Hogaamintii Professor Saleeban Ahmed iyo Jaamacada Cammuud (Wq: Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

Prof. Saleeban Ahmed Guled, waxa uu dhabaha hagaanimo u soo hayay jaamacada Cammuud mudo 25 sanadood ah. Mudadaa uu hogaanka hayay waxaan shaki ku jirin in uu jaamacada gaadhsiiyay horumar baaxad leh oo aan la tirin karin. Umalayn maayo in uu jiray qof kaga haboonaa oo hogaamiya jaamacadaas waqtigaa, waayo wuxuu ahaa qofkii ugu haboonaa marka aad eegto xag aqooneed, waayo aragnimo, karti iyo garasho. Waxaan uga mahadcelinayaa cidkastoo kalsooni siisay si uu jaamacada madaxwayne/gudoomiye ugu noqdo, gaar ahaan aasaasayaashi jaamacada Cammuud. Qormadan kooban waxaan dul istaagi doonaa astaamaha wanaagsan ee lagu yaqaano hogaamiye isla markaana waxaan ku xidho doona Prof. Saleeban iyo hagaamintiisii Jaamacada Cammuud.

Hogaamintii tolmoonayd ee Prof. Saleeban ku soo koobi karimaayo qormadan balse waa mid mudan in buug laga qoro. Waxaan isku dayi in aan waxa ka sheego qaar ka mida sifooyinka wanaagsan ee lagu yaqaano hogaamiye iyo sida uu Prof. Saleeban ugu sifoobay.

  1. Hogaamintu waa xidhiidh ( leadership is relationship)

Xidhiidh dhaw in aad la yeelato inta aad hogaaminaysaa waa daruuri waayo ma fahmi kartid dareenkooda, kumana guulaysan kartid quluubtooda hadii aanad xidhiidh dhaw la yeelan. Nin la yidha Phil Quigley, ayaa mar uu ka hadlayay hogaaminta waxa uu yidhi “ I don’t think of leadership as a position. I don’t think of leadership as a skill. I think of leadership as a relationship” oo ah “ Uma maleynayo in hogaamintu ay tahay mansab. Uma maleynayo in hogaamintu ay tahay xirfad. Waxaan qabaa in hogaamintu tahay xidhiid”. Qofka hogaamiyaha ahi waxaa looga baahan yahay xidhiidh toosa iyo mid dadbanba in uu la yeesho dadka uu hogaamiyaha u yahay. Prof. Saleeban inta aan ka aqaano waa qof xidhiidh joogta ah la lahaa ardaydii, macalimiintii iyo daneeyaashii waxbarashada, sida waalidka, dawlada, iyo haayadaha madaxa banaan. Intii aan Jaamacada ku jiray (2000 – 2004) waxaan aad ula yaabi jiray sida uu uga warqabay ardayda iyo duruufaha ay ku sugnaayeen. Waqtigaa aanu jaamacad ku jirnay wuxuu ahaa waqti ku adag ardayda, macalimiinta, waalidka iyo maamulkaba. Pro. Saleeban marnaba ardayda iyo waalidkaba kama xidhiidh furan oo waxa uu la wadaagi jiray kolba halka ay wax marayaan.

  1. Aragti togan (positive outlook)

Haa, aragti togan. Hogaamiyaha hadii laga waayo aragti togan oo uu dadka uu hogaaminayo ku waddo waxaa dhacda in dadku rajo beel noqdaan. Waxaan aamin sanahay in Prof. Saleeban ku hogaamiyay jamacada Cammuud aragti togan. Tusaale ahaan, waqtigii Jaamacada aan ku jiray , waxa uu odhan jiray Prof. Saleeban waxaanu ku talo jirnaa goob buugta la dhigo, waxna lagu akhristo ( library) oo laba dabaq ah. Marka uu sidaa leeyahay, macalimiinta qaarkood mushaar may qaadan, fasalada qaarkood dayactir ayay u baahnaayeen oo dhawr fasal oo kaliya ayaa wax lagu dhigtaa. Beeni waa xaaraan ee waxaan aniga iyo inkale u arkaynay maaweelo balse maanu fahan sanayn in ay tahay argti togan oo lagaadhi karo. Maanta jaamacadu waxay leedahay dhismayaal dabaqyo ah oon ku koobnayn intiii uu waqtigaa noo sheegay Prof. Saleeban. Markale, wuxuu aragtida togan ku burburiyay dad badan oo aamin sanaa in ayna suuragal ahayn in Jaamacad waddanka laga hirgaliyo iyada oo waxbarashadii aasaasigaa ahaa aan laga wadda adkayn.

