Huteel China ku yaal oo qiimo-dhimis weyn u sameeyey dumarka gashan haafafka aadka u gaagaaban

Dunida maalin walba wax yaab leh ayaa ku soo kordha. Huteel China ku yaal ayaa hindisay farsamo cusub oo lagu samaynayo qiimo-dhimis u gaar ah dumarka xidha haafafka gaagaaban. Gabadhuhu waxay u kala qiimo-dhimis badan yihiin sida ay u kala haaf gaaban yihiin.

Sida ay werisay Jariidadda Telegraph ee Ingiriiska ka soo baxda dhammaan huteellada la yidhaa “Bang Gia Hot Bot” waxay soo bandhigeen qiimo-dhimis aad u balaadhan taas oo ay shaqaalaha hoteelladaasi  mitirinayaan haafafka ay dumarku gashan yihiin, kadibna loo jarayo rasiidhka lacag-qabashada oo qiimo-dhimistuna ku xusan tahay.

 

Huteel chinese 2

Siday uu wargeyskani xusay, huteellada Bang Gia Hot Bot waxay gabdhaha u samaynayaan qiimo-dhimis ilaa 90% gaadhaysa haddii uu haafku ka sarreeyo jilibka 33 santimitir.

Qiimo-dhimista ayaa la sheegay in ay iibkii huteelkan sare u qaadday iyadoo lagu kordhiyay 50 miis intii qiimo-dhimistan cusbi bilaabantay.

Huteel Chinese 3

By: Ina Siciid

Bandhige@gmail.com