Heshiiska Is-faham ee Soomaalilaan & Itoobiya Ma Noqon Karaa Cad Lagu Margaday?…W/Q:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Mararka-qaar siyaasadda waxa la qaadaa talaabooyin khamaar u eeg. Arrintan Heshiiska Badda ee Soomaalilaan iyo Itoobiyana dhexmaray ayaa ahaa talaabo iyo dhaqaaq siyaasadeed oo waxa ka dhalan kara aan sawir dhammaystiran laga sii wada haysan, walina aan la garan karin halka uu sal dhigi karo.

Arrintan heshiisku waa mid kulminaysa dhinacyo kala duwan oo wax badan iskaga xidhanyihiin, kuna sugan xaalado kala duwan. Dhinac waa Soomaalilaan oo ay haysato duruufo siyaasadeed oo gudaha ah, Itoobiya oo lafteeda ay ka jiraan duruufo siyaasadeed oo gudaha ah iyo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya oo iyana ku jirta duruufo badan oo kala duwan.ย Dadaalada diblomaasiyadeed ee ilaa hadda ay Dawladda Federaalka Soomaaliya qaaday ayaa u eeg kuwo arrinta ka dhigi kara mid aan u socon karin sidii la filayey. Waxyaabaha caawinaya dadaaladan diblomaasiyadeed ayaa ah in arrintani ay tahay mid saameynaysa dalal kale (geopolitics). Kuwa waxay u saameynaysaa qaab amni sida Masar, kuwana waxay u saameynaysaa qaab amni iyo qaab dhaqaale, sida Jabuuti iyo Carateeriya. Ilaa hadda marka la eego dalalka arrintan sida weyn uga saftay waxa kow ka ah dalka Masar oo arrintan ay aad ugu weyn tahay.ย Mar siyaasigii weynaa ee reer Maraykan, Hinari Kisinjar ka taariikheynayey tartanka dawladaha, wuxu yidhi: โ€œhal dhinac waxa u kordha, wuxu la mid yahay khasaare soo gadhay dhinaca kale. Hadh iyo habeen waxay dawladuhu ku jiraan dadaal ay ku mijaxaabinayaan dalalka kale ee ay isleeyihiin way idinka sara mari.โ€

Haddaba maxaa dhici kara? Waxa muuqanaysa in Itoobiya ay la kulmayso cadaadis diblomaasiyadeed, maxaa yeelay arrintan waxay xadgudub ku tahay xeerarka dawladuhu ku kala socdaan; kuwo gobol iyo kuwo caalami ahba. Haddii ay sidaa tahay, Itoobiya ma hareer mari kartaa xeerarkan? Waxay u badan tahay in aanay ku dhiiran, maxaa yeelay cawaaqibka ka dhalan kara ayaa noqon kara mid weyn. Sidaa daraadeed ay ka fikirto in ay waji kale ku raadsato waxay rabto.

Maxaa iyana Soomaalilaan u meel yaal? Sideedaba siyaasaddu waa dano, ma jiro saaxiib ama cadow joogto ah. Haddii is-afgarad dhexmaro Dawladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay Itoobiya u hoggaansami danaheeda oo dhabarka ayey u jeedin Soomaalilaan sidii wakhtiyadii dhawaydba jirtay. Markaa Soomaalilaan waxa la gudboon in ay sameyso sidii ay uga bixi lahayd wadhida-siyaasadeed oo noqon karta in uu dhaco isbeddel hoggaamineed.

 

Qore:Axmed-kayse Cali Rooble Bandhige@gmail.com