  1. Koox dhisid ( team building)

Waa lagama maarmaan in aad haysato koox aad wadda shaqaysaan si himilada iyo hamiga aad leedahay aad u gaadho, waayo hore ayaa loo yidhi “ far kaliyi fool ma dhaqdo”. Qofka hogaamiyaha ahi waa in uu noqdaa qof isku wadikara dad kala aragti, aqoon iyo xirfad duwan si loo gaadho himilada. Qofka hogaamiyaha ahi hadii uusan lahayn awooda uu ku dhisan karo koox la shaqaysa ma-noqdo hogaamiye cimri dheer. Waxaan aamin sanahay in Prof. Saleeban uu dhisay koox la aragti ah oo maanta guusha uu gaadhay qayb ka ah. Guuldarada ugu wayn ee ruux hogaamiye ahi la kulmi karaa, waa marka uu waayo koox la aragti ah. Prof. Saleeban wuxuu ku guulaystay in uu helay dad la shaqeeyay oo la aragti noqday. Wali maan arag Prof. Saleeban oo sheeganaya libin ama guul balse marwalba wuxuu guusha ama libinta u celiyaa dadkii la shaqeeyay. Khudbaddo badan oo aan qaarna goob joog u ahaa qaarna aan dhagaystay marna maan maqal isaga oo sheeganaya guul u gaar ah balse marwalba wuxuu odhan jiray guushani waxay ahayd “ guul waddareed”. Taasi waata gaadhsiisay in uu si qurux badan u soo hogaamiyo jamacada Cammuud mudo 25 sano ah.

  1. Karti ( Competency )

Kartidu waa qaabka aad u ku muujin karto sifooyinka iyo xirfadaha awooda kuu siinaya in aad shaqo u qaban karto qaabkii ugu wanaagsaa. Haa, karti waa lagama maarmaan in aad leedahay hadii aad hogaamiye tahay. Prof.Saleeban, karti in uu leeyahay malaha waa marag madoonto. Waqtigii Jaamacada la furay iyo maanta halka ay taagan tahay ayaaba tusaale kuugu filan. Jaamacada Cammuud waxaa lagu bilaabay arday lixdan wax la jira ah iyo dhawr macalin halka maanta ardayda dhigata jaamacada Cammuud kumanaankun ay yihiin halka macalimiintu ay yihiin boqolaal. Markale, waxaa tusaale kuugu filan in uu jaamacada Cammuud soo hogaamiyay 25 sano oo bilaa turxaan ah. Sifooyinka kartida, waxaa ka mida dulqaadka iyo hawlo kala socodsiinta. Waxaa iyadna ka mida in aad ilaahay ku xidhan tahay. Jamac salaadeed oo aanu Prof. Saleeban ku kulanay oo uuna safka hore ku jiran wali maan arag. Ilaahay cibaadada haka aqbalo cimrigana ha u dheereeyo. Aamin.

Waxba yuuna qalinku ila taraarin ee aan ku soo kobo 4-taa sifo oo kaliya.

Prof.Saleeban, guulahaa uu gaadhay intuu uu hogaaminayay jaamacada Cammuud balse isagu uu ku sheegay “ guul wadareed” waxay mudan yihiin diiwaan galin. Waxaan ka mid ahay ardaydii ka aflaxday jaamacada Cammuud intii uu hogaaminayay Prof.Saleeban, abaal wayna waan ugu hayaa in uu hogaanka Jaamacada aqbalay markii loola yimid fikirka. Maantana abaal wayn ayaan ugu hayaa in uu xilkii iska wareejiyo markuu gartay in Jaamacadii lugaheedii ku istaagtay.

Waxaan u hambalyaynayaa gudoomiyaha jaamacada Cammuud ee cusub Dr.Mohamed Muuse oo aan u rajaynayo guul iyo horumar balaadhan.

Haa, aan ku darsado aragti uu qabo saaxibkay Mustafe Mohamed Khaire oo maqaal ka qoray Prof. Saleeban soona jeediyay in meel loogu magac daro. Aragtidaa waa ku taageersanahay in heer qaran iyo heer gobalba loogu magacdaro meesha ugu haboon.

Waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa, mahadsanid macalin Pro. Saleeban Ahmed Guleed.

Qore Abdirisak Abadir IBRAHIM