Innamadii isdoortay (W.Q. Cabdirisaaq Xasan Rakuub)

Qalloocan waa deegaan gole-odayeedkoogu soo saaro hoggaamiyihii u talin lahaa.  Garo oo waa deegaan ka soo gudbay in ay odayadu u taliyaan. Haa, inta kaliya ee ay is bidaan waa golahaa gu’ walba ku mashquulsan kala reebidda iyo tartan u aloosidda degmada.

Indheer-garad u dhashay degmada se aan arrin iyo talo mid na ku lahayn ayaa laga hayey “Waar bi’i waaye, may mid uun daystaano baahiyahooga kale ku mashquulaan?”

Sannadba waayihii leh. Hadda xilli-doorasheedkii baa taagan, ragga damaca lehna ma yara,  jagadaa waxa is tusay in ay u tartamaan ku dhawaad sagaal ruux inta la og yahay, rag kalena la sheeg.

Inkasta oo degmadda la yidhaa Qalloocan haddana xaafad ka mid ah deegaanka ayaa iyadna lagu magacaaba Qalloocan, ragga qaar baa laga hayey:

“Degmaduba intan bay ka soo bilaabantay.”

Dhallinyaro reer doc Qalloocan ah baa habeen isugu yimi goob ka mid ah goobaha lagu shaaheeyo. Yeelkood’e waxa ay is tuseen in ay yihiin cidda qudha ee doorkan xaqa u leh in ay u taliso degmada maadaama ay iyagu yihiin xuddunta degmada. Sidoo kale waxay is tuseen sidii ay hal nin ugala soo bixi lahaayeen intaa degmada ku wada arooraysa ee tartamaysa.

Da’yartaasi may ahayn rag gole-odayeedka lagu arki jiray iska daa in ay ahayeen rag talo u soo joogay goynteede. Haddana meel sareedo ah bay isla joogaan. Waxa ay sheegtaan haldoorrada Qalloocan.

Dhallinyaradaa is abaabushay may ahayn qaar cid diratay, ka ay sheegtaan inay la doonayaan Qalloocan in uu ka arrimiyana ma diran, se iyagaa is abaabulay oo is xilqaamay malahood. Dood baa iyadna tidhaa waa adeegayaal dahsoon.

Waxa ay abaabuleen kulammo ay la yeelanayeen odayaasha iyaga oo ka dhaadhicinayey in ay danaynayaan in doorkan codkooga siiyaan ninkaa ay cumaamateen. Kulan kasta oo ay galaan ma noqon jirin mid u taabbo gala sidii ay doonayeen.

Sababta loo aanaynayeyna waxay ahayd iyadoo kulan kasta oo ay la qaataan cid haddalladii la isku waydaarsaday ay suuqa uga soo horrayn jireen. Taas baa keentay in ay dhexdoodii kala aamin baxeen. Raggu may muujisan jirin taageeradooda taasna waa loo aanayn jiray kala jabkoogii.

Dhallin badan oo la fikir-wadaag ahayd ayaan jeclaysan sida ay wax u wadaan raggaasi. Meelo badan bay ka hadleen iyagoo sheegaya in sidaa wax loo wadaa ifafaalo san aanay muujinayn iyagoo mararka qaarna laga guntay:

“Qaab-doonistoodaasi waa tii kala durkinaysay Qalloocan.”

Ragga qaarna waxa ay iswaydiinayeen; inamadaa isdoortay niyadsamidoodu ha joogtee horta ma yihiin rag ka badheedhi kara rabitaankooga? Ma yihiin qaar ku qancin kara ajandaha ay xambaarsan yihiin asaaggood? Iyaga laftoodu ma ku qanacsan yihiin dalabka ay iib gaynayaan?

Dhammaad

W.Q. Cabdirisaaq Xasan Rakuub