Hannaankii Aaska Marxuun Cali Ibraahin Maxamed “Sanyare” (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Goorihii dambe ee maalin Laamin (Laabin) ama Isniin is ah ayaan si rasmi ah u ogaaday in berri oo Lamtoka (Salaasa) ah, sooyaalkuna yahay 8da Mey 2018ka, abbaaro 06:30 aroornimo la soo dejinayo Marxuun Cali Ibraahin Maxamed (Sanyare) oo ku geeriyooday Iswiisarlaan, kaas oo xijaabtay dharaar Koodaar (Arbaca) ah sooyaalkuna ku beegnaa 2dii Mey 2018ka.

Ayaantu waa ay ii suntanayd, waxaase xaqiijin u baahnaa xilliga rasmiga ah ee aasku dhacayo. Markii aan intaas hubsaday, waxa aan guda-galay tabaabushihii ka qayb-galka aaska oo loo qoondeeyay in uu ka qabsoomo Toon. Ugu horreyntiina waxa aan cudurdaar u diray dugsigii aan baraha ka ahaa. Maamulkuna si milgo leh ayuu u guddoomay codsigaygii fasaxa.

Hiimsehiimse waaberi oo goorsheegtu ku beegnayd 05:44 ayaan guriga ka baxay aniga oo u jihaystay dhanka Gegada Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Socodka badan ee gaadiidka waxa aan ka dareemay in gawaadhidu u darban yihiin ka qayb-galka aaska. Walaw ay libdhadu markaas uun ay godkeeda “bidh” ka soo odhanaysay, waxa si saxmad leh loo marayay jidka u baxa Gegada Cigaal.

Waxa aan cabbaar ku hakaday Star Supermarket si aan laba dhagax (baytarti) u sii geliyo cod-duube aan ku qabanayay erey-maamuuska iyo ducada lagu gelbinayo marxuumka. Waxa isla goobtaas ku diyaar ahaa dad badan oo Sheekh Maxamed Cali Geeddi ka mid yahay.

Waxa aanu kobtaas iska raacnay jaalleyaal uu ka mid yahay Engineer Maxamed Beddel Eng Maxamed Bedel. Baabuurkii aanu wadannay waxa aanu dhignay bannaanka, gudaha iyo dibadda madaarka waxa buux dhaafiyay moodharro iyo dad. Gudaha Madaarka waxa aan kula kulmay Macallin Siciid Ibraahin Maxamed (Gaanna) oo ay marxuumka walaalo ahaayeen, ahaana barahaygii maaddada sooyaalka ee fasalka saddexaad ee dugsiga sare. Dhambaal tacsi ah ayaan u gudbiyay, sidoo kale waxa aan farriin tiiraanyo ah gaadhsiiyay wiilashii uu adeerka u ahaa iyo intii aan qoyska ka gartay. 06:15 ayaa gudaha loo oggollaaday eheladii iyo odayadii marxuunka xigaalka dhaw lahaa. Annaguna bannaanka ayaanu u soo baxnay.

Waxa aanu goaansannay in aanu xabaasha sii tagno, laakiin waxa nalagu joojiyay meel u dhaw kaantaroolka Balligubadle iyo Sallaxley si uu noo dhaafo gaadhiga dhoolliga ah (ambulance) ee sida jidhkii Marxuun Cali Ibraahin Maxamed (Cali-Sanyare). Saxmadda baabuurtu waxa uu u muuqaal ekaa maalintii xadhigga laga jaray shantii kiiloomitir ee u horreeyay waddada Hargeysa/Sallaxley/Ina Guuxaa oo uu marxuunku Guddoomiye u ahaa guddidii u xilsaarayd dhismaheeda. Walaw bannaanka magaalada la marayay, haddana tirada sagootiyaysa marxuunka oo badnayd, waxa lagu siganayay in ay moodhikaarradu is-hirdiyaan.

Waxa aanu gaadhnay duleedka Woqooyi ee tuulada Toon oo aasku ka dhacayay. Markii aanu baarbuurka ka degay waa aan weysaystay si aan salaadda jinaasada uga qaybgalo. Waxa codbaahiyaha qabsaday Sheekh Cismaan Cali Xuseen “Cali maanta mucaarid iyo muxaafid midna ma aha. Ilaahay buu hor tegayaa. Intaa uu dalka joogayba wanaag ayuu ka shaqaynayay. Laamidaa maanta aynu soo marnay ee agteeda lagu aasayo raggii hormoodka ka ahaa ee dhisay ayuu ahaa. Siyaasadda waa la isku seegaa. Inaga ayaa saamixi karaynna’e ma cafinaa, wixii aynu kala tirsannay ma saamaxnaa?’ ayuu cod qiiro leh ku yidhi “Saamaxnaakum” waxa la socday weedhahaas qiiro na saaqday.

Waxa uu Sheekh Cismaan Cali Xuseen na faray in loo diyaar garoobo salaadda, la weysaysto, in safka la hagaagijiyo iyo in la sugo daqiiqado uu goobta ku soo gaadhayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxa wehelinayay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Qorshaynta, Arrimaha Dibadda, Gaadiidka iyo Waddooyinka, Wasiir ku-xigeennada Warfaafinta iyo Waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Hargeysa Abdirahman Mohamoud Aideed, Maayar ku-xigeenka caasimadda iyo madax kale. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka mid ahaa dadkii goobjoogga ahaa.

Waxa aaska ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Af-hayeenka WADDANI Xil Ibraahin Mahdi Buubaa, Maxamed Nuur Carraale (Duur), Axmed Jaambiir Suldaan, Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), Siciid Sulub Maxamed iyo madax kale. Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee madasha joogay waxa ka mid ahaa Md Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Ku-xigeenka Xoghayaha Guud, Md Yuusuf Keyse Cabdillaahi Xoghayaha Warfaafinta, Md Cabdiqani Ibraahin Selef Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada iyo madax kale.

Lama tirin karo madax-dhaqameedka, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada, abwaannada, qoraayada iyo martida kale ee madasha u timi in ay Eebbe naxariis u weydiiyaan Marxuun Cali Ibraahin Maxamed. Abbaaro 07:30 ayaa lagu tukaday salaaddii jinaasada. Ergadaas kumannaanka ahi waxa ay Eebbe ka baryeen in uu suaalaha u fudaydiyo, dembigiisana dhaafo, una naxariisto marxuunka maanta xabaasha kowsanaya.

Waxaana ciidda iyo dhagaxa lagu rogay intii aanay gaadhin 08:30 barqo-yar. Halkaas ayaa lagu khatimay ducadii Marxuunka. Markay saacaddu ku beegnayd xigsintii ama 09:00, waxa aanu joognay magaalada Hargeysa, annaga oo ka soo dareernay aaskii Marxuun Cali Ibraahin Maxamed. Xabaalaha lagu duugay waxa hore ugu aasnaa dad uu ka mid yahay Sheekh Axmed Cali-Weerar Ilaahay godka ha u nuuro’e.

Waxa sidoo kale madasha laga jeediyay weedho tacsi ah, waxa la xusay sooyaalkiisii hufnaa intii laga haleelay. Waxa wadajir looga maragfuray in uu ahaa halyey lagu hirto. Nin u dhashay dulqaad, deeq, damiir-samaan, degganaan iyo debecsanaan. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuun Cali Ibraahin Maxamed.

Mar kale waxa aan tacsi u dirayaa qoyskiisii, ubadkiisii, xigaalkiisii iyo ummadda uu ka baxay. Ilaahay dhammaanteen samir iyo iimaan run ah ha inaga siiyo.