IFTIIMINTA SAAMAYNAHA TABAN EE IS-AFGARADKA ITOOBIYA & SOMALILAND UU YEELANKARO…Qaybta 1aad . W/Q:(Gulaid Idaan)

Raadinta Itoobiya ay ugu jirto inay Bad heshaa waa mid ku sal leh sheeko taariikheed oo soo taxnayd qarniyo. Warqadani waxay si qoto-dheer u baadhaysaa heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay dhawaan kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo qiimaynaysa saamaynta uu ku yeelan karo dhaqaalaha, khataraha juqraafi-siyaasadeed, saamaynta siyaasada arimaha dibada ee Somaliland ,amniga gobolka iyo ladagaalanka argagixisada Iyadoo is-afgaradku uu ballan-qaadayo xoojinta waddooyin ganacsi iyo kobaca dhaqaalaha, waxa uu sidoo kale kor u qaadayaa welwel ku saabsan ku-tiirsanaanta dhaqaalaha iyo xasilloonidarrada gobolka. Marka la iftiiminayo himilooyinka badda ee Itoobiya ay leedahay ee taariikhiga ah iyo caqabadaha wakhtigan ee uu keenayo Is-afgaradku, warqaddani waxay soo jeedinaysaa falanqeyn mug leh oo ku saabsan dadaallada istiraatijiyadeed ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo helitaanka badda iyo saamaynta ballaadhan ee ay ku yeelanayso dhaqdhaqaaqa gobolka.

Kahor intaanay Somaliland iyo Itoobiya saxeexin heshiiska is-afgaradka (MoU), waxaan daabacay warqad ciwaankeedu yahay “Undying Ambition: Itoobiya’s Enduring Quest for Access to the Sea – Historical Foundations, Geopolitical Strategies, and Regional Implications.( Part one)” Qoraalkaas, waxaan kaga hadlay taariikhda dheer ee hamiga Itoobiya, ee ku aaddan soo helista badda, taasoo soo jirtay qarniyo ka hor, oo ay ugu horreeyaan Imbaraadoorradii Menelik I, Menelik II, iyo Tafari Makonnen (Haile Selassie).

Raadinta Itoobiya ee helidda badda ayaa soo taxnayd kumanaan sanno, iyadoo si qoto dheer ugu sal leh sheekooyinkeeda taariikhiga ah iyo istiraatijiyadaheeda casriga ah. Laga soo bilaabo boqortooyadii hore ee Axumite ee hodanka ku ahayd ganacsiga guud ahaan Badda Cas ilaa hindisaha maanta ee uu hormuudka ka yahay ra’iisal-wasaare Abiy Axmed ee hiigsiga Badda Cas. Hamiga Itoobiya ee ah in ay ka gudubto meeqaamkeeda bad la’aanta ayaa laf-dhabar u ah aqoonsigeeda qaran iyo siyaasaddeeda dhaqaale.

Boqortooyadii Axumite, oo soo ifbaxday qarniyadii 1aad ilaa 7aad ee AD, waxay saameyn weyn ku lahayd dhulalka badda cas, iyadoo ku ekaatay magaalada dekedda leh ee Adulis. Marinbiyoodkani awood ahaan waxay sahlaysay ganacsi balaadhan oo lala yeesho ilbaxnimooyinka ku teedsanaa badweynta Hindiya, taasoo sabab u noqotay hodantinimadii dhaqaale iyo isdhaafsiga dhaqanka ee Axum. Si kastaba ha ahaatee, khasaarihii Itoobiya ka soo gaadhay dhul-xeebeedkii Turkiga ee Cusmaaniyiinta qarnigii 16-aad waxa ay ku keentay muddo dheer oo go’doon bad la’aaneed ah, taas oo ay uga sii dareen quwadihii gumaysiga iyo isbeddelladii juqraafi-siyaasadeed.

Inkasta oo guulo taariikhi ah laga soo hooyay sida dhammaadkii dagaalkii Adwa ee 1896kii, kaas oo lagu ilaalinayay madaxbanaanida Itoobiya ee ka dhanka ah gumaystihii Talyaaniga, haddana qaran ahaan waxa ay weli ka go’an tahay inay si toos ah u hesho biyaha caalamiga ah

Qabsashada Eriteriya ee Talyaanigu qabsaday dabayaaqadii qarnigii 19-aad waxa ay Gayisiisay Itoobiya iyada oo markii hore Itoobiya waxay marin u lahayd badda cas iyadoo sii marta gobollada xeebta ee Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, markii Talyaanigu la wareegay xukunka Ereteriya, Itoobiya waxay lumisay marinkii muhiimka ahaa ee badda. Xaaladani waxa ay si kooban isu bedeshay badhtamihii qarnigii 20-aad markii ay Eriteriya la midowday Itoobiya 1952 ka dibna ay Itoobiya la wareegtay 1962-kii, taas oo si ku meel gaadh ah u soo celisay gelitaanka Itoobiya ee dhinaca xeebta. Si kastaba ha ahaatee, waxay xaaladdu ka sii dartay 1993-kii markii Eritrea ay xornimada ka qaadatay Itoobiya, waxayna si dhab ah u jartay gelitaanka Itoobiya ee dhinaca xeebta, waxayna ka dhigtay mid aan bad lahayn.

Qarnigii 20-aad iyo 21-aad, Itoobiya waxa ay fulisay xeelado kala duwan si ay u yarayso caqabadaha xaaladdeeda bad la’aanta ah, oo ay ka mid yihiin horumarinta jidadka iyo isku xidhka tareenada iyo samaynta aagag dhaqaale oo gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, ku tiirsanaanta dalka jaarka ah ee Jabuuti ku dhawaad 90% ganacsigeeda badda ayaa hoosta ka xarriiqay unuglaanshaheeda istaraatiijiyadeed iyo xaddidnaanta dhaqaale ee kaga maqan helitaanka tooska ah ee dekedaha.

Aragtida Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee Badda Cas waxay ka dhigan tahay dib u soo noolaynta hamiga badda ee Itoobiya, oo looisticmaalaayo diblumaasiyad firfircoon iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha ee looga golleeyahay xaqiijinta helitaanka waarta ee biyaha caalamiga ah. Hiigsigan waxaa udub dhexaad u ah wada xaajood iyo is afgarad (MoU) oo lala yeesho dawladaha jaarka ah, gaar ahaan Somaliland, si loo fududeeyo marinnada badda iyo iskaashiga dhaqaale

Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadani waxa ay dhaliyeen muran kalashaki iyo iskufiirsi.waxa ay saamayn ku yeelan doonaan Somaliland oo ay ugu weyn tahay dhaqaale-xumo, khataraha juqraafiga siyaasadeed, Tartanka jilayaasha gobolka Geeska Afrika, hawlaha la dagaalanka argagixisada, xaalufinta deegaanka, iyo arrimo kale.

Lasoco qaybta 2aad______________

 

 

Xigasho: Gulaid Idaan

Bandhige@gmail.com