Imtixaannka Weyn ee Somaliland iyo diyaar-garowga ardayda (WQ: Abdifatah M. Ahmed)

“Muddo bil ka hor ayaann arkey Laba Hablood oo Meel Maktabad ah ka roganaaya warqaddaha Imtixaannaadka Iskuulada sarre ah,Culeyskii Warqaddaha Ayaann la yaabey oo igu dhalliyey”Maqaalkani Ciwaankiisu kor idinka Muuqdo”

Waxey fadhiyaan Guryaha si ay maalin oo dhan wax u akhristaan,waxa ay fadhiyaan masaajiddada si ay casharro u qeybaan,waxa ay hoos fadhiyaan geedaha iyo meel kasta oo leh jawi wax lagu akhristo, indhahoodu waxa ay ku foorraraan markasta buuggaagta iyo warqaddaha badan ee imtixaannaadkii horre oo dhabta u saaran.Midow iyo kooxo ayey wax ku Akhrisanayaan  oo ay u wada socdaan waxaaney wallaalo ku yihiin buugga iyo wax is weydiinta.Inta wakhtigan lagu jiro kuwo badani waxey illaabi doonnaan naftooda sida ay wax u akhrinayaan, Dharkooda ma eegi doonnaan, Jidhkooda ma daryeelli doonnaan, gadhkooda ma xiirayaan, Jidhkooda ma qubeynayaan, Dagaalkaasi imtixaanka ah ayey u diyaar-garoobayaan, sidda Mid la mid ah dagaalkii dalka lagu xorreeyey oo kale ayey rabaan in ay naftooda Dhicida(Failed) ka badbaadiyaan.

Culeyska tartanka ah in aan laga sareynin ayaa saaran,Masuuliyadda in ay iskuulkooda taariikh u soo hooyaan ayaa saaran,culeyska horumarkooda shakhsiyeed si ay kaalmaha horre u soo galaan ayaa saaaran.Saddexda Kaalmood ee hore iyo 10 kaalmood ee horre riyada ah ayey la noolyihiin.Waallidku wuxu isha ku hayaa,ardeydooda imtixaannkaasi u diyaar garoobeysa,ilaa ay subaxa ugu horreya albaabka ka baxaan  si ay imtixaannkaasi u soo galaan.

Mustaqbalka Dalkeenna iyo waxa isku xidhan Mustaqbalka Ardeydeena,Imtixaannku waa mid soo saari doonaa barbaartii dalku u baahnaa,Ayaanta imtixaanku dhammaado ilaa inta la shaacinaayo wakhti baa u dhaxeyn doona ay tahay in ardeygu farxad,nasasho, niyadsami, Xasilooni, deganaan,cibaado iyo guul ku sugo. Maalinta la soo dhejiyo imtixaanka Guriga farxad iyo damashaad ayaa la idinku qaban, fantasiyo iyo fooladeyn ayaa idinka dhici, bun iyo salool ayaa la idinsameyn,Keega ayaa la idin jari,tahniyadaha ayaa idin badan,12 sanno oo waxbarasho ah ayaa idin soo xidhmi, Hablaha iyo Inamada Dhaca ee sannadkani guuldareysta yaan guriga lagu niyad Jebin,laba iyo saddex jeerba imtixaan waa lagu celin karaa.

Dugsiyada iyo iskuulada dawladda ayaan guul u rajeynayaa,waayo kuwaasi ayaan wax ku soo bartey,Ardey kasta oo Dhigta Dugsiga sarre iyo Fasallada(8) waxaan leeyahay waad baasi doontaa. Hana ogaado Ardeygu in aan Dhicitaanku aheyn Dhammaadka nolosha,kuwo badan oo dugsiyada ka dhacey ayaa nolosha horumar ka gaadhey,Ducadda waallidkuna waa xagiina,Halganka iyo socdaalka taariikhigi ah ee waxbarasho wuu guuleysan doonnaa.

Abdifatah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.