Horumarka maamulka cusub ee Wajaale waa mid lagu diirsaday (WQ: Cabdifataax Maxamuud Kooshim)

Waxa hadda laga joogaa muddo aan ka badnayn saddex bilood ama ka yar markii isbeddel lagu sameeyey maamulka magaalo-ganacsiyeedka xuduudka ku taal ee Togwajaale.

Isbeddelkaa ay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku samaysay maamulkii hore, ku cusubna ku magacowday ayaa noqday mid ay mahadiyeen dadka deegaanka ku nooli.

Iyada oo hoggaanka cusubi ahaayeen qaar bulshada la noolaa intii ay Somaliland jirtayba, waxana kasoo if-baxday khibradii lagu tuhmaayey madaama ay ka warhayeen baahiyaha kala duwan ee bulshada Tog-wajaale ku dhaqani qabaan.

Markaad wax qabanayso waa in aad aqoonteeda leedahay, waa in aad taqaan sida aad uga gudbayso caqabadaha kaa hor imankara, waa in aad u samirtaa xag-xagasha shaxaad doonka, waa in aad latashataa bulshada inta caafimaadka qabta ee doonaysa danta caamka ta-shakhsigana dib u dhiganaysa haddii intaa aad  tixgaliso waxa hubaal ah in aad talaabo fiican hore u qaadi doonto.

Kolay bulshadu way kala afkaar duwan tahay oo dadku ma sina xaga qalinka afkaarta iyo fikirkaba, laakiin waxa muhiim ah waxaad ka hadlayso ama qorayso in aad xog buuxda ka hayso markasaad wax u iftiimin kartaa bulshada aad doonayso in ay wax kula arkaan.

Haddii aan u soo noqdo gun dhiga maqaalkaygan gaaban ee maamulka cusub ee Tog-wajaale, Waxan u kala qaadi donaa nabad-galiyada , arrimaha bulshada iyo horumarka guud.

Haddii aan ku horayno qodobka hore ee khuseeya nabad-galyada  waa mid huhiim u ah wado noolashaha bulshada, maamulka cusubi wuxuu kor u qaaday nabad-galyadii degmada oo marka horeba la ciirciiraysay tuug, taahriibayaal  laba geesooda iyo muranada dhulka oo caanka ah magaalooyinka Somaliland taas oo ay u sii dheer tahay in magaaladu ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Waa magaalo labada daamood ay  dambiilayashu ay isku dayayaan in kolba dhinac u gudbaan, ayaa waxa uu maamulkan cusub qaaday talaabo tuugtii oo qaarna la xukumay, qaarna yihiin xukun sugayaal ku jira jeelasha.

Sidoo kale waxa uu maamulka cusubi meesha ka saaray xerooyin dadka tahriibaya lagula kala wareegi jiray iskaga kala gooshaya Somaliland iyo Itoobiya. Dadkan tahriibayaasha ahaa oo dhallinyaro u badan ayaa waxa lagu celiyaa dadkoodii, halka dadka Itoobiya ka yimaadana lagu celiyo Itoobiya.

Taas oo noqotay mid lagu diirsaday dhinaca nabad-galyada waxa kale oo maamulku wax wayn ka qabtay arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin baahiyaha aasaasiga bulshada waxa dib loo furay isbitaalka oo koronta la’aan ahaa taas oo maamulku damaanad qaaday  kharashka laydhka ee cusbitaalka, imikana si wacan dadka ugu adeega, waana mid ay dadku soo dhaweeyeen.

Waxa kale  oo wax laga qabtay baahiyo kale oo ay ka mid yihiin nadaafada, oo laga qaaday khashinkii meelwalba daadsanaa ee halista weyn ku hayey  caafimaadka.

Ugu danbayn waxa kale oo maamulka u qorshaysan in ay dhakhso u bilaabaan waddo 6 km ah oo magaalada dhexmarta taas oo wax ka tari doonta isusocodka dad iyo gaadiidka iyo horumarka guud ee dalka  gaar ahaan magaalooyinka dalka, waxaana  xusi doonta taariikh guud ahan ba maamulka degmada ee hadda xilka haya

Guddoomiye Cabdicasiis Saleebaan  Xasan iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Mursal Nuux Cismaan

Allaa Mahad Leh

Cabdifataax Maxamud Kooshim

“Aragtiyaha lagu lagu daabaco Bandhige waxay gaar u yihiin loona nisbeeyaa qoraaga maqaalka”