Ibraahim Dheere: geesi la hilmaamay! (W.Q: Axmed Cali Kaahin)

Dadkan iyo dalkan ummad dhan baa usoo rogmatay oo mood iyo noolbana dabka usoo saartay, sidda Hadraawi ku doodo waxay ahayd in halganka la habeeyo oo aan dabka lawada saarin cidkasta sidii dhacday oo qoriga loo dhiibay qofkasta,  dhakhtar ilaa xoola dhaqato, si kastaba ha ahaatee ciddina ma gaadhi karto kuwa dhuuxoodii iyo dhiigooii aynu ku dul taagan nahay, hooyooyinkood iyo aabayaashoodna u goblameen, kuwaas oo si naf-hurid leh wajiga u dhigay xabadii caddawga si aynu ugu noolaano, nolol gobonimo leh mar uun.

Dadka dalka iyo dadka waxtaray way badnaayeen balse waxa biyo kama dhibcaan ahaa raggii naftooda u huray ee maanta la hilmaamay ama aan loogu hiilin wixii ay mudnaayeen, waxa soo raaca ragg badan oo magacyo lahaa maantana meel hoose kaga jira kala saraynta maamuus ee ummaddani leedahay kuna dhisan maalinba cadceeda usoo baxda lana gado ah wakhtiga taagan si yarna u hilmaama halyayadii hoggaanka ummadda marar badan usoo qabtay xaalado adkaa, mudnaana in magacooda la dhawro haddii aan waxba lagu tarayn waa haddii ay u baahan yihiin wax tar, waxtarka ugu wayn ee qof helaana waa in loo garaabo ama la maamuuso sida uu mudan yahay waayo qofkasta waxaa la dhigaa halka uu gayo.

Sidda laga wada war-qabo waxa Alle la kulmay Ibraahim Cabdi Kaahin(Ibraahim Dheere) Alle Naxariistiisa ha ugu deeqee, Ibraahim oo ahaa ganacsadde reer Somaliland iyo reer Jabuuti ah kaasi oo muddo nus qarni ah ku jiray ganacsiga ahaana dadka ugu magaca iyo taariikh dheeraa ganacsatada, kuna lahaa ganacsiyo badan Geeska AfriKa laguna tilmaamo in uu ahaa Soomaaliga kaliya ee haystay lacag gaadhaysa bilyan doolar siday ku doodaan dadka qaarkii.

Dadku waxay xasuustaan in wakhtigii uu allaabta sida tooska ah u keeni jiray Somaliland uu u dhaqmi jiray qaab ka duwan qaabka hadda ee tafaariiqaynta, waxaana kasii hoos ganacsan jiray ganacsato yar yar oo maanta ka mid ah kuwa ugu tunka wayn ee dalka ka ganacsada.

Haddaan usoo gundo dago dulucda waxa jiray in kaalintii uu Somaliland ugu jiray Ibraahim Dheere wakhtigii dawladdii Cigaal ee dhismaha waddanku hana-qaaday uu ahaa wasaaraddii Maaliyadda ee Cigaal wakhtigaasi sidda uu sheegay Oday Muuse Dalab geeridii Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo mar ahaa wakiilka Ibraahim Dheere ee Somaliland.

Sidaa daraadeed oday Muuse Dalab waxa uu xusay oo in badan ku celceliyay in lacag kasta oo Madaxwayne Cigaal Alle ha unaxariiste uu u baahdo ay kasoo qaadi jireen Ibraahim Dheere taasi oo taabogal ka dhigtay nidaamkiisii maamul una suurto galisay in uu dhidibadda u taago maamul hana-qaaday oo  ilaa maanta ay ku caano maaleen dhammaan ummad reer Somaliland.

