Al Mawirdi(374-450) wuxuu tibaxayaa shuruudaha qofka noqonaya Khaliifada (Hoggaamiyaha), waa inuu ku sifoobo, Caddaalad, Aqoon gaadhsiisan heer uu isbadal samayn karo, Dhammaystirnaan jidh,maskax ahaan iyo awood ahaanba, xeeldheerimo arrimaha siyaasada , aqoon u lahaanshiyo dadka uu hogaaminayo dhaqan ahaan iyo baahi ahaanba, talo-waddaag iyo geesinimo.
Ibnu-taymiya (1300) Wuxuu sheegayaa in qof aan lahayn awood hoggaamin iyo shakhsiyad (integrity) aan loo dhiibin hoggaamin ummadeed. Khalduun (1377) dhinaciisa, wuxuu soo bandhigay in hoggamiyaha laga eego afar sifo , Aqoon, alle ka cabsi, Wax qabad(effectiveness) iyo caafimaad qab. Ibnu Xibbaan, mar uu ka warramyey sifooyinkii hoggaamin ee cabdurraxmaan ibn mucaawiya, wuxuu sifooyinkiisa ka mid dhigay: hantida umadu inay kaa magan gasho, dhaqashada aduunka oo aanad jeclaan, cilmi, aragti-dheeri, geesinnimo, af-tahannimo, naxariis, debecsanaan iyo goโaan adayg. Al-tartouchi(2005) wuxuu soo bandhigayaa in hoggamiyaha laga helo saddex dabeecadood; Naxariis, la tashi, iyo in uuna magacaabin qof awood raadis ah.
Sidoo kale waxaynu soo qaadanaynaa xaddiis aynu ku muujinayno siduu nabigu CSW asxaabtiisa talada uga dhagaysan jiray, dagaalkii badar Markii muslimiintu ay tageen ceelkii Badar, Saxaabi la odhan jiray Xabaab ibnu Mundir ayaa yidhi โ Rasuul Allow ma ilaahay ayaa ku amray inaad goobtan degto, mise waa xeelad dagaal. Markaasuu rasuulku yidhi SCW Mayee waa xeelad dagaal, Saxaabigii wuxuu talo kusoo jeediyey in Ceelka Biyaha la qabsado oo muslimiintu ay ka cabaan gaaladana laga haraadiyoโ Markii gaalada laga qafaashay 70ka maxbuus, wuxuu asxaabta ka talagaliyey sida laga yeelayo. Talooyinka uu la wadaagay asxbaatu waxay ka mid ahayd sababihii guusha keenay Duulaankii Badar marka laga yimaado Nasriga Allaah uu siiyey Muslimiinta, muhiimadu waa inaad garato in hoggaaminta wadda tashigu asal u yahay oo aanad ku qaldin muranka, dabeecad xumada, maroorka iyo dabeecadaha la midka ahi inaanay meel ku lahayn hoggaaminta.