Heshiisyadii Geeska Afrika Gilgiley: Is-barbardhigga Heshiisyadii Caruusha 1967 iyo Heshiiskii Adiis Ababa 2023 W/Q: Cali Cabdi Coomay

Raysal wasaare Maxamed X. Ibraahin Cigaal ‘AHN’ ayaa sannadkii 1967-kii dalka Tansaaniya heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding) kula galay madaxweynihii Kiiniya ee wakhtigaasi Jooma Kiiniyaata. waxa ay ku heshiisyeen in nabad lagu dhammeeyo arrimaha la isku hayo, kuwaasi oo loo kala saaray kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar (Major and Minor Problems) iyo in gebi ahaanba meesha laga saaro jabhadihii hubeysnaa ee ka dagaalami jiray NFD iyo Itoobiya ee Soomaaliya maalgelin jirtay. Raysal wasaare Cigaal oo waraysi Af-ingiriisi ku baxayey lala yeeshay ayaa sheegay in dawladdiisu ay iska dhawrtay inay ka soo baxaan hadallo loo turjuman karo dal aanay lahayn inay duullimaad ku yihiin. Heshiiskaasi wuxuu soo afjaray colaaddihii dhexyaalay Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya. Heshiiskaasi wuxuu keenay qaylo iyo buuq siyaasadeed oo qabsaday geeska Afrika, waxaana Raysal wasaare Cigaal ku kacay duufaanno siyaasadeed oo ay aad u buunbuuninayeen mucaaradkii ku kacsanaa dawladiisa. Dibad-baxyo ayaa lagu qabtay Muqdisho lagu diidan yahay oo ay mucaaradku horkacayeen. Markiiba waxa la duwey ujeedadii heshiiska oo waxa laga dhigay inuu NFD iyo Kililka shanaad uu aasay xorriyadii loo waday, oo uu iibiyey.  Hasayeeshee Baarlamaankii Soomaaliya ayaa heshiiskaasi ansixiyey 22/11/1967-kii. Waxaanu heshiiskaasi keeno guul iyo nabadgeliyo geeska afrika uu ilaa maanta ku naaloonayo.

Heshiiskii Adiis Ababa 2023

Madaxweyne Biixi ayaa bishan koowaad isna heshiis is-afgarad magaalada Adiis Ababa ay ku kala saxeexdeen Raysal wasaaraha Itoobiya. Waxa ay ku heshiiyeen in Itoobiya ay Saldhiga ciidanka Badda ah laga kireeyo oo cabbirkiisu yahay 20KM iyo inay Itoobiya kordhiso isticmaalka dekedda Berbera. Heshiiskaasi wuxuu sida kaa sare oo kale keenay waxa loogu yeedhay dhul gariiir siyaasadeed oo geeska Afrika ka dhacay. Warbaahinta adduunka qaarkood oo aan weligood Somaliland ka hadal ayaa heshiiskaasi qaadaada-dhigaysay. Mucaaradad xooggan oo ujeeddooyin badan ayaa ka horyimid. Dawladda Soomaaliya ayaa wax kasta samaysay si ay heshiiskaasi u horistaagto, waxba se kamay qaban. Aakhirkii waxa uu madaxweynaha Soomaaliya soo gaadhay inuu yidhaa Itoobiya annaga ha na soo marto deked wey heliye.

Tixraacyo:

https://www.facebook.com/farhan.jimale/videos/taariikh-heshiiskii-soomaaliya-iyo-kenya-1967/825490098237096/

https://somalitalk.com/

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=_yxexGaqJSM