Ingiriiska oo dhaawac ka soo gaadhi doono ka bixitaanka midowga Yurub muddo sannado ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Laba warbixinood oo Cusub oo dhowaan soo baxay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Ingriisku la dhutin doonto dhaawaca ka soo gaadha xagga dhaqaalaha ka bixitaanka Yurub(Brexit).

Rugta ganacsiga ee waddanka ingiriiska(British Chambers of Commerce (BCC ) ayaa Sadaal ay qortay waxay ku soo saartay in sanadkan uu kor u kaca dhaqaalaha waddanka UK uu hoos u dhacayo 1.3% taas oo noqonaysa hoos u dhicii ugu liitay tan iyo intii khalkhalka maaliyaddu ku yimid waddankaas.

Sidoo kale la taliyeha xagga dhaqaalaha ah oo magaciisa la yidhaa(Oliver wyman)ayaa wuxuu daabacay in adeegyada aasaasiga ah ay ka dari doonaan ganacsiga macashkiisuna uu yaraan doono.

Labadan warbixinood waxay soo bexeen xilli ay ka doodayaan Siyaasiyiinta Ingriisku faaidada ka soo baxda iyo inanay faaiido  kaba soo bixin ka bixitaanka Yurub sidii loogu jihayn lahaa dhinaca arrimaha bulshada waa haddiiba faaiido ka soo baxdo e arrintani waxay abuurtay walaac.

Raiisal wasaaraha waddanka Ingriiska ayaa dhowr billion u qoondaysay in lagu bixiyo arrimaha caafimaadka waddanka lacagtan oo ay saadalinayso inay ka soo bixi doonto ka dib markuu ingriisku ka hulleelo yurub lacag badan oo ka lumi jirtay inay faaiido u noqon doonaan arrintani waxay u egtahay Quud aan jirin qoryo u guro.

Arrintan nafteeda oo qaabka loo isticmaalayo ay suaali ka taagantahay ayaa waxa dul hoganaya ceebo badan.

CNN MONEY WAXAY SADAALINAYSAA SHAQO BADAN.

Qoladani iyagu waxay saadaalinayaan inshaqooyin badani soo bixi doonaan

Haddii sanadkan 2018 hoos u dhac dhaqaale iman doono 1.3% sanadka 2019 waxa uu gaadhi doonaa 1.4% ee ha loo samro ayay leeyihiin.

Hase ahaatee goaanka ka bixitaanka midowga yurub ayaa ahaa goaan lagu deg degay ayay leeyihiin dhaqaaleyahandu waayo muddo toban sanadood ah ayaa hoos u dhac dhaqaale haystay waddanka Ingriiska waxanay sababtay arrintani in dhibaatooyin dhaqaale badhtanka u galo waddanku sidas waxa yidhi (Adam Marshal)

WARSHADAHA BAABUURTA SOO SAARA EE INGRIISKA OO NOQON DOONA GO DOON.

Oliver wyman oo ah dhaqaale yahan ayaa wuxuu sii wadaa sadaasha ka bixista midowga yurub 2019-ka.

Wuxuu leeyahay dhaqaalaha gurigu wuxuu noqon doonaa 961 pound oo u dhiganta(US $ 1,273)sandkiiba,arrintan oo ah faqri guri kii ugu adkaa.

Sidoo kale maalgashadayaasha ayaa iyaguna yaraan doona iyo maalqabeenada ku soo hiranayay dalka sida ay tibaaxeen khubarada dhaqaaluhu oo haddaba waxa jira ganacsi badan oo la hakiyay iyadoo aan la saadalin Karin Isbedelka.

Waxa hoos u dhacay qiimaha lacagta ingriiska ee pound marka loo eego lacagaha kale in ku dhow 14%.

Arrintani waxay keenaysaa in waddanka UK uu hoos uga soo siibtay durba shanta waddan ee ugu dhaqaalaha badan Adduunka( Worlds Top Vive Economics)

Tolow meel laga noqdaa ma jirtaa

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213