Himiladii Idoorku Dayacay Ee Cali Khaliif Galaydh (WQ: Muniir Axmed Cigaal)

Himiladii Idoorku Dayacay Ee Cali Khaliif Galaydh . Mahadho Ina Saaran Markale Garaad Cabdiqani Kadib  Oo Aan Hadhayn Weeye.

Alle jannooyinkiisa baaxada leh haku casuumo Dr . Cali Khaliif Galaydh. Wuxuu kamid aha Dadka ugu miisanka culus Geeska Afrika Tariikhdisa awgeed. Wuxuu  aha Siyaasigii ugu wayna Beesha Wayn ee Harti. 3- saddex sanno ayuu Hargaysa ka cawlna isagoo aan doonayn wax shakhsi ah lakiin raba Somaliland la wada leeyahay, wuxuu  ku qancay ummaddiisana ku qanciyay in Rer Waqooyi iyagoo isu dhan Soomaaliyadii Talyaaniga adduunku kala furdaamiyo. Idoorkuse waa Hafade Waalan Dawladna way rabaan hadana ma rabaan maca Madaxdoodu marka ficilkooda la eego.

Cid Islaam ah oo heshiiskii Baarlamaanka laga ansixiyay fulisa oo Xukuumadda Muuse Biixi ku qancisa Idoor waa laga waayay, (Salaadiin, Siyaasiyiin,  Tujaar iyo Haldoor oo dhan ).. Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi  isagu waabu quudhsaday Cali Khaliif iyo heshiiska nabadda ee uu watayba .

Madaxweynuhu  mala sidu sheego Hargaysa ayaa ku filan oo Sool iyo Sanaag barri meel fog ayuu u haysta lakiin xaqiiqda taala ayaa aragtida Madaxweynaha dafiraysa oo ah in aanay Somaliland Qaran buuxa  noqonayn Sool iyo Sanaag barri la’aantood . 22-sanno ka hor ayuu Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal beer dareeyay jaanis kan lamid ah markii uu Garaadkii Waynaa ee Garaad Cabdiqani sidan oo kale loo milgayn waayay waati dhashay Puntland oo ilaa maanta xadafiirta ay inagu hayso la ogyahay.

Porff Cali Khaliif Galaydh farxad kumaynaan sagootiyin waana ta keentay in maydkiisi Muqdisho loo qaado.Himiladii uu wadayna dhexdeena ayay ku dhimatay innagoo marag iyo markhaati ka ah.. . ALLE HAWNAXARIISTO CALI KHALIIF .

 

TUSAN .