Hogaamiye laguma tilmaamo inuu yahay Madaxweyne loo doortay mansabka ugu sarreeya ee maamula talada dalkiisa, balse waxa kale oo lala wadaajiyaa magaca hoggaamiyenimo, masuuliyiin kale, kuwaas oo kala ah sidan:- Ta koowaad oo ah Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Siyaasadda iyo Musharaxiintooda ugu tartamaya jagada madax-weyneha, kuwaas oo guushoodu ku xidhan tahay helitaanka codka ugu badan ee dadweynaha si ay u gaadhaan hoggaaminta xukunka dowladda, taasna waxa loo nisbeeyaa inay tahay mid ka timid dhinaca habka kala xulashada garaadka dadweynaha.
Ta labaad ee lala xidhiidhiyaa wadaagista magaca Hogaamiyenimo, Gollaha Wasiiradda, kuwaasoo iyaguna ku yimaada hadba habka Madax-weynaha tallada hayaa u soo xusho cida uu u wakiilanayo xilka hogaamiyaha wasaaraddihiisa, taasoo inta badan ku timaada hab-qabiil, kuwaasoo beera ama baabiiye saricii iyo midhihii la goosan lahaaba, inkastoo beertaasi lagu sifeeyo inay tahay Dadweynaha.
Waxaanay noqotaa midhahay goostaana waxay beerayeen, isla-markaana waxa lagu sababeeyaa inay ka timid, habkii kala xulashada garaadka dadweynuhu ku kala doorteen Madax-weynahooda.
Haddaba waxa malahayga ah oo aan qormadaydan ku iftiimin lahaa, haddii la raaci lahaa 10-ka qodob ee aduunku isla-qaatay in lagu qiimeeyo amaba lagu xusho Hogaamiyaha Toggan uu wax-weyn katari karro ama daawo u noqon karro calaacal barri ah oo ku yimaada dadweynaha iyo inuu sidoo kale isbedel waara oo midho-dhala ku keeni karo, dhinaca Cadaaladda, koboca dhaqaalaha, kaabayaasha aeegyadda arrimaha bulshada, lana arkee dalka iyo dadkiisa oo horumarsan, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay cabirka haggaha ugu wanaagsan ee wax lagu qiimeeyo, haddii ay noqon lahayn habka Madax-weynuhu ku soo xusho Gollihiisa Wasiiradda, iyo haddiiba ay noqon lahayd, habka dadweynuhu ku soo kala xulashaan hoggaamiyaha โmadaxweynahaโ, waana sidan hoos ku qoran:
Ma sababeyn karaa tallaabo kasta oo uu qaadayo.
Ma lagu sifeyn karraa inuu leeyahay arragti-fog, hiigsi iyo himmilo-mustaqbal.
Ma yahay mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsi kara, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo.
Ma yahay mid aanu eex lahayn, isla markaana loo arko inuu si siman dadkiisa u wada daweyn karro.
Ma yahay mid ku hanweyn in uu dadkiisa ugaga tago dhaxal.
Ma yahay mid ku kalsoon wax kasta oo uu qabanayo, maskax-ahaan, jidh-ahaan iyo niyad-ahaanba.
Ma leeyahay dhiiri-gelin.
Ma yahay mid sameyn kara dhawaaq-amar leh oo goโaan qaadasho fiican xiliga ay ku habboon tahay.
Ma yahay mid wakhtiga ku habboon wax-ka-beddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka.
Ma yahay qof daacad ah.
Maxamed Faarax Qoti
mfqoti@gmail.com