Innaguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandood JSL balse waxa inaagu waajiba 30sandood dib u egistood iyo su,aalah ka dhalanaaya? (WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud)

“innaguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandoodInn baarka ka jaray ee waxa inagu waajib  dib u eegista  dhab ah, 30sandood ee inoo dhamaaday si aan u helo 30 soo socad haddii rabbi idmo inaan meel ka wanaagsan  halka aynu  joogno maanta  u gaadhno  iyo  guul dhameystir  oo ummadeed “
Waxaynu dib u eegis ku sameeynay  30 sandood oo   aynu ku sugneyn dhiig-baxa dhawac , dhimasho iyo qaxitaan nooc walba ahaa dad iyo duunyaba   . Go,aan ayeynu ku  gaadhney inaan wadda hore  la qaadin karin laguna sii socon karin balse ay haboon tahay inagunna waajib tahay mid kale oo inoo surto-gelineysa  Nabad Nolol iyo waddajir iyo waxwadda lahaansho inaynu qaadno .
Waa ku dhaqaaqnay   si kasto dheeli iyo dhawac innooga horyimadeen.  Waxaynu gaadh Maanta  30kii hore  30dan kale oo   aynu waddii danbe go,aanka aan ku qaadanay hayney . Waxa Maanta  mar kale  innagu waajib ah mar labaad inaan   dib waxa isagga weydiino si la mid ah 30kii hore . Sidda awdeed 30 guuraddan 2021 waxa inoogu lifaaqan dib u eegis  dawladnimadeen iyo hanankeeda   oo kala labba  qaybood  mid ummada ah iyo mid Dawlada  dhiska ah  oo ka faracamaya  qayb last iyo  kadin kasto  Aas aasiga Dawlanimadah ah iyo kafeynta Nolasha Ummadda ah .    Tusaale ahaan  taladii iyo go,aankii  la qaatay 1991 maxaa ka hirgelay  sidda wadda lahaansha dawladnimada  si guud ahaaneed ?   Maxaynaan qaban ee aheyd inaan qabbano  ?  Go,aankii la qaatay ma u fulay sidii waddarta ahayd loo wadda qaatay mise  laaxinba galay  ee ummadu isugu wadda raacday ?  Waxa kasto oo aynu kagga cabanay qabtii midowga dhicisoobay ama aan hirgelin siddii uu qorshu  ahaa  inna dhex maray ma  hirgelnay wax ka duwan mise   waxa aan  ku dhaqaaqnay mid la qaab ah  ama  falgal la yeelan karra?!
Sababtada dawladnimadeen guud ahaan Addunku ugu qanci-wayay maxay tahay 30 sandood oo aynu  nidaam iyo heykal dawladnimo oo aan in badan Aduunka ka jirin aynu hirgelinay oo weliba  hufnaan   dheer tahay  ?
Waxa innaga khaldamay wax kasto ay yihiin  30 snadood ee aynu goonidda nahay sidee ayaan u saxnaa oo laaxinka uga saarna ?  Xududa  Dalkeena  aynan 30sandood gacanta kuwadda qaban in badan  dalkeen ah aanu nidaamka dawlanimad gaadhini maxaa talo ah oo innooga meel taal ?  Goboladda iyo degmooyinka ka biyo-diidan gooni-istaagga  wadadee igu wanaagsan  oo  diidmadood xal ugu heli karra?  Siddee ayaan u sii xoojin-karra dhismaha guud ee ummadnimo iyo ka dawladninomo ? Waxa kasto Maanta  Jamhuuriyada Somaliland iyo ummaddeed ahaan    xaquuq  oo inagga maqan wadadee ayaan ku heli karra ?
Qof kasto Muwaadin ah oo Jamhuuriyada Somaliland  ah waxa ku waajib ah inuu su,aalahan iyo kuwo ka sii waa weyn ka fakero isla markaan  soo ban-dhigo  si aan  u helo tallada maan-galka ah iyo wadda igu haboon ee innagu waajib inaan ku hirano   30sanadaha soo socota  markaan horseedki karra waxa kasto  ah  caqabada dalkeen iyo ummadda ahaan inoo gaar xal waara ugu heli lahayn . Sidda ila quman  ,Innaguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandood baarka aynu  ka jaray   ee waxa inagu waajib  dib u eegista  dhab 30kaa  inoo dhamaaday si aan u helo 30ka soo socda  haddii rabbi idmo inaan meel ka wanaagsan gaadhno  iyo  guul dhameystir oo ummadeeda iyo Dawladeedii”
WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud)