Hashaan gaade weynow Libaax uga gayoon waayay inaan goroyo cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye! (Amb. Kaysar Cabdillaahi Maxamed)

Iyada oo aan sharaf iyo karaamo iyo ixtiraam aad u balaadhan u hayo masuuliyiintii xilalka iska casilay oo ay xor u ahaayeen go’aankooda oo dastuurkeenu uu xaq u siiyey, iyada oo aanu ahayn saaxiibo soo wada shaqeeyay oo sharaf iyo ixtiraamba uu naga dhexeeyay ayaa waxaa yaab leh hadalada naxliga iyo hanjabaada ah ee qaarkood afkooda ka soo burqanaya, iyo khalkhal gelinta iyo shakiga ay ummaddii ay madaxda u ahaayeen ku abuurayaan qaarkood.

Waxaan ka codsan lahaa in haddii ay xilalkii ka tageen ay cagta dhigaan oo ay bulshadooda dhinac ka raacaan, kana fogaadaan murugo gelinta hooyooyinka suuqyada tamaandhada ku iibiya oo hadaladoodu uu naxdin gelinay0.

Hadii siyaasadda lagaaga gacan sarreeyo imika, waxa haboon in ay dib u milicsadaan geesiyaasha ka gacan sarreeyay jidka dheer ee dhibta leh ee ay Qarankan u soo mareen, waxa haboon in ay ogaadaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin iyo ragga la midka ahi ay gaajo, dhaxan, roob, cadceed, dagaal iyo jid dheer ay u soo mareen xorriyada aynu haysano, waana in ay ogaadaan in halgankooda la’aantii aanay wasiiro iyo madaxtoona noqdeen.

Waxa kale oo muhiim ah in ay ogaadaan in siyaasaddu ay samir tahay oo in loo samrana loo baahan yahay, imisa goor ayuu Guddoomiye Muuse Biixi kacaa-kufay?. Imisa goor ayuu gees u baxay oo gorada la geliyay?. Run ahaan afkiisa waxaan wanaag ahayn lagama maqal, wuu samray oo waxa uu sameeyay sharaf, isaga oo danta dalkiisa iyo dadkiisa ka horreysiiyay damaciisa shakhsiga ah.

Waxaan u soo jeedinayaa masuuliyiinta is-casishay in ay samir la yimaadaan oo ay maalintooda sugaan oo ay danta dalkooda ay ka horreysiiyaan damacooda shakhsiga ah.

Ugu dambayn qofkii u fikira si khaldan ee isku daya inuu waxyeello u geysto amniga iyo nidaamka dawladnimo waa in uu ogaado in gacan bir ah lagu qaban doono, madaxda hoggaanka dalka haysaana ay tahay kuwo aan hanjabaad iyo goroyo-khaakhlayn loola tegi karin, sababtoo ah waa geesiyaal xilliyo qadhaadh iyo marxalado adag u soo maray xorriyada aynu maanta haysano.

Mujaahid Siilaanyo

 

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed