addoomadii Ilaahay ee sheeg magaca aabbahaas Ilaah baan kugu dhaariyee.” Sufyaan oo aan haatan joogin meel uu ka baxo ayaa yidhi, “Sufyaan binu Saciid al Sawrii.”

Boqorkii waxa uu si buuxda u ogaaday in ninkani yahay ninkii la doon-doonayay ee Abuu Jacfar al Mansuur u baahnaa. Sufyaan ayuu ku yidhi, “Ma adigaa ninkii amar-diiddada ku sameeyay boqorka?” “Haa, waa aniga.” “Ma adigaa ninkii ka soo baxsaday Abuu Jacfar al Mansuur.?” “Haa, waa aniga.” “Ma adigaa ninka madaxiisa la dul dhigay abaal-gud ka?” “Haa, waa aniga.”Intaas ka dib, waxa is eegay labadoodii. Kolka uu qofku si fiican u abbaaro dhabbadii Eebbe Weyne u jeexay kana fogaado wax kasta oo ka marin habaabinaya taas waxa u sahlanaada hawlo kakan. Sufyaan weli aan ka dhaqaaqin madashii ayaa Boqorkii ku jalbeebiyay xadiis Suubbanuhu sheegay kuna jira Kitaabka Musnadu Axmed darajo ahaanna sugan. Xadiiskaas oo odhanaya: Ilaahay ogaada kolka aad badhaadhaan wuu idin ogaani kolka aad dhibaataysan tihiin ne. Boqorkii oo aad ugu dhawaa Sufyaan hadallada uu tibaaxayana si mug leh uu dhuuxaya dhegihiisana u raaricinaya ayaa yidhi, “Sufyaanaw waddankan Yaman meeshaad doonto kaga noolow, sidaad doonto na ugu noolow.

Wallaahi haddii aad lugahaaga i dul saarto, iga qaad ku odhan maayo!” Waxa si dhab ah u taabtay hawraarta uu Suubbanuhu tilmaamay isagoo durbadiiba u beddelay mid fal. Sufyaan al Sawrii waxa uu muddo iska dhex mushaaxaayay waddankii Yaman isaga oo helay kalsooni buuxda oo geestii uu doono iyo gooshkii uu doona ba iska tagayay. Kolkii danbe waxa uu u anba-baxay magaalada barakaysan ee Maka al Mukarrama. Si weyn ayaa halkaas loogu soo dhaweeyay aqoonyahanka. Dhammaan dadkii ku dhaqnaa magaaladaas waxay u xidh-xidheen sidii ay aqoonta dihin ee Sufyaan lahaa uga faa’idaystaan. Waxa halhaleel loogu yagleelay rugo uu dadka ku baro geesaha kala duwan ee diinta.

Sufyaan wuxuu dadka bari jiray aqoonta Xadiiska iyo Fiqiga. Abuu Jacfar oo weli ku daba jiray Sufyaan ayaa maqlay in Sufyaan uu ku sugnaa Maka. Aminkaas oo ku beegnaa Xajkii, waxa uu abuu Jacfar al Mansuur iska sii horreysiiyay koox ciidankii ka mid ahaa oo u oo uu ugu talo galay inay loox ku sii xidhaan Sufyaan si uu isagu ugu soo gaadho gacantiisa na ugu dilo. Kooxdii loo igmaday hawshaas waxay galeen magaaladii Maka.

Waxa magaaladii ka bilaabmay guux xooggan iyo gardarro aan geed na loogu soo gabban. Waxay ku qaylinayeen, “Sufyaan mee.” “Sufyaan ayaanu  u soconnaa.” Culimadii iyo caammadii kolkii ay u dulqaadan waayeen dhibta joogta ah ee ay ku hayeen ciidankaasi ayay Sufyaan ku yidhaahdeen, “Sufyaan intii annaga lana layn lahaa, adigu keligaa u bax  oo u tag nimankan.” Sufyaan inta uu ka baxay dhufayskii uu ku jiray ayuu tagay Kacbada. Intuu daaheedii ku dhagay ayuu yidhi, “Ilaahayaw waan kugu dhaartaye, yaanu Abuu Jacfar al Mansuur soo galin Maka. Ilaahayaw yaanu abuu Jacfar al Mansuur soo galin Maka. Arrintii ugu yaabka badnayd se waxay dhacday kolkii abuu Jacfar soo gaadhay duleedka Maka oo malaggii naftu ka qaaday naftii, meydkiisiina la keenay magaaladii Maka si loogu tukado.

Dhammaad

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Hanadkii hilloobay! Qaybtii 2 aad

Ma sidaasaa u danbaysay?

Hanadkii hilloobay! Qaybtii 1 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 3 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 2 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

 

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797