Ilma rogoshada siyaasaddaha caalamka (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Hordhac

Waligay ma arag weerar iyo weerar celis siyaasaddeed oo hal mar sidatan uga socda daafaha dunnida.

Britain

Johnson waatii cisbitaalka la dhigay, Illaahay baa ku bakhti afuufay ee halis ayuu ninkaasi gallay. Haddaba intii uu sariirta saarnaa, faji baa loo walaaqay. Michael Gove saaxiibkii marna ah ninka kursiga ku haysta ayaa mu’aamarad usii dhigay odayga – waa sida la isla dhex marayo. Isha ku haya Boris, waliba hawshaa waxa ku lammaan Brexit-kii oo la rabo in la jiido in mudo ah – sanado.

Brazil

Bolsonaro waxa lasoo warinayaa meel baas in lala marayo. Mar dhawayd ayuu is casilay wasiirkisii caddaaladdu. Ninkaasi – waa madaxweynaha Baraasiil’e, waa ragga sahashaday Koofidh-19. Nasiib buu leeyahay haddii uu ka samata baxo dabaysha ku kacsan.

Trump

Meel marka uu gufeeyaba daaqad kale ayaa isku furaysa – California ayaaba hadda ku hanjabaysa “waanu goosanaynaa”. Odaygaana isha ku haya halka ay dhigato.

Morrison iyo Macron

Ra’isal Wasaaraha Australia ayaa madaxa u ritay baadhitaan aan waxba dhaafayn oo lagu sameeyo Wuhan iyo sababta dhalisay Koofidh. Madaxweynaha naga ayaa ku yidhi: Wakhti wax la baadho lama joojo ee dib u joogso. Hadalku labadaa masuul wuu ka taagtaagmay.

Merkel iyo Macron

Website uu leeyahay aqalka looga arrimiyo Ruushka ayaa sheegay in Merkel iyo Putin ay khadka ku wada hadleen 2 saac. Macron ayaa la leeyahay wuu ka biya diiday Merkel in aysan waxba kala socodsiin tallaabadaa.