Heesta Qaranka ama Heesta Calanka (National Anthem) waxay noqotaa Hees ama Musicย ka tarjuma dhaqankii waddankaasi lahaan jiray ama Xusuuso taariikho murugo iyo farxadba ย leh oo dalkuย uu soo maray,sidaas darted ay tahay in loo saro kaco ,la salaamo,ama loo qiiroodo,sababtu sidaas loo yeelayaa waxay tahay in hadba daโda soo kacaysa lagu ababiyo waddaniyad jacayl Si haddiiba ay dhacdo in waddanka cadow soo weeraro uu qofku hubka u qaatto oo u dagaalamo difaaca dalkiisa.waana wax waddamada Adduunku ka simanyihiin qoloba qaabka ay doonto ha u maamuusto e
Markii ugu horraysay waxa isticmaalay Boqortooyadii Ingriiska ooย heestaas halku โdhigeedu wuxu ahaa โIlaahayow Boqorka ama boqoradda noo nabad geliโ heestaas waxa la hirgeliyay 1619kii,waxa intaas ka dib la qaattay waddamadii barwaaqo soorankaย (Comonweath) waddan kastaaba Hab maamuuskiisaย ama (Protocool) u gaar ah ha U maamuloba e,ka dib waxa ka daba qaattay Dib u curashadii Kacaankii Faransiiska 1830kii, sidaas ayay ku soo gaadhay Waddamada Asia iyo bariga dhexeba,
Heestan qaranka Labadii dale e Somalia la isku odhanย jiray waxa curiyay Yusuf Xaaji Aadan Qabille 1947kii,waxa la odhan jiray โSoomaaliyeey ToosoโHeestaasi waxay ahayd mid ku saabsan shanta Somalia iyo sida Gunmaystuhu u qaybiyay.iyo addoonsigii Somalidu soo martay ama imikaba qaar ka mid ahi ay ku jiraan addoonsi waa kuwan tuducyo ka mid ahi.
โSomaliyee Toosoo
Toosoo isku tiirsada oo
Hadba kiinna tag daraney
Taageera waligiiney
Hadba waxan la tahaayoo
Togaga uga qayshaayoo
Nin dalkiisi Cadow taboo
U Tol waayay baan ahayoo
Marba waxan la ooyayaa
Ilmadu iiga qubanaysaa
Ikhtiyaar nin loo diidoo
La addoonsadaan ahayeโ
Waxa xusid mudan in sanadihii 1993 kii lagu casuumay shirkii kooxaha Somalida uga socday Ethiopia,ka dibna waxa la saaray heestan markii heestu dhamaatay ayuu M.i.Cigaal sara kacay wuxu u sharxay Somalida wixi dhib kala gaadhay Somalia wuxu ku soo gaba gabeyay Heestaas macaan halkii ay na damqi jirtay annagu(Somaliland ) waan ka bogsannay ee walalayaal idinkuna gaarkiina wax u dhsita annagana taayada noo daaya.
Heesta Qaranka Somaliland ย waxay la kowsatay ย markii ay ku dhawaaqday Gooni isu taagga ee ay la soo noqotay Madax banaanideeda.heesta Qaranka Somaliland ee Cusub waa โSamo Ku waarโwaxa curiyay Xasan Sh.Muumin iyadu way ka duwantahay Heestaas horeย ย waxayna tilmaamaysaa in Xorriyadii luntay dib loo soo helay oo waliba lagu bixiyay Naf iyo maal iyo halgan dheer sidaas darted waxay tilmaamaysaa inay tahay in aan dib loogu noqon halkii markii hore la soo maray.
โSamo Ku waar Samo ku waar
Sarreeye Calankan sudhan biley dhuikiisa
Samo ku waar iyo Bogaadin sugan
Hambalyo suubban ku salaannee
Samo ku waar.
Geesiyaashii Naftooda u sadqeeyay
Qaranimada Somaliland .
Xuskooda dhowrsan kugu salaannay
Samo ku waar
Guulside Xambaarsan soo noqoshadiis
Soo noqoshadiisa
Kalsooniduu mutay dastuurka
Samo ku waar samo ku waarโ
Guud ahaan waxan ku soo go gabayn lahaa Qofku waa inuu ixtiraamaa calankiisa waayo haddii uu qofku leeyahay Waxaa iyo waxaas ayaan ku diidanahay inuu soo bandhigo oo laga dhegaystaa waa muhiim laakiin waxan soo jeedin lahaa qofku inuu Calankiisa ixtiraamo waa arrin muhiim.
Rashiid Odawaa
063-4101213