Mida aan ciddina ilaabi doonin waa in uu bixiyay lacagtii lagu soo daabacay lacagta Somaliland oo dhammaan ummadda reer Somaliland abaal wayn ugu hayso, noqotayna astaan gaara oo siddeeda u taaga laguna tilmaansado in si dhaba loo dareemo jiritaanka ummaddan, dhinaca kale si toosa looga xoroobo in maamul lacageed la hoos tago dad aan ummaddan jiritaankeeda qawadsan oo quudhi la.

Waxyaabaha xusudidda mudan ee lagu xasuusan doono Ibraahin Dheere waxa ka mid ah in marararka qaarkood sida uu sheegay Muuse Dalab Alle khayr ha siiyee oo isna dadkan iyo dalkan wax badan u soo qabtay in ay ku odhan jireen Ibaahim Dheere markay lacago dheeraada ah u baahdaan “na amaahi 5 ta sono ee soo socda cashuurtooda” taasi oo si aan  lab-laabad lahayn uu jeebka gacanta ugu galin jiray si  faxalnino waafiya oo waddaniyad xad-dhaafi ku dheehan tahay oo aan tiisa oo kale la arag.

Waxa intaa sii dheeraa in uu lacag kaash ah oo ka badan 5 milyan wakhtigaa u dhigmaysay 50 milyan hadda ah uu gacanta Cigaal ugaliyay sidda ay soo wariyeen wasiiro goob-joog ahaa oo hadda nooli waa wakhtiyadii Cigaal la doortay, taasi oo wasiiraddaasi sheegeen in markii ugu horaysay ee ay arkaan lacag intaa leeg noloshooda mar ay ka sheekeeyeen.

Waxa aan iyana qallinku koobayn waxtarkiisii halkgankii oo aan u dhaafayo dadka xogogaalka ahaa, dhinaca kale waxa taariikhdu marna hilmaami doonin in uu ahaa qofkii u horeeyay ee Dekadda Berbera xoolihiisa si badheedha u keena iyadoo xabadu dhacayso, ciddina kusoo aamini karin hantidooda in ay keenaan khasabna kaga dhigay markabkii in uu ku xidho Berbera taasi oo dad badan oo reer Berbera ahi ilaa maanta xasuusan yihiin, isku soo wadda duub waxa uu ahaa muwaadin aad qiimo wayn ugu lahaa Somaliland.

Qaabka geerida loo qaabilaa waa qaab Islaamiya oo Alle inoo dhigay in aan la buunbuunin qadarkeedana aan la dhaafin, balse dhaqankeena iyo curfiga hadda jira marka aad u eegto kuna miisaanto sida loo qaabilay ama loo qaabilo kuwa la midka ah waxa la dhigay meel aad u hoosaysa, marka lagu dhereriyo geeriyooyin ka dhacay Somaliland guddaha ama dibedda taasi oo inna xasuusinaysa odhaahdii ahayd:

“Abaal nin gala waa la arkaa se nin gudda lam arko.”

Waliba dawladdan oo rag badan oo uu abaal gaara ku lahaa maanta madax  ka yihiin waxay ku gaabsadeen tacsi Idaacada laga sii daayo balse milgihii iyo maamuuskii uu lahaa midna lama marin, iska daa in ay ka qayb gallaan Aaska marxuumkee, waxaan ku soo koobi lahaa dadkii dadkan iyo dalkan lexejeclada ka lahaa badankoodii xabaal bay ku hoobteen isna kuwaasi uunbuu ka mid ahaa cid uu marti uga ahaa in ay u mahad-celisaana may jirin, balse waxa uu ahaa waajib inna saarnaa maynuse garan.

Alle waxaan uga baryayaa dhammaan waalidiinteenii iyo intii dadkan iyo dalkan u soo hurtay wax-wayn iyo waxyarba in Alle ka abaal mariyo.

Hoose ka akhriso maqaalladii hore ee u qorey Axmed Cali Kaahin:

Labiska dhalan-rogan “Hablow”

Il-baxnimo!!

Axmed Cali Kaahin

Ahmedcakhin@gmail.com