Boqortooyyooyinkaasi waxa aay kala ahaayeen sidan soo socoto oo Boqortooyo kastaana waxa aay lahaayd dhul iyo dadkado u gaara oo waxa aay ku kala hadli jireen afaf kala duwan:-
1. Boqortooyadii Meero:
Boqortooyada Meero waxa aay aasaasantey markii la haligay Boqorkii Fircoon ee bada lagu qaraqay waxaana Fircoonkaasi la odan jirey Ramsigii Labaad, Ilaahaaybaase inaga og. Boqortooyadaa Meeru sida la sheegay waxa aay ahaayd farac ka samaaysmey burburkii Boqortooyada Fircoonkii la haligey markuu ilhaanimada sheegtey isagoo bashara ee bada lagu qarqoomiyey. Boqortooyadan Meeru dadkeedu waxa aay ahaayeen dad aad u yaqaana sida dahabka loo shubo, cilmi dheerna u lahaa farsamada dahabka iyo sida loo qodo; waxaanaey lahaayeen maal aduunyo oo noodh iyo noolba leh, balse Boqortooyada Meeru waxaa cimrigeedii soo dadejiyey dagaalo sokeeye oo si deg dega ayaay u burburtey, farcii ka soo hadhayna waxa aay samaaysteen Boqortooyadii Naaabta, faracyo kalana waxa aay ku biireen Boqortooyadii dariskooda ahaayd ee Daamut.
2. Boqortooyadii Daamut:
Boqortooyada Daamut waxa aay ku sinaayd ilaa mukala, suurad ahaana waxa aay ahaayeen dadkii Mehriga iyo Ximyirta oo isku dhafan. Asal ahaan Boqortooyada Daamut waxa aay ka soo jeedaan Boqortooyadii Saba ee Yemen ka dhisnaayd dadkuna waxa aay u badnaayeen midabka dadka Berberiga ah, Ilaahaay baase inaga og.
3. Boqortooyadii Xarla:
Boqortooyada Xarla waxa aay ka soo bilaamaysey jiinka Webiga Awaas, waxaaney ku baahaayse ilaa Xaawsa. Boqortooyada Xarla waxa aay lahaayd laba dekadeed oo waaweyn oo kala ahaa Zaylac (Aflaytis) iyo Berbera (Maalo). Qoomka Xarla waxa aay ahaayeen qoom aad u xoog weyn oo qaninimo Ilaahaay ku manaaystey nool iyo moodba. Boqortooyada Xarla waxa aay lahaayd ilbaxnimo soo jireena oo aad u guuna. Waxa aay ku faani jireen in aay yihiin dad xariira. Ereyga Xarla marka aad micnihiisa dhuuxdo waxaa kuu soo baxaaya micnaha ah in aay Xarla tahay nadiif ama kuwo aan xarku gelin; waata geedaha la yidhaahdo xar baa galey, erayga (Xar) marka lagu daro (La) waxaa kuu samaysmaya Xarla.
Caasimada Boqortooyada Xarla waxa aay ahaayd Magaalada Arabsiyo oo aad weli ka sii helaaysid asraartii qadiimiga ahaa ee Qoomka Xarla marku uu Dooxa Arabsiyo daadku soo maro waxaa gebiga uu daadku jilciyey markuu soo dumo laga soo guran jirey maacuunkii weelka ahaa ee uu qoomkaa Xarli wax ku cuni jireen sida dharyaha laga sameeyey dhuubada ee cuntada lagu karsado, daawayaal loxooda lagu duba oo ka samaaynaa bir la shubay oo aan weligeed daxalaaysanaayn, jalxado dhoobo ah oo. biyaha lagu shubto. Gododka qaarkood markuu gabigaasi dumo waxaad uugu tageysaa dharyo saddexdii dhadhaar saaran oo aad garan karto in dadkani aay wax karsanayaan marka la rogay.
Sida aan sheeko Soomaali ku maqlay yaraanti Qoomka Xarla waxa aay ahaayeen Qoom kibray oo la rogay, kuwaas oo aay cadho Ilaahaay ku dhacday markii uu Boqorkoodii ku amray in uu casuumayo ufuud uuga timid Boqortooyadii Maandusa ee aay jaarka ahaayeen in jidka aay soo marayaan la goglo oo roog looga dhigo laxood si aaney cagahoogu dhulka u taaban ilaa qasriga Boqorka Yakamasure ee xukumiyey Qoomkaa Xarla.
Waxaa la sheegay ama aay sheeko caruureedkaasi tibaaxaaysaa in laba goor la rogay qoomka Xarla; mar waxaa lagu gabiyey dhulka Ilaahaay baase iga og, marna gaajo baa odhanaysaa sheeko caruureedkaasi oo soo ootiye ma oodateen baay is odhan jireen baa la yidhi gaajo aawgeed. Boqorka Xarla waxaa la odhan jirey Yakamasure, xaaskiisana waxaa la odhan jirey (Yanuunta). Waxa aay Arabsiyo ahaayd Caasmida looga taliyo Boqortooyada Xarla.
La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii: