Inta aanad Guluf Qaadin, Guryo noqoshada qorshee: Odysseus (WQ: Dr Abdikarim D Hassan)

Inta aanad Guluf Qaadin, Guryo noqoshada qorshee: Odysseus

 

Odyssey waa gabay caan ah oo uu qoray gabayaa giriig ahaa ee la odhan jiray Homer. Inta taariikh lahayo waa gabayga dhamaystiran ee ugu da’wayn; gabaygu waxa uu ka sheekaynayaa sheekada halyay giriig ah oo la odhan jiray Odysseus. ; sheekada gabaygu ka faaloonayaa waxay ku beegantay qarnigii siddeedaa ee milaadiga ka hor.

Odysseus oo dhalasha wiilkiisa curad u damaashaadaya ayaa dagaal la iclaamiyay; sida sheeko giriigu sheegto (Greek Mythology) wuxuu ahaa nin geesinimo iyo dadnimo lagu yaqaanay; khiyaamooyinka dagaalkana belo ku qaba. Dagaalkuse waa kee? Waa dagaalkii taarikhda galay ee dhex maray Giriiga iyo qabiilooyinkii Trojans la odhan jiray.

Maalintaas dagaalka wuu ka naxay, waxaa layidhaa intuu dhuuntay ayuu goob cibaado isku qariyay, hasayeeshee waa lasoo helay. Sidaa ayuu dagaalkii kaga qayb galay. Waxa sheeko baralayda Giriigu sheegtaa in dagaalka Trojan uu socday kudhawaad toban sano; Odysseus ragii dagaalkaa ku suntanaa ee wacdaraha dhigay ayaa safka hore kaga jiray; waaba ninkii lahaa fikradii faraska askarta lagu qariyay ee loo yaqaan “Trojan Horse” mahadhooyinkiisii wali taariikhda ayaa qorta.

Dagaalkii wuu dhamaaday, guushiina waxay raacday ciidankii Giriiga. Odysseus waa in uu ciidankiisii oo mudo dheer dagaal kujiray dib ugu celiyo wadankoodii. Halkaa ayay kabilaabmaysaa dulucda sheekadu.

Sanadihii dheeraa ee dagaalka, diiftii dibjirnimada, diihaalkii iyo gaajadii iyo dibadyaalnimadii la qabatimay waxay bedeshay dabeecadii raga; dulqaadkii, debecsanaantii, iyo kala danbayntii intuba way yaraadeen. Dagaalku dusha soo mariyaa dabeecada raga inta ugu xune, waxay u durkeen xagii damaca, dulmiga, iyo duunyo jacaylka.

Sida sheeko giriigu sheegto, ilaahyada giriigu sifooyinka raga way ku ciqaabi jireen. Ragii geesiyada ahaa ee dagaalka ku guulaystay dabeecadoodii waxay usoo jiiday cadhadii Ilaahyada ( Ilaahay ayaa xumme oo dhan ka nasahan oo aanay cidi labayn); dariiqii guryo noqoshadana way ka habaabeen.

Inta suugaanta luqada ingiriisiga xiisaysa ereyga “Odyssey” waxa loo adeegsadaa maanta marka la sharaxayo hayaan adag oo wakhtigiisu dheeraado, dhibtiisu badato, jahawareer iyo dayowna la saaxiiba, siiba socdaallada badaha (voyage) waxa laga soo qaatay safarkii guryo noqoshada ee Odysseus. Safarkaasi toban sano oo kale ayuu qaatay, ciidankiina intii badnayd jidka ayay ku le’deen; tiro aad u yar oo aan labaatan gaadhin ayaa la guryo noqotay.

Odysseus, ugu danbayn, waa gaadhay gurigiisii; muxuuse la kulmay!! Rag tiro badan oo jaalkiis ah ayaa u tartamaya dumaalida xaaskiisii Penolepe, oo ahayd xidigta hablaha jasiirada giriiga quruxda ugu sita, isagoo isusoo ekaysiiyay faqiir dawarsade ah ayuu dacalka kasoo galay. Xujooyin ay raga hordhigtay ayuu keligii kasoo baxay; Waxa cidda keli ah ee Odysseus aqoonsatay ahayd eygiisii oo gaboobay; waxa intaa la raaciyaa in odysseus uu wada laayay ragii xaaskiisa u tartamaayay.

Sheekada odysseus waxay jirab adag marinaysaa daacadnimada iyo halyaynimo (loyalty and heroism). Giriigu waxay qiimayn jireen geesinimada ku aadan u adkaysiga duruufaha nolosha; halyaynimadu ma aha in aad dagaal ku guulaysato oo keli’ah; taajka geesinimadu waa in aad dagaalka kasoo baxdo adoo dadnimadaadii adkaystay: waa in guushu saraysiiso qiyamka suuban, hadii aanay taasi dhicin dagaalkaas laguma guulaysan.

U daacad noqoshada mabda’a, saaxiibka, xaaska, iyo xayawaanka intaba imtixaan adag ayaa la mariyay, intuba waxay qayb ka yihiin rukumada halyaynimada: waa humaagyada si joogtada ah loogu hilaadiyo sheeko mala’awaalka Giriiga. Sheekadu waxay tilmaantay oo kale in geesigu gaatiro iyo gocondhooyin tiro badan yeelan karo, inuu ilduufi karo oo ciidankiisa la marin habaabi karo, after all he is a humun!!

 

Kulan danbe oo xiiso leh