Illaahay Mahadii, waxaan gaadhay soddon Jir (Prof: Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”)

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta oo ay taariikhdu tahay 09/11/2016 waxaan ii dhamaaday sannadkii 29aad  waxaana ii bilaabmay sannadkii 30aad ee noloshayda. Anigoo Ilaahay (SWT) ka baryaaya inuu saddex laabka cimrigii hore iyo in ka badan oo kale uu iigu deeqo nolosheeda…Aamiin.

Marka ugu horraysa Ilaahay (SWT) ayaan mahadnaq aan la soo koobi karin ugu mahad naqayaa inuu iigu deeqay 29 sanno oo nolol ah oo u dhiganta 348 bilood oo u dhiganta 10,440 maalmood oo u dhiganta 250,560 saacadood oo u dhiganta 15,033,600 daqiiqadood (Minute) oo u dhiganta 902,016,000 Ilbidhiqsi (second).

Illaaahay (SWT) ayaan ugu mahad naqayaa ilbidhiqsi walba oo uu iigu deeqay in aan aduunkiisa ku noolaado, hawadiisa neefsado, arsaaqadiisa cuno, nimcooyinkiisa aan la soo koobi karina aan haysto… Alxamdu lilaah, Al Shukru Li Laa Laah.

Mahad-naqa 2aad waxaa iska leh labadayda waalid ee Ilaahay (SWT) sabab uga dhigay noloshayda iyo korniinkaygaba (Rabi Irxamhumaa Kamaa Rabayaanii Saqiiraa).

Maan dooran anigu in aan dhasho 09/11/1986, manaan dooran in aan ku dhasho wadanka Imaaraadka Carabta, Manaan dooran aabahay Mudane Jaamac Axmed Maxamed iyo Hooyaday Marwo Luul Samatar Cabdi, maan dooran muuqaalkayga (casaan ama madaw)… waxyaabo badan maan dooran.

Yaa waxaasoo dhan ii dooray? Muxuu iga doonayaa? Muxuu igu falayaa? Waa su’aalaad aan markastaaba is waydiiyo, jawaabteeduna kuma jirto meel aan ahayn Quraanka Kariimka ah.

Ilaahay (SWT) wuxuu kaliya doonayaa inuu I siiyo nimcooyinkiisa badan ee uu abuuray, sidaa daraadeed ayuu u abuuray bini aadamka si ay u noqdaan kuwa ku manaafacsada nimcooyinkiisa uu abuuray haday tahay kuwa aduunyo iyo kuwa aakhiraba.

Cimrigan aan noolaa oo dadka qaar u noqon kara muddo yar, dadka qaarna u noqon kara wax badan, aniga agtayda midna maaha, balse kaliya waa xasuus.

Mar kastaaba oo ay maalin cusubi kugu soo korodho waxaad arkaysaa awooda baaxada weyn iyo qorshaynta aan marnaba wax seegayn ee uu leeyahay Ilaahay (SWT), laga yaabaa inaad is-tidhaahdid marka aad weynaatid oo ay awoodaadu xoogaysato inaad dariiqyo kale oo aan tii Ilaahay ahayn ku soco, laakiin haddaad dib ugu fiirsatid xaqiiqadaada waxaad arkaysaa inaad u baahan tahay dariiqa Ilaahay in leeg intii aad ugu baahnayd adigoo aan awood lahayn.

Hadaad sidoo kale isku fiirsatid waxaad arkaysaa in marka aanad adigu wax qorshayn oo aad Ilaahay (SWT) u dayside arrimahaaga sidii aad samayn jirtay markaad caruurnimada ku jirtay oo aanad awood lahayn inay 100% ka fiican tahay marka aad adigu awood iyo karti is bidayso.

Noloshu waa hadiyada ugu qaalisan ee Ilaahay (SWT) bixiyo, qiiman la’aanteeduna waa ayaan darrada ugu weyn, garasho la’aan ka weyn ama ka dambaysa qadarin la’aanta hooyada jaanisyada oo dhan oo ah nolosha ma jirto, sababtoo ah nolosha weeye halka aynu Ilaahay ku caabudino, oo dhimashada Ilaahay kuma caabudi kartid, nolosha weeyaan halka aynu khayrka ku samayn karno, halka aynu waalidkeena ugu samafali karno, halka aynu dadka aynu jecelnahay ugu asxaan samayn karno, halka aynu aduunyada oo dhan wax anfaca ugu gudbin karno.

Waa farxad weyn inaad dib u xasuusatid wakhtiga oo aad dareentid in aad in uun wax tar ku soo kordhisay dadkii aad aduunyada ugu timid, waa farxad weyn inaad isu aragtid qof aan hagardaamo ula iman dunidii uu martida ku ahaa.

Isku tagga wakhtigu waa inuu la socdaa isku biir-biirida waaya aragnimada si ay nolosho kolba qiimo iyo xallad cusub u yeelato, haddii kale waxay cidhiidhi noloshu ku noqotaa isbadal la’aanta.

Farxada iyo murugadu.. guusha iyo guul-darradu waa kolba sida uu qofku u fasirto, laakiin ayaan darrada ugu weyn waxay tahay inuu qofku isku qiimeeyo sida ay dadku u qiimeeyaan, anigoo taasi u arka caabudida dadka, halka uu qofku isku qiimayn lahaa miisaanka fiican ee ah Ilaahay (SWT) muxuu iga doonayaa.

Qorshaynta wakhtiga iyo ka faa’idaysiga, aniga maanta agtayda macno badan ayuu ii samaynayaa ka dib markaan eego xawaaraha uu ku socday 29 sannadood oo hore oo cimrigayga ah.

Sannadihii hore culayska ugu badan waxaan saari jiray in aan wax barto, wax badan akhriyo, wax badan fahmo, insha Allaah, sannadaha soo socda waxaan culayska saari doonaa in aan wax baro, wax badan qoro, wax badan fahansiiyo dadka meel kasta oo ay joogaan.

Farxadayda maanta waa mid aad u ballaadhan, nimcada Ilaahay iigu deeqay inuu cimrigaasi oo dhan iigu soo deeqaayay cafu iyo caafimaad iyo hodnaan ballaadhan, anigoo ka baryaaya inuu aniga iyo dhamaan bini aadamka oo dhan mustaqbalka ugu deeqo nimcooyin intaasi ka badan… aamiin.