Indheeer-garadkii reer Ciraaq ee ka qosliyey boqorka Marooko (WT: Hamze Mohamed Muse)

Wafdi culimo haldoor ah oo reer Ciraaq ah ayaa soo booqday Marooko si ay wacdi, waano iyo waxbarid ba ugu cammiraan. Markii ay dhammeeyeen hawshii ay u yimaaddeen ayaa uu boqorkii u agaasimay xaflad casho sharaf ah oo heersare ah, si milgo iyo maamuus uu ugu muujiyo. Xubin kasta oo wafdiga ka mid ah waxa uu boqorku guddoonsiiyey saacad qaali ah, waxaana laga reebay hoggaamiyihii wafdiga, waayo boqorku haybad ayuu ka dareemay, waxaana isaga saacaddii loogu beddelay Kitaab Qur’aan ah.

Gunaannadkii xafladda ayaa uu wadaadkii hoggaaminayay wafdigu istaagay, waxaanu uga mahadceliyey boqorka martisoorka uu u fidiyey, iyo maamuuska uu u muujiyey; waxaanu yidhi:

Waxa aan furay kitaabkii uu boqorku ii hadyeeyey, waxaana ii soo baxday aayadda uu Alle leeyahay: “إِنَّ السَّاعَةَ لَآتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا”

“Shaki la’aan, Saacaddu waa mid imanaysa.”

Boqorkii buu beerku caddaaday sidii uu u qoslayay, in uu madaxa ku istaagana uu ku sigtay qosol dartii. Saacaddii gacanta ugu xidhnayd ayuu u furay oo uu guddoonsiiyey.

Turjumaad.