Hargeysa iyo Xuskii 26ka Juun ee 23 Sanno Ka hor, 1991(W.Q. Mustafe Saleebaan Cilmi

Hal-qabsi:

“Ma Duugowdo Taariikhdu Mana Guurto Taariikhdu”.

Waa Murti Hore.

Muddo billo ah ka dib markii la xaqiijiyey dib-u-xoreytii Somaliland ka dib halgan hadhaadh oo uu horseed ka ahaa urrur halgameedkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, waxaa loo dabaal degay kow iyo soddon guuradii xorriyad Soomaali hesho midii ugu horsey ee maxmiyadii Ingiriiska waa 26kii 1960 (British Somaliland Protectorate).

Hargeysa waxay aheyd maalintan  mid aad uga duwan muuqaalkii ay xorriyada ku hantiday (26kii Juun 1991ka), xilligani Hargeysa waxaa ku dhacey hallaagii aduunyada, waa la burburiyey, la baa’biiyey, waa la bililiqeystey, waxaana buux dhaafiyey gudaheeda in ku dhow 50% masaafada ay ku fadhido hadhaaga walxaha qarxa iyo miino ay ku aaseen kuwii burburiyey oo uu maluhu ahaa in ay cadow Soomaaliyeed  ka difaacaan balse u adeegsadey awoodii ay ku difaaci lahaayeen in ay ku burburiyaa kuna halaagaan CAASIMADII XORRIYADA SOOMAALIDA-Hargeysa-.

Maalintan in farxada in la xuso xorriyadii ugu horeysey ee Soomaali hesho ka sokow,  Hargeysa waxaa ay ku ciidey narruuro rajo oo hor leh. Waayo, dib ayaa loo xoreeyey lagana xorreeyey Soomaali cadow ku noqotey wax kasta ay is moodsiiyeen in uu baa’biinteeda ka qeyb geli karo waa ay u adeegsadeen. Sidaasi mid ka horjeeda CAASIMADA XORRIYADA SOOMAALIDA, dadkeedu waxay u hureen wax kasta oo qiyaaseen in ay ku furan karaan waxaana lagu waayey NAFTA qaaliga ah ee geesiyaal badan oo naftood hurayaal AHAA. Kuwaasi oo si isdaba joog aheyd u soo galey halgan hubeysan 1981-1991kii. Khasaare kasta oo la mutey, guushii waa la gaadhey waxaana lagu soo afmeerey guddoonkii go’aankii shirweynihii beelaha Somaliland ee 18kii May 1991kii iyo madashii Magaalada Burco.

Haddaba, fantasiyahii farxada dabaal-dega 26ka Juun ee 1991kii, waxaa khudbad qiimo leh u jeediyey ummada halgamaagii, hogaamiyihii weynaa, iyo dhaqaale yahanki weynaa ee geeriyoodey 2011kii (AHUN) Muj. Ibraahim Meygaag Samater. Khudbadaasi waxaa uu u mariyey dadweynaha Raadyow Hargeysa markan si quwad leh u danani jirey. Waa khudbad aan xasuusto maalinta 26ka Juun mar walba marka la gaadho. Waa khudbad saacad badhkeed socotey wakhti ahaan. Waa khudbad aad muhiim u ah oo ay fiincan tahey in lagu cel-celiyo mar walba si dhaxalgal looga dhigo da’ yarta maanta oo kale. Waa khudbad uu si duur-xul ah Hargeysa ugu hiiliyey uguna sharxey sida ay nasiib-daradu ugu dhacdey CAASIMADA XORRIYADA SOOMAALIDA.

Ayaandara dhacdey, iyada oo abaal looga dhigey in la isku dayo in la tir tiro Hargeysa dad iyo duunyaba balse ay ku jabeen kuwii isku dayga sameeyey. Muj. Ibraahim Meygaag waxaa uu si farshan leh isbar-bardhig ugu sameeyey muuqaalkii maalintii xorriyada la qaatey ee 26kii Juun 1960kii oo uu ardey ahaa iyo midkan 26kii Juun 1991kii oo dib loo xorreeyey iyo isaga oo tilmaamey caasimadaha ay la faca tahey; kuwa geeska afrika, bariga iyo badhtamaha afrika iyo guud ahaan afrikada madow. Muj. Ibraahim Meygaag waxaa uu si mug leh u qeexayaa sida quman ee ay Hargeysi u aar-goosan doonto; waa cadaalad, waa horumar, waa hufnaan iyo wada noolaansho, waa horseedka dhinac walba oo ay hormuud ka tahey Caasimada Xorriyadii Soomaalida ee Hargeysa.

Xasuus kale oo xusid mudan waa khudbadii ugu dambeysey ee Madaxweyne M. I. Cigaal (AHUN) uu fagaaraha Kheyriyadda Hargeysa ummada uga jeediyey. Waa dabaal-degii 18kii May 2001da. Madaxweyne Cigaal waxaa uu si xeeldheeri leh u hilaadinayaa sida Caasimada Hargeysa isu bedeli doonto labaatan guuradeeda iyada oo maalintan toban jirsatey “Somaliland maalinta ay labaatan jirsato maanta waa toban jirsatee, ANIGU MA IDINLA JOOGI DOONO EH, HARGEYSA waxay yeelan doontaa cimaaradaha dhaadheer ee Dubaay iyo Abudhabi oo kale”. Maalintan waxaa Madaxweyne Cigaal mamnuucey gebi ahaan dhoolatuska ciidamada qalabka sida isaga oo si mug leh ugu sababeeyey in ay tahey hadhaadhigi shuuciyada iyo kelitalisnimada balse hogaamiyaasha ummadoodu doorataa aaney isticmaalin sababtu tahey awood kuma heystaan dadkooda ee irraadada shacabkooda ayey ku hogaamiyaan.

Gebo-gabadii, sidee haboon ee aynu u sunti karnaa si mufakarnimo eh dabaal-dega xorriyadeena (18ka May iyo midka 26ka Juun) misna laba majiiratey? Waa su’aal u baahan in si cilmiyeysan looga jawaabo aniga oo u dhaafaya akhristayaasha maqaalkan kooban.

Aan ku soo afmeero tixo ka mid ahaa Gabeygii weynaa ee Kaana sib kana saar iyo mahadhadii Gabyaa C/llaahi Suldaan Max’ed-Timacade- (AHUN):

Sabyaanta iyo haweenku calankey saadsheenow,

Cidna kaaney na siin eh, Saatir noogu yaboohow,

Seyruuqii Afrikaadoow…….aan siduu yahey eegnee,

Kaana sib kana Saar…………..

 

Qalinkii:              Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel: 00 252 (0) 63 413 74 70

 

Email: mustafe72@gmail.com