Heego mise Huube (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Beriyihii ugu dambeeyey waxa baraha bulshada iyo goobaha lagu caweeyo ee fadhi ku-dirirka ay reer Muqdisho u yaqaanaan ku batay adeesiga labadan kalmadood. Labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kaadiriintooda dhallinyarada ah ayaa lagu xantaa labadan magac ama midba kan kale ugu yeedhaa.

Asalka Kalmada Heego

Kalmadani waxa ay ka soo talowday xadka Wajaale, waxaanay ka soo socdaashay dhinacaa iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa la odhan jiray dhallinyarro hayb ahaan ku taageeri jirtay madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiy ina Cabdi-Iley. Waxa u furnaa dhammaan khasnadaha dawlada oo waxa ay toos ugu xidhnaayeen xafiiska madaxweynaha Ina Cabdi-Iley. Hal-ku-dhigoodu wuxuu ahaa waxa socda dhinac ayaan ka ahay ee dhex kama ihi. Nolosha ay ku jiraan ayaa laga garanayey inay jaqayaan tuubadii xoolaha ummadda. Waxa ay u badnaayeen shaqaalah dawlada iyo xubno qurbo-joog ah oo baraha bulshada ka difaaci jiray madaxweynaha.

Dhinaca Muqdisho ayuu sidoo kale magacani u tallaabay oo waxa ka abuurmay dhallinyaro toos u hoos tagta xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo la safan siyaasadda Farmaajo. Waxa ay sidoo kale laamo ku leeyihiin Soomaalilaan iyo Puntland. Laakiin si qarsoodi ah ayey deegaanadaasi ugu hawlgalaan. Waxyaabaha ay doodoodu ku saleeyaan waxa ugu horeeya in la sarraysiiyo walaatinimada ummadda Soomaaliyeed, waxa ay ka jidhiidhicoodaan adeegsiga SOOMAALILAAN oo ah meesha loo diray inay si qarsoodi ah ula dagaalamaan.

Adeegsiga Labadan Magac ee Soomaalilaan

Dhallinyaro is-kooxaysata oo fadhigoodu yahay hudheelad ku kala yaalla bariga Hargaysa iyo Galbeedka Hargaysa ayaa loo kala bixiyey labadab magac. Magaca HEEGO ayaa loogu yeedhaa ama lagu xantaa dhallinyarro ka tirsan xisbiga Kulmiye oo si gaar ah u fadhiista mid ka mid ah hudheeladda galbeedka Hargaysa, kuwaasi oo aaminsan in dadaalkii ay soo galeen uu keenay inuu xisbiga Kulmiye guulaysto. Koodani waxa ay aad u adeegsadaan baraha bulshada oo ay ka difaacaan xisbiga Kulmiye.

Magaca HUUBE waxa iyana lagu xantaa dhallinyarro ka tirsan xibisga Waddani oo fadhigoodu yahay goob ka mid ah hudheelada bariga Hargaysa. Waxa ay iyana aaminsan yihiin in xisbiga Waddani iyaga ku tiirsan yahay oo ay yihiin isteerinka dhaqaajiya, oo aanu xisbigu laaantood jiri Karin. Labadan kooxood ee HEEGO iyo HUUBE ayuu dagaal qadhaah oo aanay ka dhalanin dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaraa baraha bulshada. Waxa ay isku dayaan inay afkaartooda xisbi ku soo jiitaan dadka bulshada ka muuqada ee aan ku qanacsanayn afkaarta labadan xisbi. Qof kasta oo ay ka dareemaan inuu dhinacooda ka sii jeedo waxa ay ku furaan dacaayado kala duwan oo ah ku talogal inay xajiimeeyaan si aanu dhinaca kale ugu biirin.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@gmail.com