Isbaddalada nololeed ee aadamuhu waxay soo martay meerto nololeedyo kala duwan, midkastaana leedahay waayeheeda gaarka ah, balse taariikhdu marna ma hilmaamin haarihii iyo rafaadkii dadkii darjiidhay shuruucda Rabi “Subxaanahuu Watacaalaa” iyo waxkasta oo ay aadamuhu ku heshiiyeen dhexdooda oo waafaqsan waxyiga. Waxa xusid mudan in aan dhugano dhambaalka Rabi Kitaabka Kariimka ah iyo Sunaha oo warka oo dhami ku idil yahay.
Il-baxnimo waxa loo fasiran karaan qeexid kala jaada kuna qotantaa ummad walba caqiiddadeed iyo caaddadeed, balse Islaamka iyo dunida casriga ahi waxay ku kulansan yihiin in ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisu yahay halkay ka biyo cabto waxa la yidhaado il-baxnimo hore iyo dambaysaba.
Haddii tusaalaha uga habboon usoo qaaddano ee noloshan gaaban iyo nolosha dhabta ah ee geerida ka dambaysa, kuna bayaansan gabagabadii waxyiga sammada ahna dastuurka caalamiga ah ee Allah Subxaanah ugu talo galay in dunida oo dhan lagu dhaqo, aayadihiisa waxaad ka dheehan kartaa ammaanta dusha laga saaray dadka ku toosnaada waddadiisa toosan ilaaliyana xuduuda shareecadu u markasta iyo meelkasta, loona yaboohay guul adduunyo iyo mid aakhiraba, jano ku nagaadi doona.
Dhinaca kasoo horjeeda waxaa goodi iyo dhaabad adagi hortaalaa cida ku xadgudubta xeerarka lagu dayray xuduuda rabi u dhigay aadamaha in aanay ka tallaabin, waxaana loo yaboohay hoog iyo hallaag ay u hayaamin doonaan Naaraha rabi, Allah ha inaga dhawree.
Dhanka kale dardaarankii Rasuulku “Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee”, wuxuu ku qotamay in gaws dambeedka lagu qabsado Kitaabka Rabi iyo Sunihiisa sugan ee suuban, waxaan dareemi karnaa qiimaha weedhahaasi qaaliga, oo tilmaan toosan u ah in la xejisto oo lagu dheganaado sharciga halka lagu qabanayaana aanay ahayn gacanta balse afka dalqadiisa halka ugu dambaysa ee gawsaha, si la inoo dareensiiyo ilaalintiisa gaarka ah iyo in lagu sugnaado sharciga Rabi, waana dardaaranadii ugu cuslaa ee gabagabada noloshii Rasuulka “Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee”, sidaas daraadeed sharci kasta oo aan khilaafsanayn Kitaabka iyo Sunihiisa oo ummaddi ku heshiisay in ay si habsamiya ugu wataan noloshooda, waxa dabar iyo dhaabad adag u ah in la ilaaliyo waxa lagu heshiiyey, taasi oo summad iyo tilmaan u ah in ummaddaasi horumar diineed iyo mid adduunyaba gaadhay, ama mid adduunyo sida ummadda gaalada ah ee ixtiraama shuruucda ay dhigteen,
Cumar Ibnu Khadaab markuu ka hadlaayay sharafta ama il-baxnimo sida uu qofba u fasirto waxa uu yidhi:
“Waxaanu nahay ummad Alle ku ciseeyay Diinta, haddaanu ka daydayno sharaf meel aan Diinta ahayn Alle wuuna dulaynayaa sida hadda jirta. Waayo dadku waxay ku noolaayeen cahdi madaw oo ah is xukunka kaynta sida habar dugaag iyo waxay caga ku qaataan sharciga u yaalaana waa kaa xoog wayni oo kaliya taasi oo kale ayaa dunidan lagaga noolaa intaan iftiinka Islaamku soo shaac bixin.”
Waxayna carabtu halhays u ahaa:
“Haddaanad wax dulmiyin adigaa lagu dulmiyi, iyo ninkaan darkiisa xoog ku ilaashan xoog baa laga dumini.”
Sidaa daraadeed Cumar Ibnu Khadaab Alle Raali ha ka ahaadee waxa uu ku ladhay noloshaasi in “ Islaamka waxa dhadhaminaya qof yaqaana qadhaadhka Diin la’aanta” hadal macnihiisu sidaasi u dhawaa.
Tusaale kooban sida loo ilaalin jiray Sharciga iyo ka amarqaadashada Rasuulka Naxariis iyo Ammaani dushiisa ha ahaatee, markii dagaalkii huwantii isgaashaan buuraysatay kusoo duuleen magaalo maddaxdii Rasuulka ee Madiina xaaladuna faraha ka baxday oo cabsi aad u xeel dheeri jitay, waxa uu Rasuulku “Naxariis iyo Ammaani dushiisa ha ahaatee” waxa uu diray saxaabi si uu war uga keeno huwanta waxaanu u sheegay in aanu wax ficila samayn, markii uu dhextagay waxa arkay hoggaamiyihii ciidanka Abuu Sufyaan oo intuu dhabarkiisa qaawiyay dab kulaalaya kaasi oo islaamku ka hadhsan waayay 23 sanadood intaanu islaamin, saxaabigii waxa uu isa saaray leebkii iyo qaansadii balse waxa uu xasuustay haddalkii Rashuulka “Naxariis iyo Ammaani dushiisa ha ahaatee” waanu ka joogsaday ficilkiisii, bal jaaniskaa eeg iyo sida uu u ixtiraamay sharciga maantana xaalada waad arkaysaa in dad muslimiina dhiigooda si caddaana loo xalaashaday.
Waxa sunne Rabaaniya ah in Alle cidkasta oo caddaalad dhexdooda ku dhaqanta aanu mulki’gooda dumin ilaa ay is dulmiyaan ama fasahaad xad dhaafa la yimaadaan waxaan taasi marag u ah waxa waaqaca yaala oo ishaa macalinay Soomalidu tidhaa.
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.