Anigoo tixraacaya qormo kusoo baxday warbaahinta Maxaliga ah (gaar ahaan Hadhwanaagnews) maalintii daraad ee Arabacada ahayd, January 25, 2017 14:14:52, taasoo Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo la yidhaahdo Xildhibaan Faarax Dheere, ku weeraray Shirkadaha baadhista ka wada qaybo ka mid ah Somaliland, isagoo sheegay inay sharciyan xaaraan tahay inaa halkaas shidaal iyo sahaminba ka sameeyaan marka loo eego qodobo ku xusan Dastuurka Somaliland, xildhibaanku wuxuu xusay in ka hor intaan shidaal baadhista la samaynin, ay tahay in la sameeyo sharciga shidaal baadhista Qaranka, oo uu sheegay inaan ilaa iyo hadda la samaynin, arinta kale, ee Xildhibaanku xusay ayaa ahayd in marka shirkad heshiis lala gelayo ay tahay waxyaabaha Barlamaanku ansixiyo, taasna, lama horkeenin barlamaanka ayuu yidhi, isagoo ku tilmaamay dhamaanba waxa la wadaa inay marayaan Waddo Madow.
Arrinta kale waxay tahay buu yidhi, in iyadoo aan dadkii la siinin wax wacyigelin ah, layska bilaabay hawlihii ay wateen, iyagoo dadkiina ku war heleen Cagafyo lagaga dhex shaqaysanayo deegaanadoodii, iyadoo buu yidhi cagafyadaasi ay waxyeeleen meelo baco-biyoodyo ah oo ay dadku sebenkaas abaaruhu dhaceen ay biyo ku kaydsadeen, taasoo, run ahaantii ah tacadi ka dhan ah Binuaadanimada, isagoo Xildhibaanku arintaas eedeeda dusha ka saaray Wasiirka Tamarta, Fariina u diray Madaxweynaha oo uu sheegay inuu aaminsan yahay inaanu arintan waxba ka ogayn, laakiin,dooda Xildhibaanku waxay u muuqataa Eelka Kii Dhigay U Dacwoodaay, waxaanan leeyahay Xildhibaan Faaraxoow, Madaxweynuhu Haddii uu tan aad ka hadlayso ogaan waayay, waxay ka dhigan tahay inaanu waxbaba ogayn, laakiin, anigu Shakhsiyan waxaan qabaa inuu ogyahay, adigana Xaalkaagu ka dhigan yahay NIN DAWEE L;A LEEYAHAY DENBI UU BADH LEEYAHAY, ARINKIISU DUUG MALEH, waxaanay ahayd in intaad Wasiirka yar cidladda ka haysto, in aad arintan eedeeda saarto Madaxweynihii Shacabka aad u hadlaysaa ay doorteen, oo ah kan shar iyo khayr, wanaag iyo Xumaan, Horumar iyo Dibu-dhac taariikhdeeda yeelanaya, isaga ayaanay shaqadiisa tahay inuu dabagal iyo kormeer waafi ah ku sameeyo shaqada ay wasiiradiisu hayaan, umaddana kuma filla inay maqlan waxkastoo ka qaldama xukuumadan in la yidhaahdo.Madaxweunu ma ogga, oo isagii Madaxa sare ahaa la bari’ yeelo, waayo, macquul ma ahan in la yidhaahdo Madaxweynuhu ma Oga Sharcigii Shidaal Baadhista Qaranku aanau Samaynayn, iyo Madaxweynuhu Ma oga inaan heshiiskan lala galay Shirkadda la horgeyn Barlamaanka, waa ogyahay, waana ka warqabaa dhamaantood arimahan.
Gunaanadkii, haddi arimuhu yihiin sidan Xildhibaan Faarax dheere u dhigay, oo ay shirkadani baadhisteeda iska wadato iyadoo aanu jirin Sharcigii Shidal baadhista Qaranku, iyo Iyadoo aan barlamaanka la keenin Heshiiskii Shirkaddan ay Xukuumadda la gashay, waxaa la gudboon Barlamaanka inay arintan Maxkamadda Sare geeyaan, oo ay halkaas ka dacweeyaan Xukuumdda iyo Shrikaddaba, si layskula soo galo Xaydaanka Sharciga, looguna kala baxo Caddaallada iyo Qaanuunka hortiisa.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Qalinkii:- Xuseen M. Maxamuud “Xussen-lucky
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com
Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xuseen-Lucky:
Ha lagu baaqo roob doon ay kelii ku yihiin carruurta malcaamadaha dhigtaa
Muuse Biixiyow, ma xabaalahaa ku codayn doon, hadduu….
Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay?
Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo…
Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?
Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn
Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo
Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?
Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno
Qalinkii:- Xuseen M. Maxamuud “Xussen-lucky
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com