Ifafaalaha Siyaasadda Somaliland (WQ: Axmed Cabdi Adam)

Insaanku intooda badan waxa ay wax u fahmaan qaab u yaala talantaali – dialogue. Reer Yurub ayaa caan ku ah qaabadan, waxa aad ku arkaysaa “for” iyo “against” siyaasadda bidixda ama siyaasadda midigta. Rationalism oo ah caqli tuujin iyo “empiricism” oo iyana ah khibradda waayaha. Qaabkani ma aha sida kaliya ee wax loo fahmo. Dadka qaar baa “monelectic” wax u fahma, waa kuwa diida cakiska. Shiinaha ayaa isna wax u fahma qaab saddexle ah “Trilectic”

Intaa oo qaab waa habab macquul ah, qaab kale ayaa jira oo dadku ay ku dawakhaan; waa qaab aad ku fakiraysid ama ka fikiraysid shay isagu iskula jira dagaal. Tusaale magaaladu waxa ay iskula jirtaa dagaal – qaar ku nool baa xada, burburiya oo laga illaaliyaa. Magac ku haboon qaabkaas illaa hada mahayaan basaasiintu.

Xisbiyada iyo siyaasadda ayaa hadaba qaabadan cawajka ah u shaqeeya – dadka “layman”ka ahi markaa waa ay ku wareeraan abla ablaynta ruwaayadda noocan ah.

UCID

Labada Kornayl oo mid ka mida ah takhasuskiisu yahay sirdoonka, waxa indhawaale lasoo daristay cabsi kaga immanaysay dhanka odaygii ay kusoo gabadeen dhabarkiisa ee Axmed Siilaayo. Markan Axmed maaha cidda ay iska eegayaan waa Amb. Baashe Caawil. Labada Halgamaa waxa ay la socdaan qorshe illaa hada aan soo wada bixin oo ay waddaan Emirates, UCID iyo Baashe Cawil.

UCID waxa ay rabtaa in doorashadii deegaanka lasoo dedejiyo si markaa looga gudbo FURISTA URURADA. Biixi iyo Kaahin-na waxa ay rabaan in ay soo horaysiiyaan doorashada barlamaanka, si hadhaw haddii uu Baashe ka baxo xabsiga ay ku hayaan (xafiiska JSL ay ku leedahay Nairobi). Xabsi maaha waa qunsuliyad hayeshee, sababta ay Biixi iyo Kaahin ugu hayaan Baashe magaalada Nairobi maaha nasteexo; waa in ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa.

Mar kasta oo ay badheedhaan Faysal iyo Baashe, waa marka labadooduba ay ka baxayaan “exit door”ka. Sooyaalka siyaasadeed ee Faysal haddii lagu qiimeeyo arintan, waxa kusoo baxaya Faysal in uu sii haysanayo xisbigiisa.

Kulmiye

Mr. Xaashi waxa uu kasbaday illaa hadda jamhuurka tageerayaasha Jeegaanta Barri – taasi Biixi iyo Kaahin waxa ay ku keentay culays, waxa ayna sababtay Kaahin in uu soo xero-galiyo Biciide iyo Axmed Faarax Nuux. Kaahin waa nin amminsan dadka ka wayn 45 jirka ayaa bedela jihada doorashada sidaa daradeed, waxa uu judhiiba jeebka ku ritay Buur-Madaw iyo madax-dhaqameed kale oo kasoo jeeda Bancade.

Laba arimood ayaa mar walba u samaxaysa Xaashi innuu sii haysto tageerayaasha deegaankiisa, waxa ayna kala yihiin:

1: Myth of Muuse Abokor: Xaashi waxa uu abuuray dood aan la dhaafikarin oo odhanaysa “waa markayagii”. Doodani waa mid garawshiiyo ka heshay wayeelka deegaankiisa ee aamminsan midnimada reerka. Waxa kale oo xusid muddan, Xaashi waxa uu wakhti galiyey sidii ay u wada shaqayn lahayeen tageerayaasha deegaankiisa, kuwa da’doodu ay ka hoosayso 40.

2: Xaashi waxa kale oo saacidi karta xaqiiqada ah “Biixi iyo Kaahin Kulmiye kuma soo celinayaan jeegaanta”.

WADDANI

Sida aad badankiinu igu ogtihiin WADDANI waa xisbiga aan ku abtirsada xisbiyada JSL.

WADDANI tan iyo doorashadii dhacday 2017 waxa uu diiday xisbiga in uu ku sameeyo isbedel rasmiya oo ka yimaada hal-abuurka xisbiga gudihiisa.

Dood dhextaala WADDANI ayaa tidhaahda “aynu ka dhursugno dhaqaaqa ay qataan Kulmiye kadibna, siyaasadda WADDANI ha noqoto cakiska Kulmiye. Ma xuma oo waa munaasab in aad ogaatid qaab dhismeedka xisbiga aad is haysaan hadana ma wacna oo xibigu waxa uu noqonayaa “xisbi deldelen”.

Waxa lasoo gaadhay siday illa tahay wakhtigii uu Guddoomiye Cirro qaadan lahaa talaabooyin u danaynayo musharaxnimadiisa – haddii uusan ka hadhin. Dr. Cirro waa la sugayaa! Ma Xirsi ayuu dalacsiinayaa? WADDANI ma noqon karaa xisbi mideeya gobolada barri ee dubuhu ugu dhacay darandooriga?

WADDANI waxyabaaha kale ee laga sugayo kaw waxa ka ah “WADDANI muxuu u taagan yahay?” Xisbi kobcinaya isku-furanka Geeska Afrika iyo ganacsiga mise Xisbi horta xoogga saaraya in uu dhulka ka qaado shacabka Somaliland ee intooda badan kusoo barakacay magaaloyiinka? Dadkaas oo badi aan lahayn dhul, guri iyo mushahar joogto ah?