Heerarka uu soo maray muranka hawadda Soomaaliya iyo Somaliland (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Tan iyo bishii September 2017 dowladda itaalka daran ee Somalia waxay u xadhko xidhatay inay afduub kula soo wareegto maamulkii hawada Somalia iyaga oo si caddaan ah isaga indho tiraya heshiiskii (Stanbuul 1 iyo 2) kaas oo dhigayay in hawada Somalia si wada jir ah oo la isla waafaqsanyahay loo wada maamulo.

Bishii septemper 2017 ayuu ninka wasiirka Gaadiidka iyo Duulista  Maxamed c/laahi salad u  xusulduubtay waxanu ugu tagay xafiiskeeda gabadha madaxda ka ah UNICAO (Fang liu )halkaas oo uu la soo dhamaystay is afgarad iyo howshiisii uu watay sidaasna uu caddaysanayo is la markaana shiarar jaraaid qabsaday oo uu ku anadacoonayo inay la waregayana hawada wixii la isku odhan jiray Somalia

Waxa kaloo isagana aanay ka cag qaadin xafiiska Nairobi ee ICAO iyagoo ka dhaadhicinaya inay La wareegaan Hawada Somalia waxa arrimahan garab socday wada hadallo ay wada gelayeen madaxda Somaliland iyo Somalia hase ahaatee Hal bacaad lagu lisay ayay ka soo qaadayeen Qolada Somalia.

Waxa dhacday sanadkii 2017 in Qalabka Diyaaradaha lagu hago si afduub ama Khiyaamo ah looga Dejiyay Muqdisho in kastoo masuuliyiin ICAO ahi ay sheegeen in qalabkaasi u socday Nairobi oo uu ahaa Transit haddana sidaas ayay kula wareegeen waana arrinta u noqotay Furaha inay ku andacoodan inay ku filanyihiin inay hawada maamuli karaan keliya shaqaale loo tababaro waxana la moodaa in hab munaafaqaded ama Cid Somalia la shaqaynaysaa aanay ka madhnayn ICAO nafteeda.

Inta ay Howlahani socdaan masuuliinta Somaliland waxay arrintaas uga hadlayeen si af gaaban oo asluubaysan ama Diplomasiyad u yara muuqda.Sidoo kale ma hayno wax dhaqdhaqaaq Diplomasi ah oo ay arrintaas ka gaysteen hadday tahay hanjabaad.Dacwad garnaqsi midnaba waxay ku sinnayd warqad yar oo loo qoro UNICAO laguna wargeliyo in hawada Somalia ay tahay meel lagu muransanyahay oo aan lagu heshiin sidas darted anay ahayn in dhinac keliya gacanta loo geliyo.

Masuuliyiinta xilalka hayay waxay ahayeen xlliyada ay arrimahani socdeen   wasiirka Arrimaha Dibadda,wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada iyo Maareeyaha Duulista iyo hawada ee hadda xog ogaal uma nihin tallabooyinka diplomasiyaded ee arrintan ka gaysteen ee qarsoon hase ahaattee ma hayno howl cad ama dhaqdhaqaaq diplomasiyaded oo lagula xidhiidhayo Madaxda sare ee ICAO,xafiiska Nairobi ama dacwad UN loo gudbiyay oo hore.

Bishii January 2018 mar uu yimid Hargeisa Ninka u qaabilsan Qaramada Midoobay Somalia iyo Somaliland Xilligan oo uu u yimi inuu Hambalyeyo madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muse Bixi Abdi ayay wariyaashu waydiiyeen sheegashada ay Somalia Sheeganayso inay Hawada la wareegayso maamulkeeda hase ahatee wuxu kaga jawaabay Sidan.

( Duulistu waa arrin wayn oo xasaasi ah caalankoo dhanna u ah dan Sidaas darted meelaha Dispute(Muran) ka jiro  ee waa in la wada guulaystaa (Win-win)ama la wada khasaaraa (loose-loose) waxanu sii raaciyay intuu eegay wasiir sacad tobanka cisho ee soo socda waa in wada Hadal sadex geesood ah la isugu yimaddaa Somalia.UN iyo Somaliland)

Wada hadalkaas meel uu ku danbeeyay lama garan karo wax war ah oo laga helay wasaaradda arrimaha Dibaddana ma hayno.

Dhinaca kale Somalia howsheeda way iska wadatay si caddaan ah waxayna ugu danbayn bishan Juun 2018 ayay Somalia ku dhawaaqday gaar ahan  wasiirka arrimaha Dibadda maxamed C/lahi salad in la xidhay Xafiiskii Nairobi 34 shaqaale ah oo loo tababarayna la soo wareegaty taasina ay tahay dhamadka 25 sano oo ay maamulaysay hayadda ICAO hawada Somalia.

Haddaba qawaaniinta caalamiga ah ee ay ICAO ku shaqayso waxa ka mid ah in meel lagu muransanyahay aan hawadeeda cid gaar ah loo afduubin sidoo kale (Montvedio Convention) cahdiga lagu galay caasimadda Paraguay 1933kii Qodobada Article 1,2,3,4,5 iyo 6 waxay dhigayaan in la xaqdhowro waddamada (Defacto) states iyadoon loo eegin Aqoonsi iyo Aqoonsi la’aan laguma lunsan karo wax ay umadi leedahay hab musuq ah oo fudud iyadoo loogu dhuumanayo Aqoonsi la ‘aan Sidoo kale lama ihanaysan karo sharafkooda iyo karaamadooda.

Ugu danbayn waxan soo jeedin lahaa in xukuumadda Somaliland Caddayso arrimaha ku gadaaman hawadeeda fadhigana ka kacdo illayn madaxbanaanidu maaha dhulka oo keliya ee waa badda,hawada iyo Berrigaba in maalin kasta Somalia shegato oo aan laga jawaabin waa Ceeb qaranka Somaliland u soo hoyatay.

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

0634101213