Heesaha & Heesaaga Heeryo-diidka Oromiya (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Kadib markii loo quudhi waayay nolol, cod iyo cisi ayaa walaalaha Oromo ay u adeegsadeen suugaanta jaadadkeedda kala duwani ee tix iyo tiraab leh; jiib iyo jaan leh; sheeko iyo shactirraba leh labba ujeedo : marka hore hab ay ku cabbiraan waayaha qalafsan ee ay ku nool yihiin ee takoorka iyo bahdilka ahaa, marka xigana hub ay iskaga caabiyaan aqoonta iyo tafsiirka loo adeegsadday xalaalaysigga gumaysigoodda.

Muusiga salka ku leh dhaqanka iyo soo-jireenka guunka ah ee Oromadda ayaa noqday hab-suugaaneedka keliya ee ay ku soo bandhigaan dareenkoodda iyo gadoodkooda. Oromadda oo ahayd umaddaha dunida ku dhaqan kuwoodda la qaayibay ku dul-noolaanshahoodda ayaa heesaha iyo muusigu u noqdeen dood ay ku qaawiyaan siyaasadaha dawliga ah ee heeryadda saaray, u noqdeen kuwo u fura hadalkii ka xidhnaa, u noqdeen qalab ka jebiya dabbaradda xasuusta iyo ilowga.

Haacaluu Hundeessaa -fanaan, halabbuur, halgamaa cod tolmoon -oo ahaa dhimbiilaha shidda kacdoonka heerya-diidka ayaa shalay kooxaha gumaysi-doonka ahi ku sahaydeen Addis Abba. Waxaanu la qaybsanaynaa murugada iyo ciilka reer tolkeen Oromo. Waxaa jira cabsi laga qabo in isku-soo-baxyaddu ay faraha ka baxaan waxaan ilaa hadda la gubay taalooyinka xasuusta iyo muunaynta gumaysiga ee Addis ku lebbisnayd.

Heeskii qiimaha leh ee ay ilaa iyo haddeer daawaddeen malaayiinta qof ee “MAALAA JIRA?” ama “MIYAAN JIRAA ?” ee Haacaluu Hudeesa ku luuqeeyo ayaa ii daaran, waxaanan ka fekerayaa isku-mid ahaanshaha dhaqan iyo dhalasho ee Soomaalidda iyo Orromadda guud ahaan iyo gaar ahaan u adeegsiga awoodda fanka ee halgannada kala duwan.

Allaa Mahad leh,
Hamse A Khaire