Saynis-yahano ka kala tirsan toban jaamacadood oo ku kala yaala wadamada USA, Polland, Norway,Australia, New Zealand ayaa Cilmi-baadhis ay mudo dheer wadeen waxay ku faafiyeen Journal caanka ah ee Science Advances.
Cilmi baadhistu waxay ku saabsantahay Xanuunada maskaxda ku dhaca ee keena Asaasaqa ee ay ka midka yihiin Demenia, Alzheimer iyo AB Plagues.
Xannuunadani waxay burburiyaan Unugyada maskaxda (Neurons) taasi oo keenta in maskaxdu lumiso awoodii wax kala garashada iyo hogaaminta qofka.
Mudo dheer ayaa la aamin sanaa in xannuunada maskaxda iyo Bacteria ciridka iyo ilkaha ku dhacda xidhiidh ka dhexeeyo. Laakin mudadaas oo dhan daliil toos ah oo lagu xaqiijiyo looma hayn.
Bakteriyada oo la yidha P.Gingivalis waxay kala dhex gashaa oo ku tarantaa ilkaha iyo ciridka. Halkaas waxy uga sii gudubtaa dhiiga, kadibna wadnaha iyo maskaxda. halkaas oo ay burburiso Unugyada maskaxda iyada oo aan mudo dheer la dareemin.
Culimadani waxay si dhab ah u xaqiijiyeen in Bakteriya-dani tahay sababta ugu wayn arimaha keena Xannuunadan.
Taasi oo hadii dawo halkeeda ugu tagta Bakteriyadan la helo, waxa laga hortagi kara xannuunadan maskaxda haleeya oo malayiin qof asiiba sanadkasta.
Kooxdan culimada ah waxay durba bilaabeen in ay sameeyaan dawo lagu xakamaynayo bakteriyada, waxaana la filayaa in ay bilaabaan in ay dadka ku tijaabiyaan sanadkan dhamaadkiisa.
Darsiga ugu wayn waxa weeye in Nadaafada ilkaha aan la dhayalsan iyo in Xannuunada ciridka loo fiiro yeesho.