Hummaag: Gabay (Waxa curisay: Sucaad Sheekh Axmed Cusmaan)

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaha naga yeelay dad Islaam ah,  naxariis iyo nabadi ha ahaato nabigenna dushiisa ehelkissa iyo asxaabtisa. Kadib waxan halkan uga mahad celinaya gabi ahaanba bahadda saxaafadaa madaxa banaan iyo dhammaanba bulsho-weynta Reer Somaliland iyo akhristeyasha qiimaha leh. Waxan idinla wadaagayaa gabay magaciisu yahay Hummaag.

Hummaagii xumaha daaya hadafkiisa

Hardan iyo siyaasad iyo dhibaa heley dadkeeniiye

Habqan iyo qaxbaa soo maroo heeray wadankiiye

Hiirtaanyo iyo biyo’alaan baa kuu habsatay helina doonaane

Haykalkii dhisnaa iyo la waa haybadii horee

Hankii lagu ogaa maba lahoo hoos ayuu tegaye

Halkii lagu yaqiin dad waynuhu wuu ka haajiraye

Hadh cad bay siyasadu heertay hanadadeeniiye

Hebel baa ig xiga mooyee hadal kaleba kuma hadaaqaane

Hanaqaadkii waa hore ma jiro higilkii buurnaaye

Hawadeena somalalinad nimo ciida iyo badaha heelkooda

Hebeel baa ixiga oo aan shalay tuurnaybaa haatan na hortaale

Hadal dhimeyey oo waynagaa wada hadoodilane.

Hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican

Hadaan iri humaagii xumaha daaya hadafkiisa

Hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hilinkiisa

Hadaan iri hubsiimada badshoo xumaha hoos geeya

Hadaan iri hanadeena iyo madaxda Somaliland

Hadaan iri hormuud aan helno haybad iyo muuqba

Hadaan iri hirkaa muuqda habka dawladimo u heensaysta

Hadaan iri bulsho midnimo horumarkeed doonaa

Hadaan iri halyeey iyo haween hawsha fududeeya

Hadaan iri hilmaamaay wixii hore inoo reebay

Hadaan iri hengelihii xumaa hoosta ha u raacin.

Hadaan iri hubkiyo inaga dhiga qabyalada hawsaarka

Hadaan iri hamuuntiyo dib dhiga damacan heeryeysan

Hadaan iri halgaadkiyo dhibkiyo damacan heeryaysan

Hadaan iri hagaajiya dhulko barta heerarka aqoonta

Hadaan iri Hamiga dowladnimo, horumarkeed doona

Hadaan iri makala hadhi karnee heel isugu keena qaranimda

Hadaan iri hacoo inaga jira haybta kala sooca

Hadaan iri hunguri waa xunyee hoos wax haw eegin

Hadaan iri hogaan sama wadiyo howlkarka adeeca

Hadaan iri ninkii hadaf xun iyo hororka weeteeya

Hadaan iri howl waa wada jiree calankaa kor u qaada

Hadaan iri hantaqaada ka jira lama huraan ciida

Hadaan iri huqdii cadow wadiyo diida hadafkiisa¨

Hadaan iri hadhuudh beerta iyo geeda wada hodanka ah

Hadaan iri haraadkiyo kabaxa oonkan hadhi waayay

Hadaan iri hawada geeya abid calanka hoodaale (qaranka somaliland)

Hadaan iri hog iyo inaga jira dabin hilaabaysan

Hadaan iri hal mida wada noqdoo yaan la kala xadin

Hadaan iri hareerha eega cadawba jiree heegan u ahaadaa

Hadafkeenu nabad weeye iyo hoodo iyo guule

Hare uu wada hayaankaa midnimo horumar weeyaane

Dantiinana Hagaajo ka hadha beenta hadafkeeda

Hadaanse garan lahayn heerka iyo hilinka aan joogno

Kana hadhi lahayn haybta iyo cudurkan haareeyey (qabyalada ina hadhaysay)

Walee horumar baan gaari layn heer sariyo guule

Hawraar intii kari lahaa hadal wanaagiisa dheh

Habayntii abwaan lagu yaqiin himiladiisii dheh

Hantidii aqoontiyo hidaha horumarkeeni dheh

Halyay iyo dadyahaw hiil walaalnimo dheh

Hadafkii Somaliland lagu heliyo talo heshiiskeed dheh

Waxba hadalku yuu ila tarmine hooris gabayaa dheh

Halkii aan la rabay maansadiyo hadafkii toosnaa dheh

Lasoco qaybta danbe……………….

Halkan ka akhriso maanso hore oo ay curisay Sucaad oo la yidhaa Damiir Xalan

Sucaad Sheekh Axmed

sucaadshahmed@gmail.com