Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara Wuu Burburay W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dhawaan ayuu Golaha Ammaanku cod u qaaday in hawlgalka ciidamada Soomaaĺiya ee Atmis lagu beddelo kuwa cusub. In ciidamo Itoobiya ka socda hawlgalka cusub ee AUSSOM lagu daro ayaa meesha laga saaray. Is-bahaysigii uu Xasan hore u samaystay ee Itoobiya ka dhanka ahaa ( Masar, Eratariya, Jsbuuti iyo Soomaaliya) ayaa dabada ka riixayey, waanay ku guulaysteen.
,= Soomaaliya markii shirkii Turkiga ay ku heshiiyeen Itoobiya waxa ay sheegtay inay Itoobiya ka mid ahaan doonto ciidamada cusub ee beddeli doonaa Atmis. Shuruudaasi meesha way ka baxday. Itoobiya waxa u bannaan laba qoddob, 1. Inay deegaannada xuduudda Soomaaliya ay ka samaysato Buffer Zone si ay ammaankeeda uga ilaashato. 2. Inay dhaqangeliso heshiiskii Soomaalilaan ee MOU-ga.